Haddii mar kale loo doorto madaxweyne, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu samayn doono masaafurin ballaaran dadka an ogolaansho sharci ah ku joogaan Mareykanka.
Ololahiisa ayaa bixiyey jawaabo kala duwan oo ku saabsan qorshaha saarida, ninka uu ku xigeenkiisa u magaacabay JD Vance, ayaa bixiyey hal tiro intii uu ku jiray waraysi uu todobaadkan siiyey warbaainta ABC.
“Aan ku bilowno hal milyan,” ayuu yiri, “Taasi waa meesha Kamala Harris ay ku guuldaraysatay, ka dibna halkaas ayaan ka dhaqaaqi karnaa.”
Laakiin xitaa isu soo baxyada ololaha Trump iyo madalada ay ka hadlaan waxaa ka muuqdo calaamo laga akhriyi karo “musaafurin tiro badan ah.”
Khubarradu waxay sheegayaan inay jiraan caqabado sharaci iyo caqabado kale oo la taaban karo oo ay wajihi kraan masaafurinta dad badan.
Maxay yhiin caqabadaha sharci?
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Waaxda Amniga Gudaha iyo Cilmi baarista Pew, ayaa tilmaamaya in ay jiraan ku dhawaad 11 milyan oo muhaajiriin sharci darro ah oo hadda ku nool Mareykanka, tiradaas oo ku sugan dalkaas tan iyo 2005tii.
Badankoodu waxay deggan yihiin muddo dheer ah – ku dhawaad afar-meelood meel ayaa dalka joogay in ka badan toban sano.
Soo-galootiga dalka ku jooga bilaa sharci waxay xaq u leeyihiin inay helaan nidaam cadaalad ah, oo ay ku jirto dhageysi maxkamadeed ka hor intaan la saarin.
Kororka ba’an ee masaafurinta waxay u badan tahay inay keenayso balaarin lagu sameeyo nidaamka maxkamada socdaalka, taas oo ay hareeyaan dib u dhacyo.
Inta badan dadka soogalootiga ah ee horeyba u joogay dalka waxay galaan nidaamka masaafurinta iyagoo aan la kulmin wakiilada Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka, laakiin waxay soo maraan sharci fulinta maxalliga ah.
Ololaha Trump wuxuu ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono “magaalooyinkan xurmada leh “, laakiin shaqada Mareykanka ee sharciyada maxalliga ah, gobolka iyo federaalka ayaa sii adkeynaya sawirka.
Kathleen Bush-Joseph, oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee fadhigiisu yahay Washington, ama MPI, ayaa sheegtay in wada-shaqeynta waaxda ICE, ee socdaalka iyo saraakiisha maxalliga ah ay noqon doonto “mid muhiim ah” barnaamij kasta oo masaafurinta ballaaran ah.
“Aad bay u fududahay waaxda socdaalka iyo kastamyada ee Ice inuu qof ka soo qaado xabsiga haddii sharci fulinta maxalliga ah ay wada shaqeeyaan, halkii ku noqon lahayd inay iyaga raadiyaan,” ayay tiri.
Barnaamij kasta oo masaafurin wadareedka ah sidoo kale waxay u badan tahay in isla markiiba lala kulmo caqabado sharci oo badan oo ka imanaya socdaalka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.
Laakiin ma la samayn karaa, sahay ahaan?
Haddii maamulka Maraykanku uu awoodo inuu si sharci ah ugu dhaqaaqo qorshayaasha masaafurinta tirada badan, mas’uuliyiintu waxay wajihi doonaan caqabado saadka oo aad u weyn.
Maamulka madaxweyne Biden, dadaallada masaafurinta ayaa diiradda lagu saaray muhaajiriinta dhawaan lagu xiray xadka, waxaana badnaa soo galootiga laga tarxilay gudaha Maraykanka ee la geeyey aagaga an xaduudka u dhowayn.
Dadka lagu xiray gudaha Maraykanka ee la masaafuriyey waxay ka duwaaneeyn kuwa xadka, waxay tiradaasi ka hooseysay ilaa boqol kun muddo toban sano ah. Tiradaasi waxay kor u dhaaftay 230 kun sanadihii ugu horreeyey ee maamulkii Obama.
