Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Faah faahin ku saabsan Sida uu u dhacay dilka taliye Xujaale?

    May 17, 2025

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

    May 17, 2025

    DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

    May 17, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

      May 17, 2025

      DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

      May 17, 2025

      DEG DEG Gordhaw Gabadhanoo lagu Dilay Beledweyne

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahal ku saabsan xiriirka labo dhinaclaha ah kula yeeshay Bagdaad dhiggiisa Aljeeriya

      May 16, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Faah faahin ku saabsan Sida uu u dhacay dilka taliye Xujaale?

      May 17, 2025

      Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

      May 17, 2025

      DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

      May 17, 2025

      DEG DEG: Taliyihii Guutada 26aad ee Ciidamada Soomaaliya Xujaale oo la dilay xili uu dagaal kasocday

      May 17, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay la kulmi karaan Soomaalida darbiga ka boodday iyo kuwa hadda ku wajahan Maraykanka, haddii mar kale la soo doorto Donald Trump?

    Maxay la kulmi karaan Soomaalida darbiga ka boodday iyo kuwa hadda ku wajahan Maraykanka, haddii mar kale la soo doorto Donald Trump?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 28, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo mar kale u sharaxan inuu ku soo laabto kursiga ayaa soo laabashadiisa ay walaac badan ku haysaa soo galooti badan oo ay ku jiraan Soomaalida darbiga ka boodday iyo kuwa hadda ku wajahan.

    In ka badan 6.3 Milyan oo qof oo muhaajiriin sharci daro ah oo ka gudbay xadka ayaa la xiray muddada uu xilka hayo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

    Bishii 12aad ee sanadkii aynu soo dhaafnay 2023 ayaa jabisay rikoorkii Billaha ahaa ee ugu badnaa, dadka ka gudbaya xadka ee ay la kulmaan ciidamada ilaalada xuduudaha, taasi oo gaartay 250,000 qof.

    Sanadkii 2000 oo ay ka soo wareegtay 24 sano ayay tiradaasu gaartay 220,000 qof.

    Trump ayaa ku eedeeyay Biden qulqulka soo galootiga sharci darada, waxaana uu balan qaaday Maalinta ugu horaysa ee uu xilka qabto inuu albaabada u laabayo xadka, sidoo kalana uu Maraykanka ka masaafurinayo Malaayiin sharci daro ku jooga.

    Soomaalida ayaa kamid ah dadka uu sida gaarka ah ugu bartilmaameed sanayo soo galitaankooda Maraykanka, isaga oo dib u soo celinaya amarkiisii 2017 ee xayiraada safarka dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

    Qorshaha Trump ee Saameynaya Soomaalida

    Madaxweynihii 45aad ee Maraykanka Donald J. Trump ayaa mar kale si gaar u beegsanaya Muwaadiniinta dalal ay Soomaaliya kamid tahay.

    Xayiraada dhanka safarka ayaa khudbad uu jeediyay bartimihii Oktoobar 2023, uu mar kale ku xusay qorshihiisa inay ku jirto Soomaaliya.

    Liiskiisa cusub ee xayiraada safarka waxaa ku jira dadka ka imaanaya Marinka Qaza, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Yemen iyo dalalkii kale ee uu u arko inay khatar ku yihiin Ammaanka Maraykanka.

    Walwalka Soomaalida ee soo laabashada Trump

    Cabdiqani Cabdi Gaas waxaa uu bishii June, 2023 u tahriibay Maraykanka, laakiinse waxaa laga soo celiyay dalka Brazil, iyada oo dib loogu celiyay Itoobiya oo ah halkii uu ka bilowday safarkiisa.

    Waxaa uu mar kale qorshaynayaa inuu u tahriibo Maraykanka, waxaase cabsidiisa ugu weyn markan ay tahay in doorashada November, 2024 ee ka dhacaysa dalkaasi uu ku soo baxo Donald Trump.

    “Mar labaad in aan laabto ayaan qorsheynayaa, laakiin haddii Trump soo laabto qorshuhu waa baaba’ayaa” ayuu yiri Cabdiqani.

