Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay sheegeen odayaasha dhaqanka labada dhinac ee dadaallada nabadeed ka wada colaadda Buuhoodle?

    Maxay sheegeen odayaasha dhaqanka labada dhinac ee dadaallada nabadeed ka wada colaadda Buuhoodle?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comNovember 4, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Goobihii ay maalmo ka hor ka dheceen dagaallo hubka noocyadiisa loo adegsaday ee ku dhow deegaanka Qorilugud oo degmada Buuhoodle u jirta ilaa 40 kiilomitir ayaa maanta degganaa.

    Odayaal ka kala socda degmooyinka Burco iyo Laascaanood ayaa gaaray deegaannadaas, si dhinac kasta uu uga arrinsado joojinta colaadda iyo wixii xal ah.

    Odayaashaas oo wada dadaallo aan isku xirnayn ayey BBC-da la xiriirtay. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah odayaasha ayaa noo sheegay in isaga iyo odayaal kale ay hadda gaareen halka lagu dagaallamay, ayna la tashanayaan dadka iyo ciddii ay is leeyihiin sida uu sheegay way ka go’daa talada.

    “Deegaan collaadeed ayaan u nimid, ciidamo badan oo is horfadhiya ayaan u nimid, deegaan colaadeed oo colaaddu aad u shidan tahay ayaan u nimid” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

    Odayaasha dhawaan gaaray ayaa sheegay in marka hore ay xaaladda qiimeynayaan ka hor inta aysan bilaabin howlahooda.

    “Marka hore xaaladda ayaan qiimeyneynaa, waxaan la tashi ka sameyneynaa sida ugu habboon ee wax loo qaban karo kaddib ayaan cid la xiriiri karaan”. Ayuu yiri boqor Buurmadow oo intaas ku daray in aysan arrinta aheyn mid ay caadifad ku galayaan.

    “Arrin aan caadifaad iyo deg deg ku galeyno ma ahan ee waa arrin aan dooneyno in aan si miisaman u galno”

    Boqor Buurmadow ayaa sheegay in madax-dhaqameedkii talada hayay ay joogaan goobta si coladda loo joojiyo.

    “Xaajadani waa xaajo soo noqnoqotay, maanta raggeenna talada reerka haya cidi ma maqna, maanta waa u nimid”.

    Dhinacayada dagaallamaya ayey tahay marka hore in ay ka go’an tahay in ay joojiyaan dagaalka si loo gaaro nabad ka dhalata deegaanka, sida uu sheegay.

    “Colaadda joojinteed hal dhinac kuma xirna, colaadda joojinteedu waxay ku xiran tahay labada docood” ayuu yiri boqor Buurmadow.

    Buuhoodle

    Dhinaca kalena, waxaan la xiriiray Garaad Saleebaan Bullaale oo jooga Buuhoodle. Waxaan wax ka weydiinnay dadaallada ay dhankooda wadaan ee dagaalka lagu joojinayo.

    Garaadka ayaa noo sheegay in marka hore ay doonayaan in xabbad-joojin la sameeyo kaddibna ay waxgaradka wadahadlaan.

    “Odayaasha dhinaca Buuhoodle oo aan aniga ka mid ahay howl-nabadeed bay ku jiraan, wixii dhacay dhaceen”.

    Garaadka ayaa sheegay in hore ay u direen baaq nabadeed haddana ay ku jiraan sidii nabad loogu soo celin lahaa meelihii lagu dagaallamay.

    Mar aan wax ka weydiinay waxa uu kala socdo odayaasha dhaqanka ee dhanka kale ka wada nabadda, waxa uu shegay Garaadka in aysan isla socon oo aysan war ka hayn.

    Dagaalkan ayaa ka duwan sida la sheegay kuwa dhexmara beelaha ee ka bilowday dhulka iyo biyaha.

    “Dagaalkan wuu ka duwan yahay dagaalladii hore, maamullada kama marna, sida uu ku socdana dagaal waxaan ka baqeynaa in uu noqdo mid isir ah oo riiq dheer”. Ayuu yiri Garaad Saleebaan oo intaas ku daray in dagaalkan uu siyaasad ku lug leeyahay

    “Dagaalkan dhinac ayaa laga wadaa, maamulka Somaliland ayaana wada, qolada dhaqanka dhinaceena iyo dhanaca kale nabadda waa ka wada shaqeyn jirnay, laakiin xiisadda cusub ee hadda soo korortay waa mid doorashooyinka ku shaqo leh oo siyaasadeed, ma ahan tii hore aan ku wada joognay”. Ayuu intaa raaciyay.

    BBC-da ma caddeyn karto Garaadka sida uu sheegay in dagaalkan ay maamulo ku lug leeyihiin balse sida uu sheegay Boqoro Buurmadow dhibaatada socoto ayaa ka xoog badan dadka nabadda wada.

    Mowduucyada la xiriira

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.