Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta arrimha xiriirka labada dal iyo dardar gelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada wadan.
Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxa ay si gaar ah ugu wada hadleen sidii Dowladda Shiinaha ay Baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta Baarlamaanka.
Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu mudo aad u dheer soo jiray, iyada uu hadda meel wanaagsan marayo, isaga oo balan qaaday inuu sii dardargelin doono xoojinta xiriirka labada dal.
Kulanka Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa imaanay xilli uu magaalada Muqdisho ku soo gaaray safar gaaban, isaga oo la filaayo in uu kulamo la yeeshay madaxda dalka.