    Safarkiisii hore oo qabyo ka ahaa, markan kama baqdi qabo dhanka kharashka safarka, waxaase walwal ku hayo inuu guulaysto musharaxa ugu cadcad xisbiga Jamhuuriga.

    “Walaal, Trump haddii uu soo galo,xabsi iyo tarxiil u diyaar garow, sharcina ma heleysid. Sababtu waxa ay tahay ninkan soo galootiga oo dhan waa neceb yahay” ayuu yiri Cabdiqani Cabdi Gaas.

    Sababaha aanu Donald Trump u jeclayn Soomaalida ayuu Gaas aaminsan yahay in ay tahay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo uu ugu soo gambanayo Soomaalida.

    Qareen Amiin Haaruun oo fadhigiisu yahay Minneapolis khibrad dhanka sharciga ahna u leh arimaha socdaalka ayaa sheegay in uusan Trump, Soomaalida sharciga leh wax saamayn ah ku yeelanayn, laakiin kuwa hadda soo socda iyo kuwa aan sharciga lahayn uu bartilmaameedsan karo.

    “Xukuumadii cusub ee timaadaa, waxa ay la imaanaysaa siyaasadaheeda, marka siyaasada Donald Trump ee ku aadan arimaha soo galootiga iyo qaxootiga waa caddahay, horayna waan u sheegay haddana waan sheegaa, in uu adkayn doono aadna u xaddidi doono, xuduudaha Koonfur dhaca ee dalka Maraykankana xiri doono ayuu ku goodinayaa. Marka Soomaalida xadka kasoo gasha, kuwa isku dacwoonaya ee qoysaskoodu ka maqan yihiin, haddii uu isagu yimaado waxbuu adkeyn karaa, marka saamayn taban ayuu ku yeelan karaa” ayuu yiri Qareen Amiin.

    Soomaalida Qaxootiga ee dib u dejinta ka hela Maraykanka iyo kuwa hadda doonaya inay ka faa’iideystaan barnaamijka cusub ee (Welcome Corps) ayaa haddii mar kale la doorto Trump uu saameynayaa.

    Sharci Ahaan halkee Trump u marayaa Xaddida soo galootiga

    Bishii Juun 2018, ayaa Maxkamada sare ee dalka Maraykanka ku raacday Trump xayiraadii dhanka socdaalka oo uu ku soo rogay dadka ka imaanaya dalal ay Soomaaliya kamid tahay. Labo jeer ayuu wajahay caqabado dhanka sharciga oo maxkamaduhu uga horyimaadeen go’aankiisa xayiraada.

    “ Dadka xadka ka soo gudba waxaa qaada dacwadahooda ama garmaqalkooda Maxkamada Socdaalka, wayna ka duwan tahay Maxkamadaha Dastuuriga ama caadiga ah ee heer Federaal. Waa Maxkamad ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Maraykanka. Taas waxa ay lamid tahay Qareemadeeda, kuwa xeer ilaalinta ka socda iyo Qaadiyadaba waxaa soo magacaaba oo keena Wasaarada, marka Xukuumadda ayay toos u hoos tagaan, mana aha Maxkamadii Dastuuriga ee la yaqaanay” ayuu yiri Abuukaate Amiin Haaruun.

    Qareenka ayaa intaa ku daray Trump in uu soo magacaabi karo Garsoor iyo xeer ilaaliyaal uu is leeyahay waxa ay kula fulin karaan siyaasadahaada adkaynaya in aan sharci la siin soo galootiga sharci darada.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Faah faahin ku saabsan Sida uu u dhacay dilka taliye Xujaale?

    May 17, 2025

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

    May 17, 2025

    DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

    May 17, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Faah faahin ku saabsan Sida uu u dhacay dilka taliye Xujaale?

    May 17, 2025

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda oo maanta soo gaaray Muqdisho

    May 17, 2025

    DEG- DEG:- Daawo Muuqaalkaan Ayaa Maanta Qabsaday Guud ahaan Baraha Bulshada ay Kuxariirto iyo Warbaahinta Caalamka

    May 17, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.