Dowladda Itoobiya ayaa maanta ka daad gureysay deegaannada Somaliland boqolaal askar ah loo tababaro kamid noqoshada ciidanka Militeriga maamulkaasi.
Askartan ayaa basas faro badan looga qaaday magaalada Tog-wajaale, iyaga oo u badan dhalinyarro qaadanaya tababaro la xiriira Militeriga.
Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Nuux Ismaacil Taani ayaa goob jog ahaa amba bixinta ciidamada la soo tababarayo oo ku sii jeeda dalka Itoobiya.
Tillaabadan ay askarta ku daad gureysay Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xilli xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu gaarey meeshii ugu hooseysay.
Itoobiya ayaa billaawgii sannadkan heshiis afgarad ah oo muran badan dhaliyay saxiixatay maamulka Somaliland, kaasi oo dhigayay in laga kireeyo 20 KM oo biyaha Soomaaliya ah.
Is-afgaradkaasi ayaana u muuqday mid aan dhaqan galin, maadama Xukumadda Aby Axmed ay la kulantay culeyso gudaha iyo kuwa caalamiga ah, maadaama ay ku xad gudubtay midnimada Soomaaliya.