Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada dalka
Mudane Mohamed Hasssan Ibrahim Qoono
Waxaan bogaadinayaa guulaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud kasoo gaaray shir madaxdeedkii 37-aad ee Midowga Africa.
Madaxweynaha waa ku mahadsan yahay sida adag ee uu uga hadlay damaca guracan ee dowladda Ethiopia kula kacday madaxbanaanida iyo qaranimada wadankeenna oo ah mid baalmarsan shuruucda caalamiga.
Waxaan baaq masuuliyad wadareed ah u diraa dhammaan siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeedba inaan ku taageerno madaxweynaha JFS difaaca dalka iyo inaan hal mowqif ka qaadano wax kasta oo danaha iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka hor imaanaa.
Lataliyaha madaxweynaha xiriirka dowlad goboleydyada dalka
Mudane Mohamed Hasssan Ibrahim Qoono