“Si taas kor loogu qaado, hal sano gudaheed, ilaa hal milyan waxay u baahan doontaa faleebo ballaaran oo kheyraad ah oo laga yaabo inaysan jirin,” Aaron Reichlin-Melnick, oo ah agaasimaha siyaasadda ee Golaha Socdaalka Mareykanka, ayaa u sheegay BBC.
Taariikh ahaan, doorka millatariga Maraykanka ee arrimaha socdaalka waxa uu ku koobnaa taageerada hawlaha xudduudda Maraykanka iyo Mexico.
Marka laga reebo adeegsiga militariga iyo “isticmaalka fulinta sharciga maxalliga ah”, Trump wuxuu bixiyay waxyaabo yar oo gaar ah oo ku saabsan sida qorshaha masaafurinta ballaaran loo fulin karo.
Wareysi uu siiyay majaladda Time horaantii sanadkan, madaxweynihii hore waxa uu sheegay kaliya in uusan “aan meesha ka saarayn” in la dhiso xarumo cusub oo lagu hayo dadka soogalootiga ah, iyo in uu u dhaqaaqi doono in booliiska uu siiyo xasaanad ay kaga hortagayaan dacwadaha kooxaha u dooda magan galyo doonka.
“Waa inaan samaynaa tan,” ayuu ytiri . “Tani maaha dhibaato waarta oo dalkeena haysata.”ayuu yiri Trump.
BBC ayaa la xiriirtay ololaha Trump si faahfafin dheeriya u bixiyaan.
Eric Ruark, oo ah agaasimaha cilmi-baarista ee NumbersUSA – oo ah hay’ad u dooda in la adkeeyo kontaroolada socdaalka – ayaa sheegay in barnaamij kasta oo masaafurinta gudaha ah uu waxtar yeelan doono oo kaliya haddii lagu daro xoojinta xoojinta xuduudaha.
Kharashka dhaqaale iyo siyaasadeed
Khubarada ayaa qiyaasaya in wadarta khasarku ay noqon karto hal milyan ama ka badan halka qorshaha masaafurintu uu ku kici karo tobananaan ama boqolaal bilyan oo dolar.
Miisaaniyada waaxda Socdaalka iyo Kastamada ee ICE, ee gaadiidka iyo masaafurinta ee 2023 waxay ahayd $420m (£327m). Sanadkaas ayay wakaaladu masaafurisay wax yar in ka badan 140,000 oo qof.
Ololaha Trump, ayaa qorshaynaya in la dhiso xeryo waaeyn oo dadka ku hoydaan inta ay sugayaan masaafurinta.
Tirada duullimaadyada raritaanku waxay sidoo kale u baahan doontaa in si weyn loo balaadhiyo, lagana yaabo inay u baahdaan diyaaradaha militariga si ay u kordhiyaan awoodda hadda jirta.
Adam Isacson, oo ah khabiir dhanka socdaalka iyo xuduudaha ah oo ka socda Xafiiska Washington ee Latin America, ayaa sheegay in “sawirrada qarowga” ee masaafurinta ballaaran ay sidoo kale ku kici karaan maamulka Trump siyaasad ahaan marka laga eego dhanka xiriirka dadweynaha.
Horay ma u dhacday masaafurin baahsan?
Afartii sano ee maamulkii hore ee Trump, ku dhawaad 1.5 milyan oo qof ayaa laga soo tarxiilay xuduudda iyo gudaha Mareykanka.
Maamulka Biden, ayaa la masaafuriyay ilaa 1.1 milyan oo qof ilaa Febraayo 2024-ka
Intii lagu guda jiray labadii xilli ee maamulkii Obama ee uu madaxweyne xigeen ka ahaa Biden, in ka badan saddex milyan oo qof ayaa la masaafuriyay, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadka u ololeeya dib u habeynta socdaalka ay Barack Obama ugu yeeraan “madaxa musaafurinta”.
Isbarbardhigga taariikhiga ah ee kaliya ee barnaamijka masaafurinta ballaaran wuxuu yimid 1954-kii, markii ilaa 1.3 milyan oo qof la masaafuriyay iyada oo qayb ka ah Hawlgalkii loogu magac daray Wetback.