Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay tahay abaal-marinta caalamiga ah ee la siiyey ra’iisul wasaare Abiy?

    Maxay tahay abaal-marinta caalamiga ah ee la siiyey ra’iisul wasaare Abiy?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 30, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

    Abiy Axmed ayaa lagu abaal-mariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

    Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.

    Wuxuu ka hadlay diiradda dowladdiisa ee ku aaddan dalagyada qiimaha sare leh iyo warshadaha ee ah “natiijooyinka rajada leh ee ku aadan isku filnaanta cunto ee Itoobiya”.

    Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay dhul-beereedka Itoobiya la balaariyay in ka badan 50%, taasina ay keentay in wax soo saarka uu kordho, gaar ahaan qamadiga iyo bariiska, Itoobiyana ay hadda tahay dalka ugu badan ee dhoofiya Qamadiga ee dalalka Afrika.

    Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii ay Itoobiya soo dhoofsan jirtay Qamadiga si ay u buuxiso baahideeda gudaha, haatanna ay isku filnaatay oo ay dhoofin jirtay tan iyo 2023-kii.

    Waa maxay abaal-marintan?

    Abaal-marinta Agricola waa billad-sharafeed lagu maamuso shakhsiyaadka sida “wanaagsan” diiradda u saara si bulshadiisa ay u gaarto isku filnaansho dhanka cuntada ah.

    Sidoo kale abaalmrinta ayaa la siiyay hogaamiyaasha dalalka adduunka ee doonaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka cunto waarta, iyo iskaashiga caalamiga ah.

    Agricola, waa abaal marintii ugu saraysay ee uu bixiyo agaasimaha guud ee haa’yadda cunada aduunka FAO, tan hadda la siiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee uu bixiyo agaasimaha hadda xilka haya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2019.

    Agaasimaha Guud wuxuu tilmaamay in sannadihii la soo dhaafay Billadda Agricola la guddoonsiiyay shakhsiyaad caan ah, kuwaas oo lagu qiimeyay doorkooda aan caadiga ahayn ee ku aaddan dadaallada muuqda ee lagu guuleystay ee horumarinta amniga cuntada adduunka iyo yaraynta faqriga sida FAO sheegtay.

    Billada ayaa noqnaysa tii 27 -aad oo ha’yadda ay bixiso, waxaana horey loo siiyay hogaamiyaasha qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Sacuudiga iyo kuwo kale.

    Abaalmarintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka ku yaal Geeska Afrika uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo ku dhawaad 4 milyan oo Itoobiyaan ah ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

    Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay horraantii bishan in xaaladdu ay aad uga sii dartay iyadoo ay ugu wacan tahay heerka nafaqa-darrada iyo biyo la’aanta daran oo ay weheliso cudurro dillaacay.

    In ka badan 860 qof ayaa ku dhintay gobolka waqooyi ee Tigrayga tan iyo Sebtembar 2023 gaajo darteed, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta Tigray.

    Getachew Reda, madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray, ayaa bishii December sheegay in xaaladdu ay tahay “masiibo” oo u dhiganta macluushii dilaaga ahayd ee ka dhacday Itoobiya sannadkii 1984-kii oo malaayiin qof ay ku dhinteen.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

    May 31, 2025

    Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

    May 24, 2025

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.