Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa Kamarado lagu ogaanayo xayawaanka duur-joogta ku xirtay deegaanno ku yaala Waqooyiga Hargeysa, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda iyo noocyadooda.
Tallaabadan oo qayb ka noqonaysa qorshe Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu ku ururinaysay muddooyinkii u dambeeyey boqolaal xayawaanno duur-joog ah oo meelo kala duwan laga soo ururiyey, qaarkoodna la qabtay iyaga oo dibedda loo dhoofinayo, kuwaas oo ay ku xaraysay xarumo ay ugu talo gashay in lagu xanaaneeyo.
“Xayawaanka ku jira xarumahan waxaa ka mid ah Garnuugta, Deerada, Cawsha, Harmacadka, Gaduudanaha, Shabeelka iyo bisadaha qaar, aad ayay u badan yihiin oo haramcadka oo kale ilaa boqol ayay gaarayaan halka deerooyinka iyo cawsha oo kalena ay konton ilaa lixdan garaayaan,” ayuu yiri Bashiir Cumar Xasan, oo ah agaasime kuxigeenka Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay xayawaanadaan khatarta leh u diyaarisay qaab ay u xanaaneeyaan.
“Marka hore inta aan la soo qaban xayawaanka waxaa la diyaariyay shaqaale aad ugu tababaran, xirfadeedii leh oo la macaamiilkeedii leh, dawo siin kara, cunto siin kara marka waxaa jooga dhakhaatiir isugu jirta ajaanin iyo kuweenii caadiga ahaa oo waaxda ka hawl-gala iyo wasaaradaba,” ayuu yiri agaasime Bashiir.
Agaasime kuxigeenka Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Bashiir Cumar Xasan ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay dhawaan duur-joog badan uga soo uruuriyeen Barbara ay tahay cimilada iyo heerkulka oo aad u sarreeya.
“Marka kuleylka imika jira ee kuleykii caadiga ahaa ka xad-dhaafka ah ayaa ah ka sababay in duurjoogtan loo deyn waayo Barbara,” ayuu yiri agaasime Bashiir Cumar Xasan
Ka hor intaan goobta lagu xanaaneeyo la geynin xaywaanadaan ayay wasaaraddu sheegtay in ay usii diyaarisay goobo ay ugu talo gashay oo uu ku diyaarsanaa qalab iyo xirfadlayaal intaba,
Cuntada loo qoondeeyay xaywaankan
Waaxda duurjoogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa sheegtay in Haramcadka ay siiyaan hilib aad u badan, isaga oo xusay in todobaadkii ay u gawracaan ku dhawaad boqol neef oo ari ah.
“Haramcadka oo keliya waxaa toddobaadkii loo qalaa inta u dhaxeysa siddeetan ilaa shan iyo sagaashan neef oo ari ah,” ayuu u sheegay BBC da agaasime Bashiir.
Xayawaanada ay hayso wasaaraddu ee nuucyadoodu ay kala duwan yihiin ayay sheegeen in kooxba ay siiyaan cunada u goonida ah, “Deerada oo kale waxaa loo beeraa caws haddii cawskeedii uu abaar darteed u soo bixi waayo marka duur-joogta nooc kasta oo ay wasaaraddu gacanta ku haysa waxaa la siiyaa cunto ku haboon oo ay wasaarddu u diyaarisay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasime Bashiir.
Dhanka kale wasaaradda ayaa sheegtay in goobaha ay ku hayaan xayawaankan duurka laga soo qabtay asal ahaan aysan ahayn kuwo ay waligood ku haynayaan oo ay ku kharash-gareynayaan.
“Noocayada duurjoogta waa ay kala duwan tahay, nooc waxaa loo sameynayaa dib ayaa loogu celinayaa meelahoodii oo Alle unbaa quudinkara bini’aadam waxba ma quudiyo marka waxaa loogu talagalay inta ay daruuftan adag ka baxayaan ay helaan in meel badqabta oo ay cuntadii iyo biyihii ku helayaan.”
Muddooyinkii u danbeeyey ganacsiga harmacadka ee aan sharciga ahayn ayaa laga digayay goobaha ay ka mid tahay Somaliland, inkasta oo dawladdu isku deyeyso in ay ka hortagto ayaa se haddana weli waxaa jira walaac weyn oo ay ka muujisay.
Haramcadka waxa lagu qiimeeyay xayawaannada dabjoogta ama guriga dhanka kalena ah saaxiibbo ku fiican ugaadhsiga. Waxaana ay tan Boqortooyadii Roomaanka ahaayeen duurjoogta keliya ee sida qaaliga ah loo kala gato ama la isugu hadyeeyo.
In ka badan 3,600 oo harimcad ah ayaa si sharci darro ah looga ganacsanayay adduunka oo dhan dhawr tobankii sano ee la soo dhaafay ilaa Disembar 2019 kii, sida lagu sheegay cilmi baadhis la daabacay sanadkan taas oo diiwaangelisay boqolaal xayeysiis ah oo loogu talagalay harimacad yar yar oo iib ah, kuwaas oo lagu soo baahiyey aaladaha warbaahinta bulshada oo ay ku jiraan YouTube iyo Instagram.