Saddex sano kadib markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay, dib u habeynta ay ku sameeyeen nidaamka sharciga ee Afghanistan ayaa saameyn weyn ku leh nolosha dadka.
Taalibaan ayaa ku warrameysa in garsoorayaashoodu aysan kaliya u hoggaansamin sharciyada hadda jira, balse ay dib ugu noqdaan oo ay ka shaqeeyaan saacadaha dheeraadka ah in ay dib usoo saxaan go’aannadii hore.
Dadaal dheer kadib, dadweynaha waxaa la siiyay xarun ‘Racfaan oo bilaash ah’.
Tani waxay keentay in tobanaan kun oo dacwadood oo ay horay u xukuntay maxkamad dib loogu soo celiyo qaab Islaami ah.
Saamaynta ayaa aad ugu badan dumarka. Qaar ka mid ah furriinkii lagu xaqiijiyay nidaamkii hore waxaa hadda laga soo qaaday waxba kama jiraan.
Tani waxay ku qasbaysaa haweenka inay ku noqdaan guur aysan rabin. Garsoorayaasha haweenkana waa laga saaray nidaamka sharciga.
“Haweenku ma awoodaan, sababtoo ah sida ku cad mabaadi’da shareecada, shaqada maxkamaddu waxay u baahan tahay dad awood sare leh oo baaritaan badan sameeya,” ayay tiri Taliban.
Dib ugu noqoshada maxkamadda
Toban maalmood kadib markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay, Bibi Nastana oo 20 jir ah ayaa hooyadeed ku caawinaysay jikada, aabbaheed ayaa si lama filaan ah guriga u yimid.
Nastana ayaa maqashay aabaheed oo u sheegaya walaalkeed ka weyn arrinka dib ugu noqoshada maxkamadda.
“Markii aan maqlay magacayga, wadnaheygu wuxuu bilaabay inuu garaacmo, illinna wey ku soo istaagtay indhahayga,” ayay tiri Nastana.
Maxkamad Taalibaan ah oo ku taal gobolka uu ka soo jeedo ee Uruzgan ayaa mar kale qaadday kiiskiisa. Waxa ay heshay warqad u yeerid ah si ay u hortimaado maxkamadda oo ku saabsan kiiskiisa furriinka.
Nastana waxay guursatay nin aanay jeclayn. Aabaheed waxa uu ku daray nin isla markii ay soo hana qaadday.
Nastana wakhtigaas waxa ay jirtay todoba sano. Dhaqankan waxaa lagu dhaqmaa si loo xalliyo khilaafaadka qoyska. Dhaqankan ayaa ujeeddadiisu tahay in ‘cadowga’ qoyska loo beddelo ‘saaxiib’.
Hekmatullah wuxuu u yimid inuu ‘xaaskiisa’ kaxeeyo guriga markay Nastana ahayd 15 jir. Laakin Nastana isla markiiba waxa ay dalbatay in la kala tago. Ugu dambayntiina waxa ay dib u heshay madax bannaanideedii.
“Dhawr jeer ayaan maxkamadda u sheegay in aanan rabin in aan guursado,” ayay tiri Nastana.
Balse sanad kadib Taliban ayaa xukunka la wareegtay. Nidaam adag oo Shareecada (Sharciga Islaamka) ayaa si degdeg ah looga hirgeliyay dalka oo dhan.
Ninkeedii hore oo hadda xubin ka ah Taliban ayaa maxkamadda ka codsaday inay laasho go’aankii ay gaartay dowladdii hore.
“Taalibaan waxay ii sheegeen inaanan maxkamada aadin sababtoo ah waxay ka soo horjeedaa shareecada, waxay u sheegeen walaalkay inuu i matalo” ayey tiri Nastana.
“Waxay yiraahdeen haddaanan ku heshiin arrintan, walaashaa waxaa lagu wareejin doonaa Hekmatullah si xoog ah,” ayuu yiri Shams, oo ah walaalka Nastana oo 28 jir ah.
Maxkamaddu waxay laashay go’aankii hore xitaa markii Shams uu ka codsaday garsooraha in go’aankan cusub uu halis weyn gelinayo nolosha walaashii.
Nastana waxay gudbisay rafcaan si ay u hesho wakhti ay uga cararto dalka. Nastana way ka tagtay magaaladeedii waxayna u qaxday waddan ay daris yihiin.
Uruskan, garsooraha ayaa diiday inuu la hadlo warbaahinta. Si kastaba ha ahaatee, waxaan u tagnay maxkamadda sare ee Taliban oo ku taal caasimadda Kabul, si aan jawaabo uga helno.
“Garsoorayaashayadu waxay ka baareen dacwadda dhinac walba, waxayna u xukuntay Hekmatullah,” ayuu yiri sarkaalka saxaafadda ee maxkamadda sare Abdulwahid Haqqani.
Kiiska Nastana waa mid ka mid ah ilaa 355,000 kiis oo la sheegay in la xaliyay tan iyo markii ay xukuumadda Taliban xukunka la wareegtay Agoosto 2021.
Haweenka Maxkamada
Markii ay Taalibaan xukunka ku soo laabteen, waxay ballan qaadeen inay soo afjari doonaan musuqmaasuqii hore, isla markaana ay dadka cadaalad u heli doonaan.
Waxay si nidaamsan meesha uga saareen dhammaan garsoorayaashii waxayna caddeeyeen in haweenku aanay ka qaybgeli karin maxkamadaha.
Fawzia Amini oo hore u ahayd garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Afgaanistaan ayaa ka mid ah garsoorayaasha haweenka ah ee ay kooxda Taliban xilka ka qaadeen. Waxa ay leedahay dumarka sida Nastana waa in lagu ilaaliyo sharciga.
“Waxaan door muhiim ah ka ciyaarnay maxkamadaha, guulaha aan gaarnay waxaa ka mid ah ‘Xeerkii Ciribtirka Tacaddiyada Haweenka’ ee 2009-kii, sidoo kale waxaan ka shaqeynay nidaaminta guryaha haweenka, sharciga ilaalinta dadka danyarta ah iyo sharciga ku saabsan Ka-hortagga ka ganacsiga dadka,” ayey tiri.
Kadib markii ay u shaqaynaysay heerka ugu sarreeya ee nidaamka sharciga Afgaanistaan in ka badan toban sano, Amini waxaa lagu qasbay in ay ka tagto dalka.
Markii Taliban ay xukunka la wareegtay, ayey sheegtay in hanjabaad dil ah ay kala kulmeen rag ay horay xukunno ugu ridday.