Ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa ayaa ku cadaadinaya maamulka RW Netanyahu inuu qaato heshiis xabbad-joojin ah.
Arrintan ayaa saraakiisha waxay la wadaageen xulafadooda Mareykanka, iyadoo sarkaal Mareykan ah uu u sheegay CNN inay xilli hore doonayaan ciidanka Israa’iil xabbad-joojinta inay dhacdo.
Dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta waxay arkayaan cadaadiska militari ee Israa’iil iyo khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Netanyahu, taasna waxay u adeegsadeen hab ay sare ugu qaadaan weerarrada ay la beegsanayaan, iyadoo shalay tobannaan askari iyo dhaawac tiro kale ay ka dhasheen weerarro taxane ah oo iska caabinta ay ku qaadeen goobaha ciidanka Israa’iil ee gudaha Qasa.
Isbitaallada Israa’iil ayaa maanta ku jira xaalad feegignaan sare ah, kaddib weerarro iska caabinta Falastiiniyiinta Qasa ay la beegsadeen ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha Qasa , kuwaaso ay ku jireen dhowr qarax oo ka dhacay aaggaga ay ku suganyihiin ciidanka Israa’iil ee bartamaha iyo koonfurta Qasa, sida ay sheegtay Al Jazeera oo intaa ku dartay in ugu yaraan shan diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah inay dhaawacyo gaarsiiyeen isbitaallada Israa’iil.
Wargeyska Wall Street Journal, ayaa soo bandhigay warbixin uu ku sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden inuu isku dayay dhowaan inuu ku qanciyo Netanyahu inuu oggalaado heshiiska xabbad-joojinta Qasa, taas beddelkeeda uu u ansixin doono heshiis 20 bilyan oo dollar hub ku kacaya.
Qorshahan ayaa la sheegay in loo soo bandhigay Netanyahu markii uu Tel Aviv kula kulmayay toddobaadkan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken laakin qorshahaa ma noqon mid shaqeeya oo Netanyahu ayaa ku gacan sayray.
Biden ayaa bixinaya dadaal uu ku doonayo in xabba-joojin laga gaaro dagaalka Qasa ka hor doorashada Mareykanka ee November, taa beddelkeeda Netanyahu ayaa doonaya inuu sugo doorashada, sababtoo ah Netanyahu ayaa arkaya haddii doorashada uu ku soo baxo Trump inuu ka heli karo taageerro uu dagaalka ku sii wadi karo.