Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      NISA oo sheegtay in la beegsaday guri ay ku shirayeen Al-shabaab oo ku yaala Jubbada Dhexe

      January 15, 2026

      Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

      January 14, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026

      Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

      January 14, 2026

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

      January 15, 2026

      Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

      January 15, 2026

      Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

      January 15, 2026

      Justin Davis oo noqday Ku-Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

      January 15, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay yihiin waxyaabaha Muslimiinta ka reebban bisha Dul-Xaj?

    Maxay yihiin waxyaabaha Muslimiinta ka reebban bisha Dul-Xaj?

    By radiohalgan.comJune 8, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dul-Xaj waa bisha laba iyo tobnaad ee ugu dambeysa bilaha Islaamka. Waxayna u leedahay Muslimiinta caalamka ku nool muhiimad weyn, maaddaama bishan gudaheeda ay si wada jir ah u gutaan gudashada waajibaadka sanadlaha ah ee loo yaqaanno Xajka.

    Bisha Dul-Xijah ayaa bilaabatay Jimcihii shalay ahaa oo ay taariikha milaadiga ahayd 7 Juun ee 2024.

    Tobanka maalmood ee ugu horreeya ee Dul-Xaj ayay si gaar ah u xushmeeyaan Muslimiinta, maaddaama lagu tiriyo inay ka mid yihiin maalmaha sannadka ugu fadliga badan.

    Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu sheegay in aanay jirin maalmo kale oo camalka suuban uu Alle agtiisa kaga qiimo badan yahay tobankaas maalmood.

    Inta lagu jiro Dul-Xaj, malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid meelo kala duwan ayaa isugu yimaada magaalada barakeysan ee Maka si ay u gutaan acmaasha Xajka. Sida in xujaydu ay ku wareegaan Kacbada, istaagga Carafa, iyo in ay dhagxaan ku tuuran Shaydaanka.

    Xataa kuwa aan xajka gudanayn, bisha Dhul-Xaj waxaa ay siineysaa fursado badan oo ay kula yimaadaan acmaal aad u qiimo badan oo Alle loogu dhawaado.

    Qaar kamid ah wax yaabaha ay Muslimiinta sameeyaan bisha Dul-Xaj

    Muslimiin badan ayaa sooma maalinta sagaalaad ee bishan oo loo yaqaan maalinta Carafo. Waxaa intaa dheer in inta tobankan maalmood lagu guda jiro ay Muslimiinta sameeyan sadaqada oo dadka masaakiinta ah la siiyo, qur’aan akhris, salaad iyo in Alle dambi dhaaf la waydiisto.

    Cibaadooyinkaas waxaa barbar socda, in sidoo kale bisha Dul-Xaj ay Muslimiinta u dabaal degaaan munaasibadda Ciidul-Adxa, oo sidoo kale loo yaqaanno Ciidda Udxiyada.

    Munaasabaddan oo ah mid farxadeed ayaa la xusayaa maalinta 10-aad ee bisha Dul-Xaj, waxaana ay tahay mid lagu soo afmeerayo gudashada waajibaadka xajka.

    Muslimiintu waxay isugu yimaadaan goobaha fagaarayaasha si ay utukadaan saaladda labada rakacadood ah ee maalintaas la tukado, waxay is dhaafsadaan salaamo iyo haddiyado, waxay farxadda ciidda la qeybsadaan kuwa ay jecel yihiin, waxayna sameeyaan falal kobcinaya midnimada iyo naxariista bulshada dhexdeeda.

    Neef arri ah

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Sidookale bishan waxay dadka Muslimiinta ah sameeyaan camal si gaar ah muhiimad weyn ugu leh kaasi oo ah bixinta Qurbaaniga ama Udxiyada. Tani waxa ay tilmaamaysaa in neefka loo sadqeeyo si Alle loogu addeeco iyo xuska rabitaankii Nebi Ibraahim NKH ee ahaa in uu Alla bari u bixiyo wiilkiisa Ismaaciil.

