Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.
Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka ,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.
Wafdigaan uu hoggaaminaya Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell ayaa ku soo aadaya xilli fadeexad ka dhalatay ciidanka sida gaarka ah u tababara ee Danab kuwaas uu tababaro Mareykanka ka dib markii la leexsaday Saadkooda.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay baaritaan waddo, waxa ayn xustay in dhacdadaan loo soo xiray Saraakiil ka tirsan ciidanka kuwaas oo lagu eedeeyey.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo todobaadkaan gudihiis wareysi baxshay ayaa sheegay in dhacdadaan ay dhacda laba todo baad ka hor, waxa uu xusay in kiiskaan ay baaris ku waddo maxkamadda ciidanka Qalabka Sida.