Maalinta oo ah maalinta 8aad ee bisha Dul-Xijjah waxaana loo yaqaanaa Yowmu-Tarwiyah.
Waa mid kamid ah maalmaha ugu fadliga badan sanadka, waa maalinta uu bilowdo Xajka oo xujeyda ayaa Xajka xirata, qofka xaajiga ah maalinta oo kale waxa uu aadayaa buurta Mina isaga oo halkaas ku baryaya (seexanaya) ilaa caawa.
Xaajiga ama qofka Xajinaya waxaa looga baahan yahay in uu raabo ama uu sameeyo maadaama uu si toos ah u guda-galay gudasha Acmaasha Xajka qodobadaan:
1-In uu Qubeysto xajkana xirto.
2-In uu ku labisto dharka Muxramka ah.
3-Tahliisha Xajka in uu bilaabo isaga oo leh Labeyka Allahuma Labeyka.
4-In uu aado buurta Mina kadibna halkaas salaadaha ku tukado dhammaantooda isaga oo soo gaabinaya salaadaha oo dhan sida (Duhur, Casar, Maqrib, Cishe, Subax).
5-Sunnada waxaa kamid ah in uu habeenkaas Mina seexdo kadibna maalinta xigta aroorteeda u kalaho ama u jarmado (Dheelmado) Buurta Carafa.
Sababta loogu bixiyay magacaan maalinta 8aad ee Dul-Xijja waa labadaan labadaan arrin oo tan 1aad ay tahay in ay leedahay maalintaan xujeyda waxay aad u cabi jireen biyaha maadaama maalinta sagaalaad soon tahay sidaas ayaana loogu bixiyay Yowmu-Tarwiyah (Maalintii haraad go’a).
Culimada qaar kale ayaa leh maalintaan waa maalintii uu Nabi Ibraahim ku riyooday isaga oo gowracayo wiilkiisa Ismaaciil subaxii ayuuna Dadka qaar uga wariyay riyadaas sidaas ayayna ugu baxday Yowmu-Tarwiyah (Maalintii Warinta).
Yowmu-Tarwiyah kaliya Xujeyda lagama rabo acmaal in ay la yimaadaan sidoo kale waxaa acmaal laga rabaa Dadka aan xajineynin sida in ay sameeyaan:
1-Ducada oo la badiyo maalintaan waayo Yowmu-Tarwiyah ducada qofka lama soo celiyo.
-In soon sunno ah la soomo.
3-Saliga Nabiga SCW oo labadiyo.
4-Qur’aanka oo la akhriyo, sadaqada oo la badiyo iyo in la booqdo qaraabada.
5-Salaada oo waqtigeeda la ilaaliyo, badinta sunnooyinka & habeenkeeda oo Tahajud loo kaco.
6-Takbiirta iyo Tahliisha oo la badiyo.
Waxaa qorey Cabdiraxmaan Xasan Anteeno.