    Hilibka neefka la gowracay ayaa markaas loo qaybiyaa dadka tabaalaysan, iyadoo xoogga la saarayo qiimaha ay leedahay sadaqada, deeqsinimada, iyo caawinta kuwa danta yar.

    Maxaa ka reebban Muslimiinta?

    Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo kamid ah culimada Kenya ayaa BBC Somali uga waramay waxyaabaha reebban, inta lagu jiro bisha Dul-Xaj, ama falalka ay tahay in muslimiintu ka fogaadaan.

    Waxaana ka mid ah:

    1.Soonka Maalinta Ciida: Muslimiinta waa in ay ka waantoobaan soonka maalinta Ciidda, maaddaama ay tahay maalin ciid oo Muslimiinta u dabaaldegayaan farxadda ciidda, ayuu yiri.

    2. Muranka iyo isqabqabsiga: Muslimiinta waa in ay ku dadaalaan ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bishan barakaysan. In muran iyo isqabqabsi la galo waxay lid ku tahay midnimada iyo walaaltinimada.

    3.Cibaadada oo la dayaco: Bisha Dhul-Xaj waa xilli cibaadada Alle la badiyo. Muslimiintu waa inaysan dayacin cibaadadooda joogtada ah, sida salaadaha, akhrinta Qur’aanka iyo ducada.

    4. Ku xad-gudubka Xurmada Xajka: Qofka xajka gudanaya waxaa lama huraan ah in uu dhowro axkaamta iyo awaamiirta u degsan xujeyda. Tan waxaa ka mid ah ka fogaanshaha wax kasta oo laga mamnuucay goobaha xurmada leh.

    5. In laga ugaarsado goobaha Xaramka (u gaar ah dadka Xujaajta ah): Waxaa reebban in Muslimiinta ay ka ugaarsadaan ama dilaan dhammaan xoolaha kunool gudaha xudduudaha Xaramka ama agagaarka Kacbada Makkah. “Kuwa xaqa rumeeyow, ha ku xadgudbina cibaadada Eebbe” (Quran 5: 2).

    6. Timaha oo la xiiro ama ciddiyaha oo la jaro: Dadka Muslimiinta ayaa lagu talinayaa in la daahiyo xiiridda timaha ama jaridda ciddiyaha inta lagu jiro tobanka maalmood ee ugu horreeya ee bisha Dul-Xaj. Taasna waxaa loo cuskaday xadiiska Nebi Muxamed (NNKH) uu ku yiri yiri: “Markaad aragtaan bisha Dul-Xaj, haddii midkiin rabo inuu udxiyo bixiyo, ha joojiyo xiirida timaha iyo jarida cidiyaha ilaa uu ka bixinayo udxiyada.”

    sawir tusaale ah qof cidiyah iska jarayo

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    7. Timaha oo la xiiro/Ciddiyaha oo la jaro (u gaar ah dadka Xujaajta ah): Qofka doonaya inuu Xajka soo guto waxaa si adag uga mamnuuc ah inuu timaha iska xiiro ama uu iska gooyo ciddiyaha ka dib marka uu galo Ixraamka (xaalka xajka) ilaa ay ka dhammaysanayaan cibaadada Xajka.

    8.Qofka xajinaya waxaa ka reebban inuu is udgiyo ama uu marsado waxyaabaha dadka udgiyo (Cadarka).

    Sheekh Cabdiqaadir ayaa ugu dambeyn sheegay in ilaalinta hab-raacyadan ay gacan ka geysanayaan in ruuxa Muslimka ah uu si wanaagsan uga faa’ideysto bisha Dul-Xij aadna ugu dhawaado Alle.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Kulan muhiim ah ayaa maanta dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Hirshabelle,

    January 15, 2026

    Wasiir Fiqi “Shacabka reer Waqooyi Bari waxay maanta guranayaan mirihii adkaysigooda.”

    January 15, 2026

    Iiraan oo farriin u dirtay Trump oo u hanjabay

    January 15, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.