Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal?

    Maxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal?

    By radiohalgan.comJanuary 16, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho.

    Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas.

    Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka.

    Shirkaan ayaa waxaa ay labada dhinac ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

    Wasiirka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay “dhibaato iyo cadaadis uu sheegay in lagu hayo bulshada reer Awdal iyo kaalinta kaga aaddan dadka deeganka go’aannada iyo tallaabooyinka ay dowladda qaadayso.”

    β€œWaxaan ka wada hadlaynaa in dadka reer Awdal aysan wax ra’yi ah ku lahayn heshiis ku sheeggii Somaliland u saxiixday Badda Soomaaliya Itoobiya, iyo in dadkii lagu hayo cadaadis iyo xarig joogto ah” ayuu yiri.

    Dadka gobolka ee ka horyimid heshiiska ayuu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo.

    β€œWaxaad ogtihiin in qaar badan oo ka mid ah mas’uulyiin gobolka ah oo ay ku jiraan wasiirro hore, culimaa’udiin iyo dhalinayaro heshiiska loo xiray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayuu wasiirku sheegay in mas’uuliyad goonni ah ay iska saartay dadka daggan gobolkasi maadaama “uusan jirin maamul lagu halleeyo kadib heshiiska”. Sida uu hadalka u dhigay.

    BBC-du ma xaqiijin karto in dad kasoo jeeda gobolka Awdal ay Somaliland xirtay, kadib heshiiskii is-afgarad ee Badda Cas ay la gashay Itoobiya. Waxaase jirtay in maamulku xiray wasiirkii hore ee beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, balse xariggaas ayay wararku sheegayaan inuusan la xiriirin heshiiska is-afgarad. Inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta gudaha uu uga hadlayay arrimaha Badda Cas iyo Itoobiya.

    Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sidoo kale soo dhoweeyay sida dadka reer Awdal ay heshiiska u diideen, waxaan uu sheegay in wax walba ay ku garab istaagi doonaan bulshada gobolka.

    Dhowaan bannaan-baxyo ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Awdal, kuwaasoo looga soo horjeeda heshiiskaas.

    β€œWaddo kasta oo lagu difaacayo dalka Soomaaliya waa noo furan tahay shacabkana waa garab istaagayna” ayuu yir wasiir Fiqi.

    Senator Deeqa Xasan Xuseen oo iyadana BBC-da la hadashay ayaa tilmaantay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xaaladdii gobolka Awdal iyo sida bulshada daggan halkaas looga tala galin lahaa go’aannada dowladda.

    β€œShirkaan waxaa uu ahaa mid odayasha reer Awdal ay ku caddeynayeen mowqifkooda ku aaddan damaca Itoobiya ee badda iyo sidii bulshada daggan halkaasi codkooda loo maqli lahaa,” ayay tiri Senator Deeqa Xasan.

    Waxay sidoo kale sheegtay in kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee looga hortagayo heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya.

    β€œDowladda Soomaaliya dadaal badan ayay waddaa, dadka reer Awdal meel walba oo ay joogaan haddii ay ahaan lahayd Koonfurta Soomaaliya, dibadda iyo Somaliland go’aankooda waa mid waana in ay difaacdaan badda” ayay hadalkeeda sii raacisay Senator Deeqa Xasan Xuseen.

    Heshiikii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishan kadib, ayay dowladda Soomaaliya billowday olole ka dhan ah oo dibadda iyo gudaha ah.

    Suldaan Abiib Sheikh Maxamuud oo ka mid ah odayaashii shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in wasiirka ay la wadaageen xogo hoose iyo dareenka ay qabaan dadka reer Awdal iyo in ay taageersan yihiin go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu diiday heshiiska.

    Sidoo kale waxaa ay soo dhaweeyeen bannaanbaxaydii ay sameeyeen dadka gobolka ee ka horyimid heshiiska.

    Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiska.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.