Close Menu
    What's Hot

    Cali jeeyte 𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗑 π—¦π—›π—”π—”π—–π—œπ—‘ π—₯π—”π—¦π— π—œ 𝗔𝗛 π—«π—œπ—Ÿπ—žπ—” 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—”π—›π—” π—›π—œπ—₯π—¦π—›π—”π—•π—˜π—Ÿπ—Ÿπ—˜.

    February 1, 2026

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Cali jeeyte 𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗑 π—¦π—›π—”π—”π—–π—œπ—‘ π—₯π—”π—¦π— π—œ 𝗔𝗛 π—«π—œπ—Ÿπ—žπ—” 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—”π—›π—” π—›π—œπ—₯π—¦π—›π—”π—•π—˜π—Ÿπ—Ÿπ—˜.

      February 1, 2026

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxay diyaaradda dagaalka ee F-16 wali u tahay mid la jecel yahay 50 sano ka dib?

    Maxay diyaaradda dagaalka ee F-16 wali u tahay mid la jecel yahay 50 sano ka dib?

    By radiohalgan.comJanuary 24, 20247 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hadduusan duuliyihii ugu horreeyay uusan tijaabin lahayn diyaaradda F-16 muddo laga joogo 50 sano ka hor, dhammaan barnaamijka F-16 waxaa laga yaabi lahaa inuusan waligii dhaafin duullimaadkiisii ​​ugu horreeyay.

    Markii duuliyihii Phil Oestricher uu fuulay shukaanta laga wado diyaaradda ee ka duulay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards ee California 20kii Jannaayo 1974-kii, ujeedkiisu wuxuu ahaa mid toos ah – taasi oo ah tijaabada diyaarad xawaare sare ku duusha oo leh awoodo matoor oo sarreeya.

    YF-16 ayaa kaliya loo soo bandhigay dadweynaha muddo bil ka hor ah. Duullimaadka ugu horrreeya ayaa la qorsheeyay inuu dhaco illaa horraanta Febraayo.

    Laakiin diyaaraddan dagaal ayaa waxaa laga lahaa mustaqbal fog iyo fikrado kale.

    Laakiin diyaaraddan halyeyga ah ee dagaalka mustaqbalka waxay lahayd hammi kale. Markii duuliye Ostrecker uu diyaaradda wax yar dhulka sare uga qaaday, diyaaradda YF-16 ayaa billaaday in ay si degdeg ah u socoto oo garabka bidix iyo dabada midig ee diyaaradda ay ku dhacday laamiga.

    Qalabka xog uruurinta diyaaradda oo ka warbixinayay duullimaadka ayaa qoray in markii duuliyihii ay ku adkaatay inuu xakameeyo diyaaradda, isla markaana uu bilaabay inuu u sii janjeero dhanka bidix, uu duuliyuhu xaqiiqsaday inuu ka gudbay xadkii tijaabada oo ay tahay inuu xakameeyo diyaaradda ka hor inta aysan burburin.

    Daqiiqado uu duuliyaha wadnaha farta ku hayay ka dib – hal mar ayay diyaaraddu dib ugu soo dhacday dhabaha ay diyaaraduhu ka duulaan – Oestricher waxa u suurtagashay in uu qaado xawaare ku filan oo ah nooca uu hawada ku gali lahaa oo uu dhamaystiray duulimaad lix daqiiqo ah oo lama filaan ah ka hor inta aanu dib ugu soo degin garoonka saldhig.

    Duullimaadkiisii xirfadda leh awgeed, Oestricher wuxuu ka hortagay masiibo – wuxuuna gacan ka geystay nolosha diyaarad noqotay mid ka mid ah kuwa ugu guulaha badan dhanka dagaalak inta la xusuusan yahay.

    Konton sano ka dib, in ka badan 4,600 F-16 ayaa la soo saaray islamarkaana ma noqon warshadeynta diyaaradda mid joogsata.

    Haddii Oerlicher uusan ku guuleysan inuu ka badbaadiyo YF-16 inay ku burburto tijaabadii ugu horreysay, waxaa jiri lahaa gaabis wayn oo ku yimaada ciidamada cirka ee caalamka.

    Naqshadeynta diyaaradda ayaa sidoo kale saameyn joogta ah ku yeelatay duulista rayidka maanta, taasoo bixisa adeegsiga tignoolajiyadda ugu horreeya ee hadda caadi ka ah shirkadaha diyaaradaha.

