Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

    May 9, 2025

    Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

    May 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      Kacdoon lamid ah kii Laascaanood oo looga dhawaaqay Baladweyne .

      May 9, 2025

      DEG DEG Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

      May 9, 2025

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      Kacdoon lamid ah kii Laascaanood oo looga dhawaaqay Baladweyne .

      May 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay tahay maadada sunta ah ee ku jirta kalluunkaan aad ka ay u isticmaasho Soomaalidu?

    Maxay tahay maadada sunta ah ee ku jirta kalluunkaan aad ka ay u isticmaasho Soomaalidu?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Saynisyahanno ayaa sheegay in wali meerkuriug uu ku jiro kalluunka nooca Tuunaha loo yaqaanno tobanaan sanno kadib markii la iclaamiyay xakamaynta wasakhowga iyo qiiqa hawada.

    Noocan Tuunada ee lagu sheegay in uu leeyahay suntan ayaa ah mid soomaalidu aad isticamasho, badaha Soomaaliyana si badan looga helo

    Maadadaan kiimikaada ah waxay ka dhalataa qodista iyo gubista dhuxusha, waxayna ugu danbayn ku dhammaataa badda, halkaasoo uu kalluunku ka qaato. Cadadkeeda ayaa hoos u dhacay muddooyinkii danbe, laakiin wali waxay ku hartay kalluunka Tuna tan iyo 1971 kii.

    Khuburo ayaa sheegay meerkuriga qadiimiga ahi in uu yaalo gunta hoose ee badda isagoo ku dhex qulqula biyaha, halkaas oo tunahu dabaasho.

    Meerkuriga gala badda wuxuu isu beddelaa maadada loo yaqaanno methylmercury oo ah nooca ugu halista badan ee kiimikadan.

    Maadadaan waxaa qaata Tuunaha isagoo aan badqabin ayayna aadanahu dabtaan taasoo suntaan ay quutaan markay cunaan tuunaha oo ah mid kamida kalluunada adduunka loogu isticmaalka badanyahay. Tunaha ayaana la iibiyaa in ka badan 3 milyan oo doolar sanadkii.

    Meerkuriga ayaa sidoo kale halis ku ah kalluunka ugxaanta ah ee aan dhallan wali; wuxuuna xanuuno ku sababaa dhanka wadnaha kalluunka noociisa koray.

    Walaac laga muujiyay suntaan ayay dowladdaha caalamku go’aansadeen in ay yareeyaan howlaha kimikooyinka washakhaysan sii daaya.

    Waxyaabaha sababa sunta:

    • Dhuxusha iyo dahab qodista
    • Gubitaanka dhuxusha
    • Warshadaha
    • Wasakha la qubo
    • Gubitaanka jidhka aadamiga [marka qofi dhinto] taas o laga yaabo in meerkuri ku jirto.

    Xanibaadda howlahaan qaar kamida ayaa sababay inu hoos u dhaco heerka qiiqa hawada 90% tan iyo 1990kii.

    Si loo ogaado in tallaabooyinkaan la qaaday ay saamayn ku yeesheen heerarka meerkuriga ee Tuunada, cilmibaarayaashu waxay baadheen ku dhawaad 3,000 oo muruq Tuna ah oo laga kala keenay kalluunka lagu qabtay Badweynta Hindiya, tan Baasiifiga, ilaa iyo Atlantic ga, kuwaas oo wadar ahaan u dhigan 94% kalluunka la qabto adduunka.

    Tuna

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Daraasadda cusubi waxay ka hor imanaysaa cilmibaadhisyo kale oo muujinaya heerka meerkuriga kalluunka oo hooseeya noocyada tunaha qaarkood.

    “Waxaan haynaa xog badan, sanado badan oo aan isu eegaynay noocyo badano oo cabiro kala duwan oo kalluun ah,” ayuu yidhi Anais Medio, oo ah hoggaanka cilmibaadhistaan oo ka socda Machadka Qaran ee Cilmibaadhisyada horumarka waara.

    “Tani aad bay muhiim u tahay sababtoo ah meerkurigu wuxuu noolaanayaa inta lagu jiro [inta uu nool yahay] xayawaanka.” “Sidaas darteed haysashada noocyo kala duwan iyo cabir kala duwan oo kalluun ah waa muhiim,”

    Saynisyahannada ayaa helay in meerkuriga cabirkiisa ee tunaha ku jira uu yahay mid joogto ah inta u dhexeysay 1971 dii illaa 2022 kii, kaas oo marka laga tago waqooyiga koonfurta badweynta Baasifiiga sare u kacay dhammaadkii sagaashameeyadii taas oo lala xidhiidhiyay kordhinta qiiqa meerkuriga ee Aasiya taas oo ay sababtay isticmaalka dhuxusha.

    Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in jiritaanka joogtada ah ee meerkuriga ay sababi karto wasakhowga qarniyo ka hor dhacay.

    “Waxaa jira cadad badano oo meerkuri qadiimi ah oo yaala gunta badda ka hooseysa dhulka. Noocan qadiimiga ahi waxuu ku qasmaa dusha sare ee badda, halkaas oo kalluunku dabaasho oo uu quutana. Sidaas darteed waxaa si joogta ah u jira meerkurigaan taariikhiga ah kaas oo abuurmay qarniyo ka hor.”

    Qoraaga Anne Lorraine, oo sidoo kale ka tirsan Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Horumarka Waara ee Faransiiska, ayaa u sheegtay BBC-da: “Daraasaddeennu waxay soo jeedinaysaa inaan u baahan doono in aan dhimis weyn aan ku samayno qiiqa meerkurigu si loo arko hoos u dhaca heerarka meerkuriga ee Tuunada”.

    “Natiijooyinkayagu waxay noo sheegayaan inaan dulqaad yeelanno ka hor inta aan la arkin isbeddelka heerarka meerkuriga ee ku jira tuunada.”

    Lauren waxay ku dartay hadalkeeda, “Haddii aan joojino qiiqa, kaarboonka hawada ayaa si tartiib ah u xasili doona ugu dambeyntiina wuxuu bilaabi doonaa inuu hoos u dhaco.”

    Daraasadan ayaa lagu daabacay joornaalka Cilmibaadhisyada Sayniska Deegaanka iyo Teknolojiyada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    September 23, 2024

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

    May 9, 2025

    Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

    May 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.