Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto kiiska Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis oo ugu dambayn dhaawaca soo gaaray u geeriyootay.
Sayid Cali oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay Dil toogasho ah ayaa racfaan usoo qaatay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ee maanta laga sugayo go’aanka ugu dambeeya kaddib markii uu sheegay in uu ku qanci waayay xukunkii lagu riday.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa fadhiyo kala duwan oo lagu dhagaystay eedda Xafiiska Xeer ilaalinta, Difaaca qaraannada Sayid Cali, Dhaqaatir iyo Marqaatiyaal kale ka yeelatay kiiskaan oo ugu dambayn maanta lasoo gabagabayn doonno.
Dad badan ayaa ka warsugaya nooca xukun ee Sayid Cali ku dhaca maadaama Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay haysato waxyaabo ku filan oo ay u cuksan karto kiiskaan oo muddadii dooddiisu socotay dhagaysatay eedaha labada dhinac iyo marqaatiyaal.
La soco wixii kasoo kordha