Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Xamsa iyo Weber ayaa kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya & Midowga Yurub gaar ahaan dhinacyada Horumarinta dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda sida lagu yiri war lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Inta uu kulankaan socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan geeska Afrika ee salkeedu yahay xadgudubka Gurracan ee Itoobiya ku heyso Madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Wakiilka gaar ah ee Midowga Yurub ee Afrika Annette Weber ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Amniga iyo nabadda Gobolka, dedaalka ugu weyn ee lagu bixin karana uu yahay in si wadajir ah la isku kaashado.
Kulamo gaar gaar ah ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre la qaatay madax katirsan mas’uuliyiin ka qaybgalaysa shirka meertada 79aad ee Qaramada Midoobay.