Shir gaar ah uu yeeshay Golaha Amniga & Nabadda ee Midowga Afrika ayaa looga arrinsaday codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qorshaha bixitaanka Ciidanka Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS iyo la caawiyo kaddib bixitaankooda.
Warmurtiyeed kasoo baxay Shirka ay yeesheen xubnaha Golahaan waxaa ugu horreyn lagu bogaadiyay Dedaallada Dowladda Federaalka ay samaysay sida dhinacyada dib u dhiska, Diyaarinta ciidamada la wareegaya mas’uuliyadda Amniga Dalkooda & Joogtaynta Shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Intaas kaddib Golaha Nabadda & Amniga Midowga Afrika ayaa taageero u muujiyay in soo jeedinta ka timid Soomaaliya ee ah kahor bixitaanka Ciidankaan ATMIS la sameeyo howlgal muddo kooban ah oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka si aanay fursad u helin kooxaha kasoo horjeeda.
Arrinta kale waa in ciidamada baxaya Bishaan Juun ee gaarayay 4,000 oo askari la reebo waqti kooban kala bar oo 2,000 oo askari ay haatan baxaan halka labada kale hartay Dalka laga saaro marka la gaaro Bisha Sebteembar si looga fogaado firaaq dhinaca Amniga ah meeshana looga saaro cabsida la muujinayo.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in go’aamadaan kasoo baxay Midowga Afrika qaybtiisa Nabadda iyo Amniga saamayn ku leh Amniga Soomaaliya isla markaana abuuraya Jawi cusub & maalmo kale oo Soomaaliya u billaabanaya.
Danjire Cabdullaahi Warfaa ayaa sheegay in 17kii sano u dambeeyay Soomaaliya ay ku tiirsanayd Ciidamada Afrikaanka balse haatan la gaaray in ciidamadeeda isku filnaadaan lagana maarmo ku tiirsanaantii badnayd ee ciidamadaan sida uu hadalka u dhigay.
“Go’aamadaan kasoo baxay Midowga Afrika qaybtiisa Nabadda & Amniga waa qaraaro saamayn ku leh Soomaaliya oo wax badan ka baddelaya sida ay wax u socdeen, abuurayana Jawi cusub & Maalmo cusub oo Soomaaliya u billaaban doonna oo ka duwan sidii hore ay wax u socon jireen” Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika, Cabdullaahi Maxamed Warfaa.
Waxa uu xusay in Sida uu isku baddelay Qaraarka tirsigiisu yahay 1068 ee ay kusoo galeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM balse sanadkii tagay 2023 loo baddelay Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS loogu talagalay in la dhimo ciidankaas looguna baddelo ciidamo Soomaali ah sidaas oo kale uu u xoojiyay go’aanka Dowladda.
“17kii sano u dambaysay waxa ay Soomaaliya ku tiirsanayd Ciidamada Midowga Afrika hasayeeshee waxaa la gaaray waqti ay Soomaaliya go’aankeeda qaadan karto oo ay rabto in ay isku filnaato oo ciidamadeeda ku filnaadaan lana wareegaan nabadgalyada waddanka loona mahadceliyay ciidamadii Afrikaanka ah ee caawiyay” Ayuu hadalkiisa kusii daray Danjire Warfaa
Madaxda Dowladaha Uganda & Kenya ayaa dhowaan walaac ka muujiyay amniga Dalka kaddib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS balse hadalkaas waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin oo sheegay in ciidamada Soomaalida ay buuxin karaan kaalinta ciidankaan baxaya ee adkaynta nabadgalyada.