Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay Kanada argagixiso ugu aqoonsatay ilaalada kacaanka Iran

    Maxay Kanada argagixiso ugu aqoonsatay ilaalada kacaanka Iran

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 24, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sharci dejiyeyaasha baarlamaanka Iran ayaa soo bandhigay todobaadkan mooshin u aqoonsanaya milateriga Kanada “argagixiso”, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dawladdu ay maamusho.

    Arrintan ayaa daba socota ka dib markii Kanada ay sheegtay inay ilaalada kacaanka ee Iran u aqoosatay inay yihiin argagixiso.

    Qoraal ay saxiixeen 250 xubnood oo ka tirsan barlamaanka Iran ayaa dhaleeceeyey go’aanka ay Kanada ugu dartay ilaalada kacaanka liiska argagixisada, waxayna ku tilmaameen inu yahay mid aan caqli ku fadhiyin, xad gudubna ku ah xeerarka caalamiga.

    Kanada ayaa liiska argagixisada ku dartay ilaalada kacaanka ee Iran, ayadoo ku biirtay Maraykanka oo talaabadaas hore u qaaday, ujeedada ay ka leedahayna waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii cadaadis loogu saari lahaa dalalka reer Yurub inay iyaguna mowqifkaas qaataan.

    Talaabadan ayaa micnaheedu wuxuu noqonayaa in boolisku ay wixii hadda ka dambeeya eedeyn ku soo oogi karaan ciddii taageero maaddi ah ama mid dhaqaale u fidisa ilaalada kacaanka, waxaana baananka laga dalban doonaa inay xannibaan xisaabaadka hay’adaas alala xiriirinayo.

    Maraykanka ayaa ciidankaas, oo ka tirsan milateriga Iran, u aqoonsaday koox argagixiso 2019.

    Kanada waxaa ku nool mujtamac balaaran oo siyaasadda si weyn ugu jira oo ka soo jeeda Iran, qayb ahaanna waxay gacan weyn ka gaystaan sidii dadka dulman ee gudaha Iran jooga, doonayana inay dibadda u baxsadaan ay Fiisayaal ugu dalbi lahaayeen.

    Bishii Janaayo 2020, ayaa ilaalada kacaanka waxay toogasho ku soo rideen duullimaadka 752 ee shirkadda dayaaradaha ee Ukraine, in yar ka dib markii ay ka duushay garoonka dayaaradaha ee magaalada Tehran, ayadoo ku sii jeedday magaalada Kyiv, waxaana shilkaas ku dhintay 176 qof oo ay ku jireen tiro badan oo ah dad xiriir adag la lahaa Kanada.

    Waxaa kaloo ilaalada kacaanka lagu eedeeyey inay faragelin ka sameeyaan dibadda, dalka Kanadana ay ka gaystaan hanjabaado iyo cabsi gelin ku wajahan qurba joogta reer Iran.

    Iran waxay sheegatay in diyaaradda Ukraine si khaldan gantaal loogu riday, xilli uu sare u sii kacayey xiisadda u dhaxaysa reer galbeedka iyo Iran.

    Go’aanka Canada ayaa yimid ayadoo Iran ay isu diyaarinayso doorasho madaxweyne, ka dib markii madaxweynihii dalkaas Ibrahim Raisi uu ku geeriyooday shil dayaaradeed, waxaana sidoo kale ay arrintan imaanaysaa ayadoo Iran ay la daalaa dhacayso xiriirka aan cagaha badan ku taaganayn ee ay dunida inteeda kale la leedahay iyo dhaqaalaha gudaha oo aad u liita.

    Dominic LeBlanc

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Mowqifka ay Kanada qaadatay ayaa waxaa jawaab ka bixiyey wasiirka KMG ah ee arrimaha dibadda e Iran Cali Bagheri oo hoosta ka xarriiqay “kaalinta ilaalada kacaanka ee la dagaallanka kooxda khilaafada Islaamiga”, wuxuuna intaa ku daray in xukuumadda Ottawa ay qaadi doonto mas’uuliyadda ficilladeeda.

    Wasiirka bedqabka shacbiga ee dalka Kanada Dominic LeBlanc wuxuu sheegay in go’aanka xukuumadiisa uusan la xiriirin cadaadis siyaasadeed, laakinse ma uusan sheegin sababta ay go’aanka u qaateen.

    Warqad ay koox xildhibaanno ah u qoreen ra’iisul wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayey kaga dalbadeen in ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska kooxaha aragagixisada, waxayna ku doodeen in ciidanakaas uu kaalin weyn ka cayaaray sidii taageero loo siin lahaa kooxda Xamaas, ka hor iyo ka dib weerarkii 7 Oktoobar ee sababay dagaalka ilaa maanta ka socda Qasa.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.