Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Mucaaradka Dowladda oo sabab yaab leh uga dhuuntay heshiiska difaaca badda

    Mucaaradka Dowladda oo sabab yaab leh uga dhuuntay heshiiska difaaca badda

    By radiohalgan.comFebruary 27, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mucaaradka dowladda Xasan Sheekh ayaa si weyn u qeyla-dhaamiyay soddankii cisho ee lasoo dhaafay. Waxay ka hadlayeen howsha dastuurka ee uu guda-galay baarlamaanka Soomaaliya.

    Waxay sheegayeen inay jirto mudnaan kale oo taas ka horreysa, waxyaabaha ay farta ku fiiqayeen waxaa kamid ahaa difaaca badda.

    Qaarkood si adag ayay arrinta badda uga hadleen billowgeedii hore, sida; Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kuwaasi oo adeegsaday ereyadii ugu adkaa ee xubnaha mucaaradka u adeegsadaan Itoobiya.

    Warsame isagu weli wuxuu u muuqda mid mowduuca Itoobiya waqti badan gelinaya, isaga oo bixinaya tallooyin wax ku ool ah, laakiin asbuuc kale oo arrinta badda ay ka hadal mudneyd ayaa soo maray Soomaalida, waana heshiiska difaaca badda ee dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga.

    Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer loogu baaqay inay raadsato difaac baddeed dibadda ah ayaa ajiibtay codsigaas, waxayna sadaro cusub ku dartay heshiis ay Turkiga muddo fog rabeen.

    Soomaaliya ayaa toban sanno gudahood loo dhisi doona ciidan baddeed ku filan baddaheeda, waana loo qalabeyn doona.

    Turkiga wuxuu tobankaas sano ilaalin doonaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ka ilaalinaya kalluumeysiga sharci darrada ah, argagixisada, burcad badeedka, in sunta lagu shubo iyo fara-gelinta ajnabiga kale, isaguna saami ayuu ku yeelan doonaa dhaqaalaha kasoo baxaya biyaha Soomaaliya.

    Dad badan oo Soomaali ah ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskan, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka kala dhuuntay soo dhoweyn iyo diidmo labadaba.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydiiyay sababta ay heshiiskan uga dhuunteen xubnihii waayadan looga taag-waayay walaaca dastuurka ee dowladda ugu baaqaayay inay mudnaan siiso difaaca badda.

    Aamusnaanta xubnaha mucaaradka ee heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa loo kala qaaday laba qeybood,Β kuwaasi oo kala ah;

    1. Xog la’aanta heshiiska

    Qaar kamid ah mucaaradka ayaa la sheegaya in aanay weli faham fiican ka helin heshiiskan. Iyada oo xogta heshiiska ee bulshada lala wadaagay ay aad u kooban tahay, ayaa mucaaradka qaar uga aamuseen arrintaan inay faham badan ka haysan heshiiska.

    Qofka siyaasiga ah inuu iska hadlo ogaal la’aan sax ma ahan, waxaana macquul ah in qaarkood weli raadinayaan inay heshiiska fahmaan.

    2. Qolo diidan dhibcaha madaxweyne Xasan

    Xubnaha mucaaradka qaarkood heli kara heshiiska fahamsana waxa ku dhex jira ayaa la aaminsan yahay inay hoos iskaga dhigayaan iyaga oo u jeeda inuu yahay mid wax badan u dhalaaya nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh iyo muddo xileedkiisa.

    Qoloda dambe waxaa lagu sifeyn karaa rag ay iskaga qaldan tahay danta dalka iyo colaada ay u qabaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Difaaca biyaha Soomaaliya wuxuu saaran yahay qof walba oo Soomaali ah, si gaar ah xubnaha tallada haya, kuwaasi oo haddii muddo xileedkooda la qaato qeyb dalka kamid ah ay ku noqon doonto taariikh madow oo aan weligood ka harin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.