Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri warbixintii Amnesty ee duqeynta lagu eedeeyay inay Turkidu ka gaysteen duleedka Afgooye?

    Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri warbixintii Amnesty ee duqeynta lagu eedeeyay inay Turkidu ka gaysteen duleedka Afgooye?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 7, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Warbixin baariseed cusub oo ay sameysay hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa lagu sheegay labo weerar oo xagga cirka ah oo lagu dilay 23 qof oo rayida, intii uu socday hawgal miltari oo ay taageerayeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Turkida, ay tahay in loo baaro dambi dagaal ahaan.

    Dadka rayidka ah ayaa lagu dilay weerar xagga cirka ah 18-kii Maarso 2024, waxana ku jiray 14 caruurra, shan haween ah iyo afar nin. 17 kale oo rayida ayaa lagu dhaawacay duqeynta: 11 caruurra, labo haween ah iyo afar nin. Dhammaan dadkaas ayaa ku abtirsada mid kamid ah beellaha degan halka duqeyntu ka dhacday.

    Duqeynta ayaa ka dhacday beerta Jaafey, oo qiyaastii sedex km galbeed kaga beegan tuulada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, muddadii u dhaxeysay sideeddii illaa iyo sideeddi iyo barkii habeenimo. Dadka dhibaatadu gaartay iyo kuwa deegaanka ayaa Amnesty u sheegay in duqeynta diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ay dabo socotay dagaal culus oo bilowgii maalintaa foodda la is daray, kaas oo u dhaxeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, meel ku dhaw tuulooyinka Jambaluul iyo Baqdaad.

    ‘’Dawladdaha Soomaaliya iyo Turkigu waa in ay u baaraan duqeyntan khasaarraha badan dhalisay dambi dagaal, lana soo gabagabeeyo weerarrada ka dhanka ah rayid, ‘’ sidaas waxa yiri Tigere Chagutah oo ah Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Amnesty.

    ‘’Soomaaliya, muddaba dadka rayidku waxa ay la dhibaatoonayeen dagaallada. Dhimashadan argagaxa leh waa in aan la iska indha tirin. Kuwa sida xun uga badbaaday iyo ehelladooduba waxay astaahilaan run, caddaalad iyo magdhaw. ‘’

    Amnesty waxay sheegtay in ay wareysatay 12 qof, oo ay ku jiraan afar kamid ah dhibanayaashii waxyeeladu soo gaartay iyo goobjoogayaal, iyo afar xubnood oo kamid ah qoyska mashaqadu qabsatay. Cilmi baarayaasha ka tirsan Amnesty waxa kale oo ay eegeen sawirrada dayax gacmeedka, iyo warbixinnada caafimaad, iyagoo taxliiliyay sawirrada dadka dhibaatadu gaartay iyo haraaga hubka, iyo muuqaallada goobta weerarku ka dhacay iyo hawgallada diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Turkida ee garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

    Iyadoo lagu saleynayo birraha harraaga qaraxyada, ayaa baaraha hubka ee hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty waxa uu xaqiijiyay in weerarka xagga cirka ah loo isticmaalay bambooyinka loo yaqaano MAM-L glide, kuwaa oo laga tuuray diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee TB-2. Labadaba waxa farsameeya Turkiga. Weerarrada ku guuldareysta in ay kala saaraan ujeedooyinka milatari iyo kuwa rayidka oo aan la kala soocin, waxa ka dhalan kara dambi dagaal.

    Duqeynta lagu hoobtay

    Diyaarad

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ay wareysatay Amnesty, dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa joogay tuulada Baqdaad, intii uu socday dagaalku 18 Maarso. Duqeynta hore ee diyaaradda aan duuliyaha lahayn ayaa gantaal ku dhufutay masjid ku yaala dhinaca bari ee Baqdaad abaare 7.30pm, taasoo dumisay masaajidka iyo guryihii ku dhawaa. Amnesty ma xaqiijin cidda bartilmaameedku ahaa gudaha masjidka, iyo haddii khasaare ka dhashay.

