Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waqti la qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.
Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doorto xaafadda Kamukunji ee magaalada Nairobi oo ay ku jirto xaafadda Islii oo ka hadlay booqashada Madaxweynaha ee suuqaan ayaa yiri, “Farxad weyn ayay ahayd inaan soo dhaweyno madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan xaafadda Islii.
BBS Mall, tan iyo markii la furay, waxa uu noqoday goob gacansi oo soo jiitay dhammaan madaxda iyo shacabka ku dhaqan dalkaas, iyada oo booqashada Madaxweynaha uu ku tagay ay si diiran ugu soo dhaweeyeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.
Madaxweyne Maxamuud ayaa Nayroobi u joogaa shirar sanadeedka Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) 2024, kaas oo diiradda lagu saarayo dib-u-qaabaynta qaab dhismeedka maaliyadeed ee Afrika. Booqashadiisa Islii ayaa hoosta ka xariiqday xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya qurbajoogta Soomaaliyeed ee Kenya iyo dalkooda hooyo, taasoo kor u qaadeysa kobaca iyo horumarka labada dhinac.