Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay tahay doodda weli ka taagan habraaca wax ka beddelka dastuurka ee la meel mariyey

    Maxay tahay doodda weli ka taagan habraaca wax ka beddelka dastuurka ee la meel mariyey

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 24, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka ku meel-gaarka ah.

    Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Hase-yeeshee waxaa arrintaan hareeyay walaac ay muujinayaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole iyo siyaasiin dalka horey xilal uga soo qabtay oo sheegaya in aan la joogin waqti lagu mashquulo u codeyn iyo wax ka badel dastuur maadaama ay taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab iyo arrimo badan oo muhiim ay tahay in dowladdu ay xilligaan diiradda la saarto.

    “Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayaa ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

    • 24 Jannaayo 2024
    • Wax ka ogow sifooyinka ka muhiimsan quruxda ee dadka lagu soo jiito23 Jannaayo 2024
    • Maxaa ka jira in nin Soomaali ah lagu qabtay isagoo u dagaallamaya Ruushka23 Jannaayo 2024
    Madaxdii hore ee ka hadashay waxaa ka mid ah Xasan Cali Kheyre
    Qoraalka sawirka,Madaxdii hore ee ka hadashay waxaa ka mid ah Xasan Cali Kheyre, raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

    Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay jiraan “khatarro ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in meel la iska dhigo arrimaha khilaafka gudaha”.

    “Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaasadda Soomaaliya hareeyay khilaafka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

    Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay Codeynta maanta ay ahayd habraaca lagu dhameystirayo wax ka badalka dastuurka.

    Xildhibaan Mursal Khaliif
    Qoraalka sawirka,Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in waxa ay maanta xildhibaannadu ay ka doodayaan uu yahay habraaca lagu dhameystirayo wax ka badalka dastuurka.

    “Habraaca waxaa in muddo ah ka soo shaqeeynayay guddigii labada aqal ka koobnaa waxa uuna soo maray akhrin koobaad iyo labaad iyo dood kale oo hore intaba, cid walba oo daneeynayso inay aragtana fursad waa loo hayay inay aragtideeda ku biiriso waxa la baddalayo,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal.

    Waxa uu sheegay in waxa laga dooday ay qayb ahaan ahayd madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

    “Waxaa kale oo jira wax badan oo kale oo ay ugu muhiimsan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo dadka soo doortaan xubnaha ku matalaya aqallada sharci dejinta iyo xubnaha ugu sarreeya xukuumadda oo uu madaxweynaha kow ka yahay.”

    Haddaba maxay ahayd in la eego dooda Baarlamaanka ee wax ka Bedelka Dastuurka

    Diktoor Cali Saciid Faqi
    Qoraalka sawirka,Diktoor Cali Saciid Faqi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    Marka la eego doodda maanta ee ku saabsan wax ka bedelka dastuurka ee la doonayo in looga gudbo nidaamka baarlamaaniga ah, loona gudbo nidaamka madaxweynaha, waxay mas’uuliyiinta qaar qabaan in la tixgaliyo arrimaha qaar, Sida bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter uu ku qoray Diktoor Cali Saciid Faqi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    Shuruudaha Sharci iyo Habraaca: “Wax-ka-beddelku waa inuu u hoggaansamaa shuruudaha sharci iyo habraaca ee ku xusan dastuurka. Tan waxaa ka mid ah in la tixgeliyo tirada codadka loo baahan yahay si loo ansixiyo geeddi socodka hababka la dejiyay,” ayuu yiri Diktoor Cali Saciid Faqi. “Waa in qiimayn lagu sameeyaa si loo go’aamiyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu saamayn ku yeelan karo xuquuqda iyo xorriyaadka uu dastuurku dammaanad qaadayo” ayuu sii raaciyey.

    “Waa in si taxadir leh loo qiimeeyaa saamaynta uu wax-ka-beddelku ku yeelan karo isu-dheellitirka awoodda hay’adaha kala duwan ee dawladda. Qodobkani waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta nidaam dimuqraadi ah oo caafimaad qaba” ayuu qoraalkiisa ku sheegay, wuxuuna intaa ku daray “waa in la tixgeliyo heerka taageerada dadweynaha ama diidmada wax ka beddelka la soo jeediyay”.

    “Waa lagama maarmaan in la falanqeeyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu keeni karo suurtogalnimada isbeddello awoodaha. Fahamka saamaynta siyaasadeed ayaa muhiim u ah dood dhamaystiran. Wax-ka-beddelka la soo jeediyay waa in si fiican loo baaro si loo xaqiijiyo awoodiisa iyo dhaqangelintiisa qaab-dhismeedka sharci iyo kan maamul ee jira”.

    Talaabada xigta ayaa la filayaa in ay noqoto sidii dastuurka wax looga beddeli lahaa maadaama la meel mariyey habraacii loo mari lahaa wax ka beddelkaas.

    Dhinaca kale waxaa jira xildhibaanno dood ka qaba qaabkii cod bixintu u dhacday, waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo BBC la hadlay.

    “Ayadoo ajendihii aan la qaybin, habraaciina aan laga wadahadlin ayuu guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu ku dhawaaqay in la ansixiyey sharciga. Ilaa hadda waxaan is weydiinaynaa waxa la ansixiyey, sababtoo ah habraaca in naloo qaybiyo oo laga doodo ayey ahayd” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Wuxuu ku tilmaamay “sharci darro” qaabkii loo meel mariyey habraaca. “Waxay hor seedi kartaa in baarlamaanka uu shaqayn waayo” ayuu yiri.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.