Wasiirka Gaadhaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khudbad ka jeediyay kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo waxa ay ka dhigan tahay in imtixaanka qaran lagu galo degmooyinkii la xoreeyay.
Ugu horreyn wasiirka ayaa u jawaabay dad uu sheegay inay ka xun yihiin horumarada laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, wuxuuna ku eedeeyay inay mar walbo niyad-jebinayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, iyaga oo baraha bulshada ku faafinayo warar been abuur ah, sida uu hadalka u dhigay.
Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dadkaasi oo uusan cararb baabin in ay ka xun yihiin horumarka maanta la gaaray, maadaama degmooyinkii la xoreeyay maantadan la geeyay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo qay qaadeyso dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa meesha ka saaray in inta badan dib loo qabsaday deegaanadii iyo degmooyinkii lagu xoreeyay wajigii koowaad ee ay dagaalka Al-Shabaab.
“Waxaan aragnaa baraha bulshada iyo meelaha doodaha ka furan yihiin deegaanadii la xoreeyay Al-Shabaab ayaa dib u wada qabsaday. Hadda oo idinla hadlayo Ceeldheer imtixaan gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo tobanaan sano kahor ugu dambeysay ayaa ka socda, Aadan Yabaal 700 oo arday ayaa iyaguna imtixaanka ku jirto” ayuu yiri Jaamac.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Horumarka uu shacabka Soomaaliyeed gaaraayo maxaa looga xanuunsanaa? maxaa loo jecelyahay in cadowga uu ina qabsado?”.
Wasiirka gaashaandigga oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale boggaadiyay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee Al-Shabaab la diriraya, wuxuuna ku amaanay halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka.
“Maanta furimaha dagaalka wiilal iyo gabdho ayaa ku ciiday oo ilmahooda iyo waalidiintooda ka fogaaday”. ayuu mar kale yiri wasiirka gaadhaandhigga.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Shacabka Soomaaliyeed wuu dhaqaaqay, tareenkiisana wuu dhaqaaqay ciddiika hartay nasiibkeed, horay ayaan usoconeynaa Shabaab ayaa dhameyneynaa”.