Magaalo aad u weyn oo qadiimi ah ayaa laga helay kaymaha caanka ah ee Amazon, taas oo ay dhirta cagaaran ee kayntaasi ay qarinayeen muddo kumannaan sano ah.
Helitaanka magaaladan ayaa wax ka beddelaysa waxa aan ka naqaano taariikhda dadka ku nool ama ku noolaan jirey Kaymaha Amazon.
Dhismayaasha iyo barxadaha ku yaal agagaaarka Upano ee bariga Ecuador waxa ay ahaayeen kuwo ay isku xidhi jireen waddooyin iyo godad la yaab leh.
Goobta ay dhacdo magaaladan ayaa uu haleelay folkaano abuuray in ay lahaato carro qani ah oo deegaanka u fiican, dabcanna ay suuragal tahay in folkaanahaaasi yahay kii meesha ka saaray dadkii ku noolaan jirey.
In kasta oo aan ogaannay magaalooyinka ku yaal buuraha sare ee Koonfurta Ameerika, sida Machu Picchu ee Peru, in dadka ku nooolaan jirey ay ahaan jireen reer guura iyo degsiimooyin yaryar kuwaas oo muddo kooban joogayey goobahan ka tirsan Amazon.
“Magaaladani way ka da’weyn tahay goob kasta oo kale oo aan ku naqaannay Amazon. Waxa aanay arrintani qasbaysaa in aan beddelno fikraddeenna ku saabsan waxa dhaqanka iyo ilbaxnimada ah” ayuu yidhi Prof Stephen Rostain, agaasimaha baadhitaanka ee Xarunta Cilmi-baadhista Sayniska ee Faransiiska, oo hoggaaminaysay cilmi-baadhistan cusub.
“Waxa ay bedelaysaa habka aan u aragno dhaqamada dadka kaymaha ku nool.Dadka intooda badan waxay sawirtaan kooxo yaryar, oo malaha qaaqaawan, oo ku nool dhul bannaan iyo goobo cidlo ah – tani se waxay muujinaysaa in dadkii hore ay ahaayeen bulshooyin adag oo isku xidhan kuna nool magaalooyin la yaqaan,” ayuu ku tilmaamay Antoine Dorison,oo la baahiyey daraasaddaan agaasinka machadka Faransiiska.
Magaaladan waxaa la dhisay 2,500 oo sano ka hor, dadkuna waxay ku noolaayeen ilaa 1,000 sano, sida ay sheegeen khubarada dabagasha waxyaalaha qadiimiga ah-
Way adag tahay in si sax ah loo qiyaaso inta qof ee ku noolaa hal mar, laakiin saynisyahannadu waxay yidhaahdaan waa hubaal in 10,000 ugu yaraan ay ku noolaayeen haddii aysan gaadhayn ama ka badnayn 100,000
Cilmi-baadhayaasha qadiimiga ah ayaa isku daray qodista dhulka iyo sahan ay ku sameeyeen dhul dhan 300 oo kilo mitir laba jibaaran ah (116 mile laba jibaaran) iyaga oo isticmaalaya dareemayaasha laser-ka oo lagu duulinayo drones-ka iswada si ay u soo saaraan hadhaagii magaaladaas ee ku hoos jirta dhirta iyo keymaha cufan ee Amazon.
Cilmi-baadhayaashu waxay markii ugu horreysay heleen caddaymaha ku gedaaman magaaladan sannadihii 1970-nadii, laakiin daraasaddan ayaa ah markii ugu horreysay ee sahan dhammaystiran lagu sameeyo, ka dib 25 sano oo cilmi-baadhis ah.
Daraasaddan ayaa daaha ka qaadaysaa in bulshadani ahayd bulsho kakan oo u muuqata inay xataa ka weyn tahay bulshooyinka Mayan ee caanka ah ee Mexico iyo badhtamaha Ameerika.
“Bal qiyaas inaad heshay ilbaxnimo kale sida Maya, laakiin leh qaab dhismeedyo ka duwan, hadday qaab isticmaalkooda dhulka, dhoobada ay ka samaysan jireen guryaha iyo waxyaalaha kale ee la hal maala” ayuu yidhii José Iriarte, oo ah macallin cilmiga taariikaha qadiimiga ah ka dhiga Jaamacadda Exeter, oo aan iyadu ku lug lahayn cilmi-baadhistan.
Natiijooyinka qaar ayaa “gaar u ah” Koonfurta Ameerika, sida uu ku sharraxay, isaga oo tilmaamaya in qaabka ay magaaladaasi u jirtey uu yahay qaab u gaar ah qaaraddaas.
Bulshooyinka ku noolaa waxa ay ahaayeen kuwo si cad u habaysan oo isku tiirsan sida muuqatana isku xidhnaantoodu ay sarraysay, ayuu yidhi, isaga oo iftiimiyay waddooyinka dhaadheer ee habka godanka ah u samaysan ee u dhexeeya deegaamadaas.
Dhanka kale, marka laga tago inta kooban ee cilmibaadhistani ogaatay wax aad u badan lagama garanayo dadkii ku noolaa iyo sida ay bulshooyinkoodu hab dhaqan ahaan ahaayeen.
BBC SOMALI