Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay dhowr qodob oo ay ku dhaliilayaan Dowladda ay ka yihiin xubnaha xeer dajinta iyaga oo sheegay in ay u baahan yihiin Isla xisaabtan dhab ah.
Xubnahaan katirsan Baarlamaanka ayaa ku dooday in waxyaabo badan ay qaldameen loona baahan yahay in dib u eegis iyo xakamayn lagu sameeyo si Dalka looga badbaadiyo kala durug Siyaasadeed & muran daba-dheeraada waa sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa shaaciyay in la gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa Xukuumadda isaga oo Guddoonkiisa ku dhaliilay in uu gabay kaalintii uu ku jihayn lahaa in Xeer-dajinta la xisaabtami karto Laanta Fulinta.
“Xubno badan oo katirsan Labada Gole ee BJFS ayaa isku raacay in la gaaray Xiligii si dhab ah loo sixi lahaa hannaanka isku milanka taaba-galay ee hay’adaha Fulinta (Xukuumadda) & Xeer Dajinta (Baarlamaanka) taas oo ay ugu wacnayd Guddoonka Baarlamaanka oo garan waayay in ay jiheeyaan in lala xisaabtamo Xukuumadda Federaalka iyaga oo danahooda gaarka ah ka raacay” Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu.
Axmed Cabdi Kooshin oo qudhiisa ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa dhankiisa ku qallin-daartay eedaha culus ee loo jeedinayo Guddoonkooda sabab la xiriirta in uusan Baarlamaanku sameyn isla xisaabtan & in aanay daba-gelin heshiisyo Xukuumaddu gashay.
Kooshin ayaa carrabka ku adkeeyay in Xiriirka Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada qaar uu gaabis ka jiro isla markaana aanay jirin cid mas’uuliyad iska saartay sidii ay uga hortagi lahayd caqabadaha ka dhalan kara arrintaan.
“Waxaa sii kala fogaaday Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada waxaana sabab u ah Siyaasad xumada baahsan, Wada-xaajood la’aanta, Dastuur ku baddelid aan loo Dhammeyn & Hal ku dhig dhowaan caado u noqday Dowladda oo ah Cidna loo joojin maayo” Xildhibaan Kooshin.
Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay furmay waxaana durba billowday eedaha ay jeedinayaan xubnaha qaar iyada oo indhaha lala raacayo kalfadhigaan oo qodobo badan loo qorsheeyay.