Close Menu
    What's Hot

    Markabka qodaya Shidaalka Somalia oo maanta kasoo baxay Turkiga.

    February 15, 2026

    DEG DEG: Xildhibaanada Mucaaradka oo Magacaabay Guddi Farsamo, sheegayna in ay qaadi doonaan Tallaabooyin Cusub.

    February 14, 2026

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Markabka qodaya Shidaalka Somalia oo maanta kasoo baxay Turkiga.

      February 15, 2026

      DEG DEG: Xildhibaanada Mucaaradka oo Magacaabay Guddi Farsamo, sheegayna in ay qaadi doonaan Tallaabooyin Cusub.

      February 14, 2026

      DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

      February 12, 2026

      DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

      February 12, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Markabka qodaya Shidaalka Somalia oo maanta kasoo baxay Turkiga.

      February 15, 2026

      DEG DEG: Xildhibaanada Mucaaradka oo Magacaabay Guddi Farsamo, sheegayna in ay qaadi doonaan Tallaabooyin Cusub.

      February 14, 2026

      DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

      February 12, 2026

      DEG DEG: Rooble ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

      February 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxay Farmaajo, Shariif iyo siyaasiyiinta u daneynayaan shirka uu ku baaqay DENI?

    Maxay Farmaajo, Shariif iyo siyaasiyiinta u daneynayaan shirka uu ku baaqay DENI?

    By radiohalgan.comFebruary 1, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in shir weyne qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo diiradda lagu saari doono xaaladaha horu-tebinta leh ee dalka ka jira.

    Intaas ka dib qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ah ayaa soo saaray faallooyin ay kaga hadlayaan shirka uu Deni ku baaqay iyaga oo soo dhaweynaya.

    Waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo isagu ay ka wada hadleen hogaaminta madaxweynaha ee shir qaran.

    β€œKulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado,” ayuu Xasan ku sheegay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay.

    β€œWaxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah,” ayuu sii raaciyey.

    Muxuu yahay shirkan?

    Ka hor inta aynaan eegin sababta ay shirkan u daneynayaan siyaasiyiinta mucaaridku, aan eegno muhiimaddiisa iyo goorta uu dhacayo.

    Wasiirka warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in uu rajaynayo shirku in uu dhacayo inta u dhaxaysa Maarso illaa Maajo.

    Sababta shirkan hadda kusoo beegtay ayuu wasiirku ku sheegay waxyaabo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; β€œmaadaama ay muddo socotay kala war qab la’aan, dawladda federaalkuna ay gaar wax u wadatay, madashii la isugu imaan jirayna ay Puntland muddo ka maqnayd,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid oo kusii diray in ay sidoo kale soo kordheen aragtiyo kale oo β€œdhinaca federaalka ka yimid, oo ah in qaab dhismeedka la balado, in dastuurka wax laga badalo in la ansixiyo” iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan oo uu sheegay in uu soo jeediyey ka guurka xilka raysal wasaaraha iyo in lagu badalo Madaxweyne ku xigeen.

    Shirkan oo sida uu wasiirku sheegay uu Deni soo jeediyey in uu gadhwadeen ka noqdo madaxweyne Xasan, ayaan weli la ogeyn cidda kasoo qayb gali doonta hase yeeshee wuxuu wasiirku sheegay in uu yahay madal qaran oo u furan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliya, madaxda dawladda, kuwa dibad joogga ah ee aan xilalka hayn, maamul goboleedyada β€œiyo sidoo kale aqoonyahanka, yacni Soomaali oo dhan in ay ka qayb gasho ayaa la rajaynayaa,” ayuu yiri.

    Si kastaba ha ahaatee shirkani ma aha mid toddobaadyada sooo socda la filayo isla mar ahaantaana looga hadli karo arrimaha hadda taagan oo laga yaabo in ay waji kale yeeshaan xilliga shirkani dhacayo.

    Maxay siyaasiyiintu u danaynayaan shirkan?

    Sida aan ognahay waxaa soo dhaweeyay shirkan uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland, siyaasiyiin aan xilal hadda hayn oo qaarkood ay soo qabteen xilalka ugu sareeya ee dalka.

    Waxaan wax ka waydiinay Maxamed Mukhtaar Ibraahin oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya isla markaan soo ahaa wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee dawladda fedaraalka Soomaaliya, waxaanu yiri: β€œRuntii sidaan wada xasuusanno, 2021-kii dhamaadkii 2020-kii, bilowgii 2020-kii, mucaaradka oo dhan waxay dhihi jireen waa in madasha la ballaariyo, ma aha in ay dawladdu iskusoo koobto, ma aha baarlamaanka oo kaliya in uu iskusoo kobo, marka mucaaradka mar walba waa la garan karaa in iyaga ay rabaan in ay madallada siyaasadeed ay ka qayb galaan oo talo ay ku yeeshaan, balse su’aasha imaanaysa waxay tahay, maaullada hadda jira iyo madaxweynaha fedaraalku illaa xadkee ayey ogolaanayaan in gogosha la ballaariyo,” taas oo an jawaabteeda weli la ogaan karin.

    Dhanka kale Muktaar waxaan wax ka waydiinay in ay ogolaanayaan madaxda fedaraalku ka qayb galka shirkan maadamaa kii ay iyagu ku baaqen ay Puntland diiday, wuxuu yiri: β€œRuntii goob walba oo Soomaaliya ka mid ah looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in la tago.”

    Wuxuu kusii daray β€œPuntland mar walba waxay ka cabanaysay iyada iyo dawladda federaalka kaliya in ay wada hadlaan ayey rabtay oo taa macnaheedu tahay in aysan doonayn in ay madasha dhexdeeda ama dawlad goboleedyada kale in ay dawladda fedaraalka ah ku wada hadlaan” taas oo ka dhigan in loo badinayo in aysan diidin dawladda federaalka ahi ka qayb galka shirkan.

    Waxaan weli caddeyn waxa iska badalay Puntland ee ay hadda u danaynayso in ay madal guud oo Soomaaliya oo dhan u dhaxaysa ay kula hadasho dawladda fedaraalkaweliba ay iyadu ku baaqdo kulankaas.

    Waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay ku sugnaayeen goobta uu shirkan kaga baaqay Siciid cabdullaahi Deni, taas oo ahayd munaasabaddii caleema saarkiisa.

    W/Q: Ahmed Cadceed
    Saxafi madax banaan
    @AhmedAdeat

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Markabka qodaya Shidaalka Somalia oo maanta kasoo baxay Turkiga.

    February 15, 2026

    DEG DEG: Xildhibaanada Mucaaradka oo Magacaabay Guddi Farsamo, sheegayna in ay qaadi doonaan Tallaabooyin Cusub.

    February 14, 2026

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Markabka qodaya Shidaalka Somalia oo maanta kasoo baxay Turkiga.

    February 15, 2026

    DEG DEG: Xildhibaanada Mucaaradka oo Magacaabay Guddi Farsamo, sheegayna in ay qaadi doonaan Tallaabooyin Cusub.

    February 14, 2026

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.