Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxay tahay doodda weli ka taagan habraaca wax ka beddelka dastuurka ee la meel mariyey

    Maxay tahay doodda weli ka taagan habraaca wax ka beddelka dastuurka ee la meel mariyey

    By radiohalgan.comJanuary 24, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka ku meel-gaarka ah.

    Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Hase-yeeshee waxaa arrintaan hareeyay walaac ay muujinayaan qaar ka mid ah xubnaha labada gole iyo siyaasiin dalka horey xilal uga soo qabtay oo sheegaya in aan la joogin waqti lagu mashquulo u codeyn iyo wax ka badel dastuur maadaama ay taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, dagaalka Al-shabaab iyo arrimo badan oo muhiim ay tahay in dowladdu ay xilligaan diiradda la saarto.

    β€œWaxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayaa ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

    • 24 Jannaayo 2024
    • Wax ka ogow sifooyinka ka muhiimsan quruxda ee dadka lagu soo jiito23 Jannaayo 2024
    • Maxaa ka jira in nin Soomaali ah lagu qabtay isagoo u dagaallamaya Ruushka23 Jannaayo 2024
    Madaxdii hore ee ka hadashay waxaa ka mid ah Xasan Cali Kheyre
    Qoraalka sawirka,Madaxdii hore ee ka hadashay waxaa ka mid ah Xasan Cali Kheyre, raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

    Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inay jiraan “khatarro ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in meel la iska dhigo arrimaha khilaafka gudaha”.

    “Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaasadda Soomaaliya hareeyay khilaafka cusub ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee la xiriira heshiiskii is-afgarad ee 1-dii bishan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.

    Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay Codeynta maanta ay ahayd habraaca lagu dhameystirayo wax ka badalka dastuurka.

    Xildhibaan Mursal Khaliif
    Qoraalka sawirka,Dhanka kale xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in waxa ay maanta xildhibaannadu ay ka doodayaan uu yahay habraaca lagu dhameystirayo wax ka badalka dastuurka.

    β€œHabraaca waxaa in muddo ah ka soo shaqeeynayay guddigii labada aqal ka koobnaa waxa uuna soo maray akhrin koobaad iyo labaad iyo dood kale oo hore intaba, cid walba oo daneeynayso inay aragtana fursad waa loo hayay inay aragtideeda ku biiriso waxa la baddalayo,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal.

    Waxa uu sheegay in waxa laga dooday ay qayb ahaan ahayd madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

    β€œWaxaa kale oo jira wax badan oo kale oo ay ugu muhiimsan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo dadka soo doortaan xubnaha ku matalaya aqallada sharci dejinta iyo xubnaha ugu sarreeya xukuumadda oo uu madaxweynaha kow ka yahay.”

    Haddaba maxay ahayd in la eego dooda Baarlamaanka ee wax ka Bedelka Dastuurka

    Diktoor Cali Saciid Faqi
    Qoraalka sawirka,Diktoor Cali Saciid Faqi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    Marka la eego doodda maanta ee ku saabsan wax ka bedelka dastuurka ee la doonayo in looga gudbo nidaamka baarlamaaniga ah, loona gudbo nidaamka madaxweynaha, waxay mas’uuliyiinta qaar qabaan in la tixgaliyo arrimaha qaar, Sida bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter uu ku qoray Diktoor Cali Saciid Faqi oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

    Shuruudaha Sharci iyo Habraaca: “Wax-ka-beddelku waa inuu u hoggaansamaa shuruudaha sharci iyo habraaca ee ku xusan dastuurka. Tan waxaa ka mid ah in la tixgeliyo tirada codadka loo baahan yahay si loo ansixiyo geeddi socodka hababka la dejiyay,” ayuu yiri Diktoor Cali Saciid Faqi. “Waa in qiimayn lagu sameeyaa si loo go’aamiyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu saamayn ku yeelan karo xuquuqda iyo xorriyaadka uu dastuurku dammaanad qaadayo” ayuu sii raaciyey.

    “Waa in si taxadir leh loo qiimeeyaa saamaynta uu wax-ka-beddelku ku yeelan karo isu-dheellitirka awoodda hay’adaha kala duwan ee dawladda. Qodobkani waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta nidaam dimuqraadi ah oo caafimaad qaba” ayuu qoraalkiisa ku sheegay, wuxuuna intaa ku daray “waa in la tixgeliyo heerka taageerada dadweynaha ama diidmada wax ka beddelka la soo jeediyay”.

    “Waa lagama maarmaan in la falanqeeyo in wax ka beddelka la soo jeediyay uu keeni karo suurtogalnimada isbeddello awoodaha. Fahamka saamaynta siyaasadeed ayaa muhiim u ah dood dhamaystiran. Wax-ka-beddelka la soo jeediyay waa in si fiican loo baaro si loo xaqiijiyo awoodiisa iyo dhaqangelintiisa qaab-dhismeedka sharci iyo kan maamul ee jira”.

    Talaabada xigta ayaa la filayaa in ay noqoto sidii dastuurka wax looga beddeli lahaa maadaama la meel mariyey habraacii loo mari lahaa wax ka beddelkaas.

    Dhinaca kale waxaa jira xildhibaanno dood ka qaba qaabkii cod bixintu u dhacday, waxaana ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo BBC la hadlay.

    “Ayadoo ajendihii aan la qaybin, habraaciina aan laga wadahadlin ayuu guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu ku dhawaaqay in la ansixiyey sharciga. Ilaa hadda waxaan is weydiinaynaa waxa la ansixiyey, sababtoo ah habraaca in naloo qaybiyo oo laga doodo ayey ahayd” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

    Wuxuu ku tilmaamay “sharci darro” qaabkii loo meel mariyey habraaca. “Waxay hor seedi kartaa in baarlamaanka uu shaqayn waayo” ayuu yiri.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.