Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

    June 13, 2025

    Akhriso:’Shiinaha oo canshuurta ka dhaafaya 53 dal oo ku yaalla Afrika

    June 13, 2025

    Soomaaliya iyo Türkiye: Xiriir Istiraatiiji ah oo isku badalaya Masiirka Dalka

    June 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

      June 13, 2025

      Soomaaliya iyo Türkiye: Xiriir Istiraatiiji ah oo isku badalaya Masiirka Dalka

      June 13, 2025

      Madaxwayne Xasan Sheekh oo booqday Markabka Soomaaliya ka waday baaristii shiidaalka

      June 12, 2025

      Maxay tahay Madasha C6+ ee Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday, dhamaadka Kaalinteedii?

      June 12, 2025

      Akhriso:’Shiinaha oo canshuurta ka dhaafaya 53 dal oo ku yaalla Afrika

      June 13, 2025

      DEG DEG Israa’iil ayaa qaaday weerar ballaaran oo cirka ah oo lagu beegsaday xarumo nukliyeer

      June 13, 2025

      Duqa Muqdisho oo qorsheenaya in uu xilka ka qaado Guddoomiyaal kale oo degmo

      June 12, 2025

      Nin si mucjiso leh uga badbaaday shilkii dayuurada Air India

      June 12, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

      June 13, 2025

      Akhriso:’Shiinaha oo canshuurta ka dhaafaya 53 dal oo ku yaalla Afrika

      June 13, 2025

      Soomaaliya iyo Türkiye: Xiriir Istiraatiiji ah oo isku badalaya Masiirka Dalka

      June 13, 2025

      DEG DEG Israa’iil ayaa qaaday weerar ballaaran oo cirka ah oo lagu beegsaday xarumo nukliyeer

      June 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal?

    Maxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 16, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho.

    Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas.

    Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka.

    Shirkaan ayaa waxaa ay labada dhinac ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

    Wasiirka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay “dhibaato iyo cadaadis uu sheegay in lagu hayo bulshada reer Awdal iyo kaalinta kaga aaddan dadka deeganka go’aannada iyo tallaabooyinka ay dowladda qaadayso.”

    “Waxaan ka wada hadlaynaa in dadka reer Awdal aysan wax ra’yi ah ku lahayn heshiis ku sheeggii Somaliland u saxiixday Badda Soomaaliya Itoobiya, iyo in dadkii lagu hayo cadaadis iyo xarig joogto ah” ayuu yiri.

    Dadka gobolka ee ka horyimid heshiiska ayuu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo.

    “Waxaad ogtihiin in qaar badan oo ka mid ah mas’uulyiin gobolka ah oo ay ku jiraan wasiirro hore, culimaa’udiin iyo dhalinayaro heshiiska loo xiray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayuu wasiirku sheegay in mas’uuliyad goonni ah ay iska saartay dadka daggan gobolkasi maadaama “uusan jirin maamul lagu halleeyo kadib heshiiska”. Sida uu hadalka u dhigay.

    BBC-du ma xaqiijin karto in dad kasoo jeeda gobolka Awdal ay Somaliland xirtay, kadib heshiiskii is-afgarad ee Badda Cas ay la gashay Itoobiya. Waxaase jirtay in maamulku xiray wasiirkii hore ee beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, balse xariggaas ayay wararku sheegayaan inuusan la xiriirin heshiiska is-afgarad. Inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta gudaha uu uga hadlayay arrimaha Badda Cas iyo Itoobiya.

    Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sidoo kale soo dhoweeyay sida dadka reer Awdal ay heshiiska u diideen, waxaan uu sheegay in wax walba ay ku garab istaagi doonaan bulshada gobolka.

    Dhowaan bannaan-baxyo ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Awdal, kuwaasoo looga soo horjeeda heshiiskaas.

    “Waddo kasta oo lagu difaacayo dalka Soomaaliya waa noo furan tahay shacabkana waa garab istaagayna” ayuu yir wasiir Fiqi.

    Senator Deeqa Xasan Xuseen oo iyadana BBC-da la hadashay ayaa tilmaantay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xaaladdii gobolka Awdal iyo sida bulshada daggan halkaas looga tala galin lahaa go’aannada dowladda.

    “Shirkaan waxaa uu ahaa mid odayasha reer Awdal ay ku caddeynayeen mowqifkooda ku aaddan damaca Itoobiya ee badda iyo sidii bulshada daggan halkaasi codkooda loo maqli lahaa,” ayay tiri Senator Deeqa Xasan.

    Waxay sidoo kale sheegtay in kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee looga hortagayo heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya.

    “Dowladda Soomaaliya dadaal badan ayay waddaa, dadka reer Awdal meel walba oo ay joogaan haddii ay ahaan lahayd Koonfurta Soomaaliya, dibadda iyo Somaliland go’aankooda waa mid waana in ay difaacdaan badda” ayay hadalkeeda sii raacisay Senator Deeqa Xasan Xuseen.

    Heshiikii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishan kadib, ayay dowladda Soomaaliya billowday olole ka dhan ah oo dibadda iyo gudaha ah.

    Suldaan Abiib Sheikh Maxamuud oo ka mid ah odayaashii shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in wasiirka ay la wadaageen xogo hoose iyo dareenka ay qabaan dadka reer Awdal iyo in ay taageersan yihiin go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu diiday heshiiska.

    Sidoo kale waxaa ay soo dhaweeyeen bannaanbaxaydii ay sameeyeen dadka gobolka ee ka horyimid heshiiska.

    Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiska.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

    June 13, 2025

    Akhriso:’Shiinaha oo canshuurta ka dhaafaya 53 dal oo ku yaalla Afrika

    June 13, 2025

    Soomaaliya iyo Türkiye: Xiriir Istiraatiiji ah oo isku badalaya Masiirka Dalka

    June 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

    June 13, 2025

    Akhriso:’Shiinaha oo canshuurta ka dhaafaya 53 dal oo ku yaalla Afrika

    June 13, 2025

    Soomaaliya iyo Türkiye: Xiriir Istiraatiiji ah oo isku badalaya Masiirka Dalka

    June 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.