Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Oslo kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway Barth Eide oo ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga labada Dal.
Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway la wadaagay dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo la dagaalanka ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Barth Eide ayaa dhankiisa sheegay in Dowladdiisa ay ballanqaadayso in ay Soomaaliya ka gacansiinayso dhinacyada kala duwan ee Amniga, Siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Espen Barth Eide. Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay DFS.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah Madaxda ka qaybgalaysa Madasha Oslo ee Dowladda Norway iyo Afrika u dhaxeysa waxaana diiradda lagu saarayaa arrimaha la xiriira dhinaca Amniga ee Qaaraddaan.