Maraykanka ayaa markab la hagayo oo nuuca badda quus ah gantaaladana tuura u soo diray Bariga Dhexe, xilli ay cirka isku sii shareereyso xaaladda gobolka.
Wasiirka gaashaandhigga, Lloyd Austin ayaa sheegay in markab nuuc diyaaradaha qaada ah oo awalba aaggaas ku sii jeeday uu isna si degdeg leh ugu sii siqi doono gobolka.
Talaabadan ayaa jawaab u ah cabsida laga qabo in uu dagaal ka dhaco gobolka, kadib markii dhawaan la dilay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Xisbullah iyo Xamaas.
Waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka inuu ka caawiyo Israel inuu ka difaaco weerar kasta oo kaga yimaada Iran – iyadoo Mr Austin uu sheegay in Mareykanka “uu qaadi doono tallaabo kasta oo suurtagal ah” si uu u difaaco xulafadiisa.
Iran ayaa si dhow isha loogu hayaa iyada oo la eegayo calaamad kasta oo muujineysa on sida iyo goorta ay ka jawaabi doonto dilkii Hogaamiyihii garabka siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh oo lagu dilay Tehran 31 kii bishii July.
Iiraaniyiintu waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay ka dambeysay dilkii Haniyeh oo lagu khaarijiyay dhulkooda, waxayna wacad ku mareen inay aargudan doonaan. Israa’iil kama aysan hadlin arrinkan balse waxaa la rumeysan yahay in ay ka dambeysay dilkaas.
Bayaan uu Axaddii soo saaray Pentagon-ka Maraykanka ayaa lagu sheegay in wasiir Austin uu gobolka u soo diray markabka gujiska ah ee gantaalaha tuura ee USS Georgia.
Waxa kale oo isna amar lagu bixiyay markabka USS Abraham Lincoln, oo sida diyaaradaha dagaalka ee F-35C, inuu xawaaro ku daro socdaalka uu ugu sii jeedo dhinac Bariga Dhexe. Markabkan ayaa horey halkaa ugu sii socday inuu beddelo markab kale oo Mareykan ah oo ku sugan gobolka.
Ma cadda waxa Iran ay qorsheyneyso inay sameyso ilaa iyo haatan.
Dhanka kale, weerar kale oo ka dhan ah Israa’iil ayaa laga cabsi qabaa inuu ka yimaado dhinacaXisbullah – oo ah koox ay Iiraan taageerto sidoo kalana dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo xooggan ka ah gudaha Lubnaan.
Kooxda ayaa wacad ku martay in ay jawaab ka bixin doonto dilka ay Israa’iil u geystay taliye sare oo iyaga ka tirsanaa, Fu’aad Shukr, kaas oo dhacay saacado ka hor intii aan la baahin dhimashada Ismaaciil Haniyeh. Ninkaas ayaa lagu dilay duleedka koonfureed ee Beirut waxaana sheegatay Israa’iil.
Maamulka Biden ayaa aaminsan in xabad joojinta Gaza ay noqoto mid horseeda in la sii daayo maxaabiista Israa’iil, ayna tahay habka ugu wanaagsan ee lagu qaboojin karo xiisadda gobolka, wuxuuna ku baaqay in wada-hadallada dib loo bilaabo Khamiista.
Laakiin habeenimadii Axadda, Xamaas ayaa ka jawaabtay dadaallada Mareykanka ee dib u soo nooleynta wadahadallada xabbad joojinta iyagoo sheegay in ay mudan tahay in Israa’iil lagu qasbo inay fuliso heshiisyadii hore.
Xamaas ayaa sheegtay in wadahadal kasta oo xabbad joojin ah oo ku saabsan colaadda Gaza ay tahay in lagu saleeyo qorshayaashii hore looga dooday oo kaliya, oo aan la galin gorgortan kale oo hor leh.
Washington ayaa hore ugu eedaysay Xamaas fashil ku yimid wada xaajoodyo horay loo galay.
Laakiin wararka warbaahinta Israel ayaa sheegaya in Maraykanku uu si isa soo taraysa u arko Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu qayb ahaan mas’uul ka yahay fashilka – waxaana sabab looga dhigay eedeyntaa sin Netenyahu uu la jiro xubnaha midigta fog ee Israa’iil ee aan marnaba ogoleyn in heshiis la galo.
Toddobaadkii hore, markii ugu horreysay Aqalka Cad ee mMaraykanka ayaa si cad u dhaleeceeyay mid ka mid ah hoggaamiyeyaashan isbahaysiga midigta fog ee Israa’iil, kaas oo ah wasiirka maaliyadda dalkaas laguna magacaabo Bezalel Smotrich.
Smotrich ayaa ku booriyay Israa’iil in ay diido wadahadalada uu dabada ka riixayo Maraykanka ee xabad joojinta ku aadan, isaga oo sheegay in wadahadaladaasi ay la mid yihiin in la isku dhiibo Xamaas. Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in wasiir Smotrich uu aad u qaldan yahay” waxa uuna ku eedeeyay in uu ku hadlayay hadalo been abuur ah.
Dhanka kale Hogaamiyayaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku soo jeediyay baaqyada ku aadan in wadahadalada xabad joojinta dib loo bilaabo.
“Waxaan isku af-garanay in uusan dib u dhac kale imaan karin,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.
“Waxaan la shaqeynaynay dhammaan dhinacyada si aan uga hortagno in xaaladdu cakiranto, wax dadaal ah oo reebaneyno ma jirto oo lagu yareeyn karo xiisadda laguna helo karo waddo loo qaado xasilloonida.”
BBC SOMALI