    Weerarka waxa xigay, sida goobjoogayaal sheegeen, dad badan oo rayida ayaa u baxsaday dhinaca beerta Jaafey, si ay gabaad u helaan. Duqeynta hore ee lala eegtay beerta waxa ku dhintay, kuna dhaawacmay dad kala duwan. Duqeynta labaad, ku dhawaad 30 daqiiqo kaddib weerarkii hore, rayid badan ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay, kuwaas oo ka soo gurmaday tuulooyinka dariska ah ee Alifoow iyo Gaalgube si ay uga qayb qaataan gurmadka dad kii wax ku noqday weerar kii hore.

    19 Maarso, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay dishay 30 mintidiinta Al-shabaab ka tirsan tuulooyinka Baqdaad iyo Baldooska, iyadoo wadashaqayn ka helaysa ‘’saaxiibbada caalamiga ah’’.

    Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay: ‘’Hawgalka waxa la qaaday iyadoo laga jawaab celinayo xoggo sirdoon oo muujinaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay isku urursanayeen goobbahan, isla markaana ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah dadka Soomaaliyeed……. 15 Al-shabaab ah ayaa lagu dilay duqeynta cirka ee Baqdaad.’’

    Amnesty waxay leedahay ma cadda cidda koontarooleysay diyaaradda TB-2, haddii ay ahaayeen Turki ama Soomaali xiliga duqeynta beerta Jaafey ay dhacday. Hal il wareed oo ka tirsan dawladda ayaa u sheegtay Amnesty in xubno ka tirsan NISA ay raacaan diyaaraddaha TB-2 xiliyadda ay socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Si kastaba ha ahaatee, 2022, kooxda kooxda khubarada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ee Soomaaliya waxay weriyeen, sida laga soo xigtay dawladda Turkiga, in Turkidu aanay ku wareejin Soomaaliya diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn iyagoo jabinaya cunaqabataynta hubka ee saaranayd Soomaaliya xiligaas, laakiin ay iyagu ku hawlgalaan diyaaradahaas ‘dagaalka ka dhanka ah argagixisada’’. Sidoo kale 2022, Axmed macalin Fiqi oo markaas ahaa wasiirka arimaha gudaha, haddana ah wasiirka arimaha dibadda ayaa laga soo weriyay in xoogagga Turkidu ku hawgalaan diyaaraddaha, saraakiisha Soomaaliduna bixiyaan halka bartilmaameedku yahay.

    Amnesty waxa kale oo ay sheegtay in ay warqado u kala dirday dawladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo weydiinaysa faahfaahin ku saabsan hawgal kii 18 Maarso, iyo cidda maamulaysay marka ay duqeyntu dhacaysay. Illaa hadda oo warbixinta la daabacay Amnesty waxay leedahay wax jawaab ah kama aynaan helin midkoodkan.

    Dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga jawaab celisay warbxinta Amnesty

    Somalia

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala.

    BBC-da ayaa la xiriirtay wasiir kuxigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, si ay wax uga waydiiso warbixinta Amnesty, balse waxa uu ku gaabsaday in aanay dawladdu hayn xog dad rayida oo wax ku noqday hawgallada ay ku jirto ee ka dhanka ah Al-shabaab.

    ‘’Hawgallada dabcan ay ciidamadu ku jiraan wadanka oo dhan ayay ka socdaan, annagu waxa aan kuu sheegi karno waxa weeye, hawlgal ay fuliyeen ciidamada oo ma aragtay waxyeelo dad rayid ah ka soo gaartay ma jirto, ciidankuna feejignaan heer sare ah ayay ku hawlgalaan, dabcan goobahaas kala duwan ee ay dagaaladu ka socdaan ma jirto war aan hayno oo sugan oo ku saabsan dad shacaba oo waxyeelo soo gaartay, si joogta ah ayaan dabo gal ugu sameynaa, si joogta ah ayaan u hubinaa, cabashooyinka dadka uga jawaabnaa’’ ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-caddaala.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.