Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la wareegtay kiis musuqmaasuq ah, kaas oo ku saabsanaa leexsashada deeq raashin ah oo loogu talagalay ciidamada Danab oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa faah faahin ka bixiyay fadeexadan, isagoo iftiimiyay heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa ka dhex jira taliska ciidamada Danab.
Wasiir Cabduqaadir ayaa xaqiijiyay in falkaan uu dhacay labo todobaad ka hor markii qeyb ka mid ah raashiinkii loogu tala galay ciidamada Danab si sharci daro ah loo leexiyay kadibna lagu kala iibsanayay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho. Wuxuu qiray in saraakiisha sare ee ciidamada ay ku lug leeyihiin falkaan sharci darrada ah, wuxuuna caddeeyay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
“Waxaa la xaqiijiyay in koox ka tirsan guutada Danab ay si khaldan u isticmaaleen raashiin la doonayay in ciidamada ay ka faa’iideystaan,” ayuu wasiir Cabdulqaadir ku sheegay wareysiga. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in jawaab deg deg ah ay bilaabeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lug lahaa qorshahan leexinta ah.
Baaritaanka iyo dacwadaha sharciga ah ee la xiriira kiiska musuq maasuqa ayaa hadda loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Wasiir Cabdulqaadir ayaa carabka ku dhuftay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xaqiijinta daacadnimada ciidamada qalabka sida.