Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

    September 30, 2025

    Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

    September 30, 2025

    Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

    September 30, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

      September 30, 2025

      Masar oo war ka soo saartay wada hadallo ay la yeesheen Soomaaliya

      September 30, 2025

      Afganistan oo laga xiray adeegga Internetka iyo xaalad adag oo ka dhalatay

      September 30, 2025

      Xukun dil ah oo lagu fuliyay nin dil u geestay ganacsade caan ahaa

      September 30, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

      September 30, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

    Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 30, 20253 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Taliyaha Booliska gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa qaaday tallaabo ay soo dhaweeyeen shacabka magaalada Muqdisho, ka gadaal markii uu soo bandhigay dhallinyaro la sheegay in ay suurad xumeeyeen sawirka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, kaas oo Muqdisho ka socda.

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay iska soo duubeen dhallinyaro lagu qayaasay in ay ka yar yihiin 20 sanno, kuwaas oo garoonka dhexdiisa ku adeegsanaya Toorrey, iyaga oo muuqaallo isaga soo duubaya, xilli ay ku fara kaciyaaraan, taas oo halis galinayso naftooda, iyo tan taageerayaasha.

    Dhallinyaradaan ayaa isugu faanaya hab jalliin ay ku baratamayaan, muqaallada ay iska duubayn si ay u soo dhigaan barahooda bulshada ay ku leeyihiin aaladda TikTok, oo ah aalad badi dhallinyarada aad ugu soo bandhigaan muqaallo gaagaaban.

    Macallin Mahdi, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir oo qoraal raacsan sawirrada todobo dhallinyaro ah ayaa soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu sheegay in, “Saldhigga degmada Warta-Nabadda uu gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku kacay Falal halis galinaya naftooda iyo tab bulshada.”

    Sidoo kale Taliyaha ayaa digniin u diray dhammaan dhallinyarada in aysan garoomada iyo goobaha kale ee bulshada la soo galin wax kasta oo dhaawac ama dhibaato u horseedi kara naftooda iyo tan bulshada.

    “Tooreeyada, sakiimaha, iyo wixii lamid ah waa ka mamnuuc garoomada iyo goobaha kale ee dadweynaha, qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya fal khatar gelinaya naftiisa iyo tan dadka kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” sida uu yiri G/Sare Mahdi.

    Ilyaas Cabdikariin Maxamuud oo ka mid in ka badan 800 oo ka falcelisay tallaabadaan ayaa yiri, “Sakiin iyo mindi aan wali qof lagu dhaawicin haddii maanta sharciga la isku gaynayo amni lagu faani karo ayaan heysanaa ee aan ka mahad celino si inta hartay aan ugaarano.”

    Sidoo kale Shaafici Xasan oo faallo ka bixi tallaabadaan ayaa yiri, “Waliba talaabo adag halaga qaado, mida kale kuwa calanka wadamada dariska ee an markaas wax colaada na dhex oolin ku xadgudbaya halasoo qabto.”

    Sakariye Ismaaciil oo ka mid ah dadka ka falceliyay ayaa Taliyaha Booliska ugu baaqay in uu iska dhaafo siyaasadda, taas badalkayd uu xoogga saaro amniga caasimadda, isaga oo yiri, “Macalin Mahdi Cumar Mumin ah waaba Mahdi reer Xamar Alla usoo diray, mararka qaar haddii uu siyaadadda iska dhaafo uu intaan lee nooga shaqeeyo waa uduceen lahayn.”

    Dadka qaar ayaa su’aalo dul dhigay ciidamada ilaaliya amaanka garoonka, sida ay dhallinyaradaan ugu suuragashay in ay garoonka la galaan Toorray, oo wax u dhimi karta badqabka daawadayaasha tartanka degmooyinka gobolka Banaadir!

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

    September 30, 2025

    Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

    September 30, 2025

    Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

    September 30, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

    September 30, 2025

    Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

    September 30, 2025

    Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

    September 30, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.