Afar (4) dhibaato oo ay wajahayaan ciidanka xoogga dalka iyo niyad jab xoogleh oo ay wajahayaan ciidamadu – Maxaa sababay indhaha in laga daboosho arrimahaan?.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ku jira dagaal daba-dheeraaday oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo qaatay sanado badan. Shaki kuma jiro in Milateriga Soomaaliya oo heysta taageero caalami ah iyo mid gudaha ah ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen kooxda Al-shabaab, loogana qabsaday magaalooyin waa weyn oo ay muddo dheer gacanta ku heysay kooxdu.
Laakiin waxaa dhankooda soo gaaray khasaare culus, waana mid kamid ah dabeecadaha dagaalka lagu yaqaano.
Warbixintaan waxaan ku eegi doonaa afar dhibaato oo ay wajahayaan Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo ah kuwii ugu mudnaa ilaalintooda iyo tayeentooda, waxaana dhibaatooyinkaas ay banaanka keeni doonaan dadka masuulka ka ah niyad jabka ciidanka ku dhacay.
Afarta qodob ee aan kusoo qaadan doono Warbixintaan oo sababay niyad jabka iyo xaaladda quusta ah oo ay ku jiraan xoogga dalka ayaa kala ah;
1) Dagaalka oo daba dheeraaday
Markasta oo uu daba-dheeraado dagaal ay ku jirto dowlad ama koox waxa uu sabab u noqdaa in lagu daalo dagaalka iyo in uu kordho khasaaraha, waxaana jira dhacdooyin badan oo aan waxba laga baran, sidoo kalena aan cidna loo ciqaabin, kuwaas oo lagu waayay dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-shabaab.
Dowladda waxay dagaalkaas ku weysay saraakiil badan oo muhiim ahaa iyo ciidan, mana jirto hal qof oo loo ciqaabay waxay taasi keentay in Saraakiishii aqoonyahaanka ahaa ee ciidanka soo galay is weydiiyaan waxa keenaya isla xisaabtan la’aanta ah, si gaar ah waxay wali qaadan la’yihiin weeraradii lagu dilay Saaxiibadood Shataqeey, Shaah-Macabe, Xasan Tuurre, Suulnuug, Liibaan Golcad, Farxaan Qaroole iyo qaar kaloo badan.
2) Dalacsiin la’aan
Milateriga Soomaaliya oo la dalacsiiyo inta la ogyahay Taariikhda waxaa ugu dambeysay sanadkii 2013-2014-kii, marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Saraakiishii hogaaminaysay howladii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho, laguna weeraray madaxdii hore ee dalka ee uu ku jiro Xasan Sheekh oo markaas mucaarad ahaa.
2016 illaa 2024 Ciidanka waxaa aad u soo galay dhalinyaradii Jaamacadaha ka baxay, laakiin nasiib darro waxaa ku dhacay in dhalinyaradii kulliyadaha Leyli-saraakiisha ee wadamada Turkiga, Uganda iyo Sudan kasoo baxay oo Ciidanka wax tari lahaa ay waayeen dalaacaad, maadaama markii horaba aysan heli jirin dhaqaale ku filan.
Sidoo kale waxaa istaagay ama yaraaday koorsooyinkii loo aadi jiray Mareykanka, Turkiga, Talyaaniga iyo wadamo kale oo muhiim ah, taas oo saraakiisha dhalinyarada ah waqti nasiino iyo koorsooyin wax kororsi ah u aheyd, isla markaana ay kaga nasan jireen dagaalada daba dheeraaday ee dalka ka socda.
Markii la joojiyay fursadihii waxbarasho ee taliska uga baxsan lahaayeena, dalacaadna aysan jirin dagaal waqti dheer ahna ay galeen, dhaqaale ku filana aysan haysan waxa ay hada badi iska aadeen Kenya, Uganda, Ruwanda, Ethopia iyo Turkiga waa dadkii wax tari lahaa xoogga dalka oo aan laga faa’ideysan.
3) Xilalkii ugu muhiimsanaa oo siyaasiyiin la siiyay
Xilalkii nacfiga iyo waxtarka lahaa sida, hoggaanada iyo colalka waa weyn, qaab siyaasi ah ayaa loo qeybsaday, waana meesha labaad ee Talisku uu aad uga liito, tusaala ahaan hoggaanada Taliska waxa ay ka shaqeeyaan maamulka, dhismaha ciidanka, dejinta siyaasadda maamulka ciidanka, hormarinta ciidanka iyo guud ahaan qaabeynta Militeriga, laakiin hadda waa meelaha uu Taliska ka dumay ee u baahan badbaadinta.
4) Dhaqaala ku filan oo aan la siinin
Sida la ogyahay Ciidamada Soomaaliya ma qaataan mushaar ku filan ama u dhow ku filnaansho, sidoo kale dowladu ma awoodo in ay daboosho baahida ciidanka, laakiin qodobkaan kuma eedeysna dowladdu, maadaama ay tabarteedu liidato, ciidamada Soomaaliya waxay qaateen go’aan ay adagtahay in ay qaataan in badan oo kamid ah muwaadiniinta dalkaan, kaas oo ah in ay gunno yar ugu shaqeeyaan dalka, isuna dhigaan qaraxa iyo gumaca rasaasta Al-shabaab, iyadoo qaarkood ay yihiin Jaamiciyiin heli kara shaqooyin ka qabow tan ciidanka, hadana ma helin dalacsiin iyo kawar qabkii ay ka mudnaayeen madaxda Qaranka.
Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska waxay Militeriga kaga roon-yihiin in ay helaan dalacsiin iyo in aysan ku sugneyn sida Milateriga furimaha dagaalka, kana maqnaanin sanado qoysaskooda, inkastoo waqtiyada qaar ay qeyb ka yihiin dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Hadaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ciidanka xoogga dalka ma badbaadin doonaa si ay u sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dalkana uu u helo amaan iyo kala-dambeyn? Maxaase hor taagan in la dalacsiiyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed?.