    Tusaale ahaan waqti kasta oo maalinta ah – ama habeenkii – waxaa jirta fursad aad u sareysa oo ah in diyaarad F-16 ah ay ku jirto hawada, meel adduunka ka mid ah. Tan iyo markii la howlgaliyay 1978-dii, diyaaradda F-16 waxaa isticmaalay dalal badan sida Norway, Chile, Morocco ilaa Singapore.

    Diyaaradda F-16 waxay qaadatay doorar aad iyo aad u badan, laga bilaabo weerarka dhulka ilaa ka-hortagga maraakiibta ilaa sahminta sawirida ilaa ka hortaga ugaarsiga gantaalaha hawada.

    Codsiga Ukraine ee reer galbeedka ee hubka casriga ah si ay isaga caabiyaan duulaanka Ruushka ee 2022 ayaa waxaa ka mid ahaa in lagu caawiyo diyaaradda F-16 si ay ciidankooda cirka u adeegsadaan.

    Duuliyeyaasha Ukraine ayaa hadda tababar ku qaadanaya diyaaradaha F-16 dalka Denmark, islamarkaana waxay bilaabinaysa in lagu wareejiyo diyaradahan xagaaga. Horraantii Janaayo, dalka Slovakia ayaa noqoday waddankii ugu dambeeyay ee soo degsada F-16-kii ugu horreeyay, 50 sano ku dhawaad ​​tan iyo markii ay diyaaradda hawada gashay.

    Intii lagu guda jiray 1960-meeyadii, Maraykanku waxa uu qaatay tignoolajiyadda cusub ee gantaalaha lidka diyaaradaha oo ah hubka ugu wanaagsan ee lagu rido diyaaradaha cadowga

    Diyaaradda F16

    Haddii Oerlicher uusan ku guuleysan inuu ka badbaadiyo YF-16 inay ku burburto tijaabadii ugu horreysay, waxaa jiri lahaa gaabis wayn oo ku yimaada ciidamada cirka ee caalamka.

    Naqshadeynta diyaaradda ayaa sidoo kale saameyn joogta ah ku yeelatay duulista rayidka maanta, taasoo bixisa adeegsiga tignoolajiyadda ugu horreeya ee hadda caadi ka ah shirkadaha diyaaradaha.

    Tusaale ahaan waqti kasta oo maalinta ah – ama habeenkii – waxaa jirta fursad aad u sareysa oo ah in diyaarad F-16 ah ay ku jirto hawada, meel adduunka ka mid ah. Tan iyo markii la howlgaliyay 1978-dii, diyaaradda F-16 waxaa isticmaalay dalal badan sida Norway, Chile, Morocco ilaa Singapore.

    Diyaaradda F-16 waxay qaadatay doorar aad iyo aad u badan, laga bilaabo weerarka dhulka ilaa ka-hortagga maraakiibta ilaa sahminta sawirida ilaa ka hortaga ugaarsiga gantaalaha hawada.

    Codsiga Ukraine ee reer galbeedka ee hubka casriga ah si ay isaga caabiyaan duulaanka Ruushka ee 2022 ayaa waxaa ka mid ahaa in lagu caawiyo diyaaradda F-16 si ay ciidankooda cirka u adeegsadaan.

    Duuliyeyaasha Ukraine ayaa hadda tababar ku qaadanaya diyaaradaha F-16 dalka Denmark, islamarkaana waxay bilaabinaysa in lagu wareejiyo diyaradahan xagaaga. Horraantii Janaayo, dalka Slovakia ayaa noqoday waddankii ugu dambeeyay ee soo degsada F-16-kii ugu horreeyay, 50 sano ku dhawaad ​​tan iyo markii ay diyaaradda hawada gashay.

    Intii lagu guda jiray 1960-meeyadii, Maraykanku waxa uu qaatay tignoolajiyadda cusub ee gantaalaha lidka diyaaradaha oo ah hubka ugu wanaagsan ee lagu rido diyaaradaha cadowga.

    F-16

    Markii uu billowday dagaalkii Vietnam 1965-tii, qaar ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka ee safka hore, sida F-4 Phantom II, ma aysan lahayn qoryo ku rakiban; Qorshayaasha militariga Mareykanka ayaa rumeysnaa in gantaallada diyaaradda ay ku filnaan doonaan.

    Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee gantaalaha ku hubaysan, si kastaba ha ahaatee, waxay iska horyimaadeen diyaaradaha dagaalka ee MiG-ga ee yar yar ee ay Soofiyeedka sameeyeen markii dagaalkii Vietnam uu bilaabmay.

    Intii u dhaxaysay 1965 iyo 1968, diyaaradaha dagaalka Maraykanku waxay toogteen diyaarado ka badan intii iyaga la soo riday.

