Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay Farmaajo, Shariif iyo siyaasiyiinta u daneynayaan shirka uu ku baaqay DENI?

    Maxay Farmaajo, Shariif iyo siyaasiyiinta u daneynayaan shirka uu ku baaqay DENI?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 1, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in shir weyne qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo diiradda lagu saari doono xaaladaha horu-tebinta leh ee dalka ka jira.

    Intaas ka dib qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ah ayaa soo saaray faallooyin ay kaga hadlayaan shirka uu Deni ku baaqay iyaga oo soo dhaweynaya.

    Waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo isagu ay ka wada hadleen hogaaminta madaxweynaha ee shir qaran.

    “Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado,” ayuu Xasan ku sheegay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay.

    “Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah,” ayuu sii raaciyey.

    Muxuu yahay shirkan?

    Ka hor inta aynaan eegin sababta ay shirkan u daneynayaan siyaasiyiinta mucaaridku, aan eegno muhiimaddiisa iyo goorta uu dhacayo.

    Wasiirka warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in uu rajaynayo shirku in uu dhacayo inta u dhaxaysa Maarso illaa Maajo.

    Sababta shirkan hadda kusoo beegtay ayuu wasiirku ku sheegay waxyaabo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; “maadaama ay muddo socotay kala war qab la’aan, dawladda federaalkuna ay gaar wax u wadatay, madashii la isugu imaan jirayna ay Puntland muddo ka maqnayd,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid oo kusii diray in ay sidoo kale soo kordheen aragtiyo kale oo “dhinaca federaalka ka yimid, oo ah in qaab dhismeedka la balado, in dastuurka wax laga badalo in la ansixiyo” iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan oo uu sheegay in uu soo jeediyey ka guurka xilka raysal wasaaraha iyo in lagu badalo Madaxweyne ku xigeen.

    Shirkan oo sida uu wasiirku sheegay uu Deni soo jeediyey in uu gadhwadeen ka noqdo madaxweyne Xasan, ayaan weli la ogeyn cidda kasoo qayb gali doonta hase yeeshee wuxuu wasiirku sheegay in uu yahay madal qaran oo u furan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliya, madaxda dawladda, kuwa dibad joogga ah ee aan xilalka hayn, maamul goboleedyada “iyo sidoo kale aqoonyahanka, yacni Soomaali oo dhan in ay ka qayb gasho ayaa la rajaynayaa,” ayuu yiri.

    Si kastaba ha ahaatee shirkani ma aha mid toddobaadyada sooo socda la filayo isla mar ahaantaana looga hadli karo arrimaha hadda taagan oo laga yaabo in ay waji kale yeeshaan xilliga shirkani dhacayo.

    Maxay siyaasiyiintu u danaynayaan shirkan?

    Sida aan ognahay waxaa soo dhaweeyay shirkan uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland, siyaasiyiin aan xilal hadda hayn oo qaarkood ay soo qabteen xilalka ugu sareeya ee dalka.

    Waxaan wax ka waydiinay Maxamed Mukhtaar Ibraahin oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya isla markaan soo ahaa wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee dawladda fedaraalka Soomaaliya, waxaanu yiri: “Runtii sidaan wada xasuusanno, 2021-kii dhamaadkii 2020-kii, bilowgii 2020-kii, mucaaradka oo dhan waxay dhihi jireen waa in madasha la ballaariyo, ma aha in ay dawladdu iskusoo koobto, ma aha baarlamaanka oo kaliya in uu iskusoo kobo, marka mucaaradka mar walba waa la garan karaa in iyaga ay rabaan in ay madallada siyaasadeed ay ka qayb galaan oo talo ay ku yeeshaan, balse su’aasha imaanaysa waxay tahay, maaullada hadda jira iyo madaxweynaha fedaraalku illaa xadkee ayey ogolaanayaan in gogosha la ballaariyo,” taas oo an jawaabteeda weli la ogaan karin.

    Dhanka kale Muktaar waxaan wax ka waydiinay in ay ogolaanayaan madaxda fedaraalku ka qayb galka shirkan maadamaa kii ay iyagu ku baaqen ay Puntland diiday, wuxuu yiri: “Runtii goob walba oo Soomaaliya ka mid ah looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in la tago.”

    Wuxuu kusii daray “Puntland mar walba waxay ka cabanaysay iyada iyo dawladda federaalka kaliya in ay wada hadlaan ayey rabtay oo taa macnaheedu tahay in aysan doonayn in ay madasha dhexdeeda ama dawlad goboleedyada kale in ay dawladda fedaraalka ah ku wada hadlaan” taas oo ka dhigan in loo badinayo in aysan diidin dawladda federaalka ahi ka qayb galka shirkan.

    Waxaan weli caddeyn waxa iska badalay Puntland ee ay hadda u danaynayso in ay madal guud oo Soomaaliya oo dhan u dhaxaysa ay kula hadasho dawladda fedaraalkaweliba ay iyadu ku baaqdo kulankaas.

    Waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay ku sugnaayeen goobta uu shirkan kaga baaqay Siciid cabdullaahi Deni, taas oo ahayd munaasabaddii caleema saarkiisa.

    W/Q: Ahmed Cadceed
    Saxafi madax banaan
    @AhmedAdeat

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.