Shirkan oo lagu casuumay wasaaradda Howlaha guud ee dowladda fedaraalka Soomaaliya Agaasimaha wasaaradda Howlaha guud ee dowladda fedaraalka wasiirada Howlaha guud ee dowlad-goboleedyada iyo Mayarada magaaloyinka lagu fulinaayo mashaaricda Bankga Aduunka.
Mashruucan waxaa maalgelinayo Wold Bank waxuuna mashruucan biloowday 2020.
Mashruuca Nagaad ayaa bulshada Beledweyne u sahli doona dhismaha Waddooyin Laami ah oo Casri ah Buundooyin iyo hirgelinta interlock.
Duleedka Beledweyne waxaa ka socda dhismaha Xafiisyada ay maal gilineyso world Bank waxaana ku shaqeyn doonaan PIU wuxuuna ka kooban qeybo badan sida qeybta Hubinta Tayada agab dhismeedka ee loo yaqaano Laboratory .
Shirkan ayaa socon doona muddo 14-maalin ah waxaana xusid mudan in Madaxda ka kala socday PIU,Wold Bank, IOM, UNPOS iyo dhaman hayadaha saaxibka la ah somalia waxaa sidoo kale shirka qudbad ka jeedisay Mayor ka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin waxeyna maalmahan soo socdo shirar gooni gooni ah la qaadan doontaa dhaman inta ay quseyso hormarinta iyo bilic soo celinta Magaalada baladweyne