    Mid ka mid ah xalku wuxuu ahaa in la dhiso dugsiyo tababar sida Ciidanka Badda Mareykanka ‘Top Gun’, kaas oo baray duuliyayaasha Mareykanka qaabka hawada loogula dagaalamo diyaradaha kale . Waxa ay dhaqan gashay ka hor inta uusan dhamaan dagaalkii Vietnam.

    Mareykanka ayaa dejiyay barnaamij kale si looga hortago diyaaradaha Soofiyeeti. Hogaamiyayaasha difaaca ee Maraykanka ayaa durba ka naxay soo ifbixii MiG-25 ee Soofiyeedka dhamaadkii 1960-meeyadii, diyaarad dagaal oo weyn oo ku duuli karta xawliga dhawaqa saddex laab.

    Baahida Pentagon-ka ee ah in la helo diyaarad awood leh oo ka hortagta MiG-25 waxay horseeday smaeynta McDonnell Douglas F-15 Eagle, oo ah diyaarad si degdeg ah oo xawaare leh cadowga uga hortagta.

    Ma aha wax sahlan in diyaaradda F-16 ay 50 sano ka dib wali ahaato mid jiidda hore ee dagaalka ku jirta . Laakin su’aashu waxay tahay waa maxay sababta ciidamada cirka adduunka ay wali ugu baahan yihiin diyaaradaha F16? Waxaa laga yaabaa in tani ay ugu wacan tahay dhinacyo badan oo ah naqshadeeda iyo casharo adag oo laga bartay dagaalkii hawada ee Vietnam.

    Diyaarad dagaal

    Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa u baahday boqollaal diyaaradood oo nooca dagaalka ah maalmaha soo socda, waxaana aad loo badiyay in wadamada NATO iyo xulafada kale ee Mareykanka ay xigi doonaan. Shan naqshadood ayaa soo galay tartanka mashruuca faa’iidada leh, laba ka mid ah kuwaas oo si dhakhso ah u noqday kuwa ugu horreeya, YF-16 oo ka socda General Dynamics (hadda qayb ka ah Lockheed Martin) iyo YF-17 oo ka socda Northrop.

    YF-16 waxaa markii hore loogu talagalay la dagaallanka diyaaradaha kale, iyada oo ay isbeddeleysay naqshadeed iyo shukaanta diyaarada laga wado oo si muuqaal wanaagsan loogu sameeyay duuliyaha.

    F-16 ayaa markii hore loogu talagalay inay ku taageerto F-15 joog hoose, laakiin isla markiiba waxaa la ogaaday in hawada F-16 ay u ogolaatay inay qaaddo culeysyo badan, shidaal badan iyo radaar weyn.

    Qarnigii 21-aad, F-16 waxa ay noqotay diyaarad weerar dhulka ah oo muhiim ah oo aanay nashqadeeyayaashu ku fikirin sannadihii 1970-yadii. Nashqada F-16-ka ayaa u sahashay in ay qabato doorar kala duwan taas oo ka dhigtay mid soo jiidata Ciidanka Cirka.

    F-16 waa diyaarad ay ku hammiyaan dalal badan islamarkaana waxaa imika adeegsada ciidamada cirka ee shan iyo labaatanka waddan.

    Si kastaba ha ahaatee, hadda F-16 waxaa lagu beddelayaa diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee lagu sameeyo Lockheed ee qaar ka mid ah ciidamada cirka Mareykanka iyo NATO. Hal ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-35 ah ayaa ku kacaysa in ka badan 100 milyan oo doolar, waxaana loogu talagalay in lagu burburiyo diyaaradaha cadowga ee gantaallada riddada dheer.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeeyte 𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗑 π—¦π—›π—”π—”π—–π—œπ—‘ π—₯π—”π—¦π— π—œ 𝗔𝗛 π—«π—œπ—Ÿπ—žπ—” 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—”π—›π—” π—›π—œπ—₯π—¦π—›π—”π—•π—˜π—Ÿπ—Ÿπ—˜.

    February 1, 2026

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Cali jeeyte 𝗕𝗔𝗬𝗔𝗔𝗑 π—¦π—›π—”π—”π—–π—œπ—‘ π—₯π—”π—¦π— π—œ 𝗔𝗛 π—«π—œπ—Ÿπ—žπ—” 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫π—ͺπ—˜π—¬π—‘π—”π—›π—” π—›π—œπ—₯π—¦π—›π—”π—•π—˜π—Ÿπ—Ÿπ—˜.

    February 1, 2026

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.