Maxkamadda ciidamada Qalabka sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay labada edeysane ee kala ah: Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” oo maqane ah.
Labada eedeysane, ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan 16kii Bishii Febraayo ee sannadkaan.
Marxuumka iyo mid ka mid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd Xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay Eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley
Sidooo kale, Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo Xabad ku dhuftay Marxuumka, isaggoona ka qaatay Bistooladii uu watay. Hay’addaha Ammaanka oo ku raad-joogay Eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable AsluubMaxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” 14kii Bishii April ee Sannadkaan, iyada oo baxsad yahay Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka”.
Baaris dheer kaddib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 10kii Bishaan, iayada oo Garsoorka Maxkamadda waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.
Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan, halka Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Qiiqaalka” oo labaduba maqane ah ay Maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.