Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Militariga Israaiil oo qirtay in Wiil Falastiini ah oo ay dhaawaceen ku xireen afka hore ee Gaarigooda

    Militariga Israaiil oo qirtay in Wiil Falastiini ah oo ay dhaawaceen ku xireen afka hore ee Gaarigooda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 23, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamadoodu ay jebiyeen hab-maamuuska kadib markii nin Falastiini ah oo dhaawac ah ay ku xireen afaafka hore ee gaarigooda intii uu socday hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Jenin ee daanta galbeed.

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada.

    Bayaan kasoo baxay Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen intii uu socday weerarka, uuna ahaa tuhmane.

    Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii ay dalbadeen ambalaas ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xireen boonedka ama afka hore ee gaariga oo noociisu ahaa Jeep ay wateen kadibna ay kaxeysteen.

    Ninka dhaawaca ahaa ayaa ugu dambayntii waxa loo gudbiyay hay’adda Laanqeyrta Cas si loogu daweeyo. IDF waxay sheegtay in dhacdadaas la baari doono.

    Goob joogayaal la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa ninka ku sheegay in uu ahaa nin deegaanka ah waxaana lagu magacaabi jiray Mujaahid Azmi.

    “Saakay (Sabtidii) intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagu soo qab-qabtay dad la raadinayey oo laga shakisan yahay deegaanka Waadi Burqin, argagixisadu waxay rasaas ku fureen ciidamada IDF, kuwaas oo ku jawaabay rasaas,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IDF.

    “Intii ay is-rasaaseyntu socotay, waxaa dhaawacmay mid ka mid ah tuhmanayaasha oo gacanta lagu dhigay.

    “Iyadoo la jabiney awaamiirta iyo nidaamka caadiga ah ee hawlgalka, Eedeysanaha waxa qabtay Ciidamada difaaca Israa’iil waxayna kaxayteen isaga oo ku xiran Gaari korkiisa.

    “Habdhaqanka ciidamada ee muuqaalka laga duubay ma waafaqsana qiyamka ciidamada IDF, dhacdada waa la baari doonaa, waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku habboon.

    Dhanka kale Israel ayaa duqeyn ku dishay 42 qof magaalada Gaza. Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan

    labo weeraro oo cirka ah ayey Israel ku qaaday dhisme ku yaal magaalada Gaza sida ay sheegtay Xamaas.

    Ciidamada Israel waxay sheegeen in ay duqeeyeen dhismo ay leeyihiin militeriga Xamaas, waxayna sheegeen in faahfaahinta ay dib ka soo sheegi doonaan.

    Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka Gaza ayaa sheegay in dhismo deegaan ah oo ku yaal xaafadda Al-shadi dhowr jeer la duqeeyay. Duqeymaha kale waxaa lagu beegsaday guryo ku yaal degmada Al-tufaax sida ay sheegeen warbaahinta Xamaas.

    Muuqaallo laga duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo la sido iyo baadigoobka in cid badbaaday. Warar markii hore soo baxay waxay ku qiyaaseen dhimashada 42 qof.

    Waxaa kor u kacay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza, kaasoo ka dhashay weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israel 7-dii October.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 480 falastiiniyiin ah – xubno ka tirsan kooxo hubeysan, weeraryahanno iyo dad rayid ah – lagu dilay shilal la xiriira iskahorimaadyada oo ka dhacay Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Quddus.

    In ka badan 37,551 ayaa lagu dilay Gaza ilaa markii uu bilowday dagaalka. Tiradaas kalama saareyso rayidka iyo kuwa dagaallamayay balse waxaa la sheegay in 14,680 ay yihiin carruur, haween iyo waayeel.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.