Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025

      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

      May 11, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay tahay jawaabta Ruushku sheegay inuu ka bixinayo weerarkii Sevastopol, yuuse u dan leeyahay

    Maxay tahay jawaabta Ruushku sheegay inuu ka bixinayo weerarkii Sevastopol, yuuse u dan leeyahay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ruushka ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu lahaa gantaalladii Ukraine ay u adeegsatay weerar lagu qaaday magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea ee la haysto, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo labo ay carruur yihiin halka ugu yaraan 150 kalane dhaawac ka soo gaaray sida saraakiisha Ruushku sheegeen.

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada ay adeegsatay Ukraine ay ahaayeen gantaallada ATACMS ee uu Maraykanku u keenay dalkaas, waxayna ku andacootay in gantaalladaas ay diyaariyeen khubaro Maraykan ah.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa weerarka ku tilmaamay mid waxashnimo ah, wuxuuna Mareykanka ku eedeeyay in uu “dilay caruur Ruush ah”.

    Waxa uu farta ku fiiqay hadaladii ka soo yeedhay madaxweyne Vladimir Putin, oo dhawaan wacad ku maray inuu beegsan doono dalalka hubka siiya Ukraine.

    Moscow, ayaa sheegtay in difaaca cirka ee Crimea ay qabteen shan gantaal oo ay ku raran yihiin madaxyo ay soo rideen ciidamada Ukraine.

    Muuqaalo laga sii daayay TV-ga dowladda Ruushka ayaa muujinayay qalalaase ka dhacay xeebta deegaanka Uchkuyevka, iyadoo dadku ay ka carareen burburka.

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa Axadii sheegtay in dhammaan gantaalada ATACMS ay diyaariyaan khubaro Maraykan ah oo ay hagaan dayax gacmeedyada Maraykanka.

    Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa BBC-da u sheegay: “Ukrayn waxa ay samaysaa go’aamo bartilmaameed ah oo ay iyadu samayso.”

    Maraykanka ayaa gantaalada ATACMS siinayey Ukraine hal sano ka hor. Nidaamkaas wuxuu u oggolaanayaa ciidamada Ukraine inay weeraraan bartilmaameedyada ilaa 300km (186 mayl), sida ay sheegtay shirkada Lockheed Martin.

    Ruushka ayaa si sharci darro ah ugu darsaday dhulkiisa jasiirsada Crimea sanadkii 2014-kii, dalal tiro yarna waxay jasiiradda u aqoonsan yihiin dhul Ruush ah. Sidaa darteed kuma hoos dhacayso dalabaadka Mareykanka ee ah in Ukraine ay ka fogaato adeegsiga hubka ay Washington bixiso si ay ugu weerarto dhulka Ruushka.

    Laakin Mr Peskov ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Moscow isniintii in “ku lug lahaanshaha Mareykanka, ku lug lahaanshaha tooska ah, ee ka dhashay dilka rayidka Ruushka, ay noqon karto cawaaqib xumo”.

    “Waqtiga ayaa sheegi doona waxa kuwani noqon doonaan,” ayuu raaciyay.

    Ruushka

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u yeertay safiirka Mareykanka Lynne Tracy isniintii, ka hor inta aysan soo saarin bayaan ay ku eedeysay Mareykanka inuu ku lug leeyahay “fal bahalnimo” oo ay wacad ku martay inuusan noqo doonin”ciqaab la’aan.”

    Xukuumadda Moscow ayaa marar badan ku hanjabtay inay beegsan doonto dalalka hubka siiya Ukraine, iyadoo sheegtay inay yihiin bartilmaameedyo milateri oo sharci ah.

    “Waxaan si fiican u aragnaa cidda arrintan ka dambeysa,” Mr Peskov ayaa u sheegay suxufiyiinta.

    Madaxweyne Putin, ayaa todobaadkii hore waxa uu ka hadlay cidda beegsanaysa gantaalladan tignoolajiyada ah ee isku dhafan ee bartilmaameedyada ah, kuwaas oo soo bandhigaya kuwan.

    Ruushka

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Horaantii bishan, Mr Putin waxa uu soo cusboonaysiiyay hanjabaadda mar uu la kulmayay wakaaladaha wararka ee caalamiga ah.

    “Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hubkaas la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro oo dhibaato nagu abuurto, maxaa noo diiday in aan hub aan isku ayni nahay aan gaarsiino gobollo ka mid ah caalamka oo ay ka dhici doonaan weeraro. ee xarumaha xasaasiga ah ee wadamadaas (galbeedka)?” ayuu yiri.

    “Taasi waan ka fikiri doonnaa,” ayuu raaciyay.

    Saraakiisha Ukraine ayaa difaacay tallaabadan ka dib weerarka, iyagoo ku tilmaamay Crimea mid si sharci ah loo haysto.

    Mykhailo Podolyak, oo ah kaaliyaha sare ee madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in jasiiraddu ay dhaqan galisay “xero militari oo weyn” taas oo uu sheegay in lagu hayo “boqolaal bartilmaameedyo militari oo toos ah, kuwaas oo Ruushku ay isku dayayaan inay qariyaan oo ay ku qariyaan shacabkooda” .

    Hawlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xuquuqul insaanka ee Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan 10,000 oo rayid ah la dilay tan iyo markii uu Ruushku soo duulay bishii February 2022. Tirada dhabta ah, ayay saraakiishu sheegeen, inay aad u badan tahay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.