Xildhibaan hore ahna lataliyaha Madaxweynaha Somalia ee xariirka dowladaha carabta Mudane Abdukadir Sh. Hanafi Muhiimadda Ka Guurista Nidaamka Doorasho Dadban ee Soomaaliya
Ka guurista nidaamka doorasho dadban waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadeysa geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda uu maanta dalka maraayo.
Taariikhda dowladnimo ee Soomaaliya waxay marqaati u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dooran karaan madaxdooda sare iyo goleyaashooda kala duwan si xor iyo xalaal ah. Waxaa tusaale u ah dhacdooyinka soo socda:
1. 1956.kii Doorashadii Ugu Horreysay ee Soomaaliya
Sanadkii 1956, waxaa la qabtay doorashadii ugu horreysay ee baarlamaanka, waxaana la dooranayay 60 kursi. Doorashadaasi waxa ay soo baxday iyadoo xisbigii SYL uu ku guuleystay 43 kursi. Doorashadan kadib, dalka waxa uu yeeshay xukuumaddii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare oo uu hoggaaminayay, Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo noqday ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee Soomaaliya.
2. 1960.kii Aftidii Dastuurka Qaranka
Bishii Juun ee 1960, shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn ugu dareereen codeynta afti dastuur. Si aqlabiyad wayn leh ayaa lagu meel mariyay dastuurka dalka, taas oo suurtogal ka dhigtay in dadweynuhu doortaan madaxdooda sare iyo goleyaashooda si xor iyo xalaal ah. Xukunka waxa loola kala wareegay si nabad ah, taas oo tusaale u ahayd nidaamka dimuqraadiyadda iyo kala dambaynta siyaasadeed.
3. Dastuurka iyo Xuquuqda Muwaadiniinta
Dastuurka dalka ayaa si cad ugu qeexaya qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad iyo qodobka 22-aad, faqradiisa 2-aad, xuquuqda uu muwaadinku leeyahay oo ah in uu doorto madaxdiisa sare iyo xubnaha golayaasha kala duwan. Tani waa tusaale cad oo muujinaya in shacabka Soomaaliyeed ay hore u doorteen madaxooda, haddana ay awood u leeyihiin inay dib isu doortaan, iyaga oo maanta ka waayo-aragnimo badan, ka dhaqaale wanaagsan, kana waxgarad badan.
In dib loogu laabto doorasho dadban waxa ay muujineeysaa nasiib darro iyo hore usocod la,aan Doorasho dadban waa sabab fasaad iyo fitno ah, waana sida Alle ku sheegay Qur’aanka:
“والفِتنةُ أشدُّ من القتلِ”
In xuquuqda dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed la marin habaabiyo waa gabood-fal iyo jariimo ay taariikhdu xusi doonto.
*Fariin Ku Socota Madaxweynaha Jubaland*
Madaxweynaha Jubaland waxaan leenahay, lama aqbali karo in doorasho saddexleey ah lagu qabto magaalada Kismaayo. Shacabkaaga ku kalsoonoow, doorasho qof iyo cod waa lama huraan oo waajib ah.
إِنْ أُرِيدُ إِلَّا الْإِصْلَاحَ مَا اسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللَّهِ
W.Q. Xildhibaan hore ahna lataliyaha Madaxweynaha Somalia ee xariirka dowladaha carabta
Abdukadir Sh. Hanafi
————————-