Nin dhakhtar ah oo u dhashay dalka Kenya, kana shaqeeya isbitaal ku yaalla magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ku guuleystay isku day cajiib ah, kadib markii halkaas ka sameystay beer weyn.
Ninkaan ayaa codsaday in lasiiyo dhul, waxaana duleedka Galgodob dhul laga siiyey uu ku abuuray Qare, markii uu kasoo baxo shaqadiisa isbitaalka wuxuu ka howlgeli jiray beertiisa.
Hadda waxaa soo go’day beertii, waxaana laga guray Qare aad u badan oo qurx badan, kana waaweyn qaraha ka baxa qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.
Sawirro laga soo qaaday dhakhtarkaas Kenyaanka ah ayaa maanta qabsaday baraha bulshada Soomaalida, iyadoo aad loo falanqeynayo sida Mudug oo ka mid ah gobollada ugu dhulka adag Soomaaliya wax looga soo saari karo.
Arrinta cajiibka ah, waa in meel u muuqata Galdogob ay ku dagaalayaan beelo walaalo ah oo halkaas wada dega, kuwaas oo isku heysta dhul daaqsimeed iyo waxyaabo kale aan macna laheyn, halka dhakhtarka Kenyaanka ah uu dhaqaale badan ka sameynayo deegaankooda.
Dad badan ayey iska dilaan beelaha ku dagaalamaya aagga Galdogob, caqabadaha ugu horeeya ee dadka Soomaaliyeed isku dira waa kamid ah dhaqaale la’aanta, balse iyagoo is dilaya ayuu ninkaan ajanebi ah si fudud dhaqaale uga sameeyey deegaankooda.

Maanta Qarihii quruxda badnaa ee beerta uga soo go’ay dhakhtarka ayaa loo iib-geeyey magaalooyinka kale ee Galmudug iyo Puntland, waxaana halkaas laga raray dhowr gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, taas oo muujineysa tirada Qaraha beertaaa ka soo go’ay.
Soomaaliya waxaa la sheegaa in dhulkeedu qani yahay, laakiin dadka Soomaaliyeed waxay ku jiraan dadka ugu saboolsan dunida, sidoo kale waa dad aad isku dila, waxaana dhiigooda ka sii dhalatay carada rabbi.