Wadamada horumaray ayaa ciyeelka ku dhasha dhiciska la siiyaa caano haween kale oo la keydiyay, si ay uga badbaadaan xanuuno dhimasho sababa.
Balse caruurta dhiciska ku dhasha ee qoysaska muslinka ah ayaa sidaas sameyn karin sababo la xariira diinta, taas oo horseeday in aysan ka soo kabsan dhicisnimada.
Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in 2019kii ku dhawaad 900,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano ay ugu dhinteen adduunka oo dhan dhibaatooyin la xiriira in ay dhicis ku dhasheen.
In carruurta ay dhashaan waqtigooda saxda ka hor waxay keeneysaa in ay nuglaadaan.
Dhicisnimada waa dhibaato adduunyada ka jirta. Sanadkasta carruura ayaa dhalata ka hor waqtigooda.
Carruurta dhalata 37 toddobaad ka hor waa dhibaato caalamka ka taagan, inta badan waxay dhibaataas ka jirtaa koonfurta Asia iyo dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Dalalka way ku kala duwan yihiin sida carruurtan ku badbaado.Tusaale ahaan in ka badan 90% carruurta dhalata ka hor 28 toddobaad ee ku dhasha dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo waxay geeriyoodaan maalmaha ugu horeeya noloshooda. In ka yar 10% ayaa geeriyooda dalalka dhaqaalahoodu sareeyo.
Dhinaca kale, meel kasta kuwa badbaaday ee jooga waxay wajahaan caqabada naafanimo oo ay ka mid yihiin dhibaatooyin xagga waxbarashada, aragga iyo maqalka. Sababta ayaa lagu sheegay iyagoon si buuxda ugu korin caloosha hooyad ka hor dhalashadooda.
Carruurta dhiciska ee miisaankoodu aadka u hooseeyo oo ka yar hal kilo waxay Qatar aad ah ugu jiraan dhibaatooyin caafimaad sida in ay naafo noqdaan.

Faa’ida caanaha naaska ee ilmaha dhiciska
Baahida loo qabo caanaha naaska waa mid guud marka carruurta ay dhicis ku dhashaan ka hor inta hooyada caanaheeda aysan imaan ayey tiri Dr Leah Jordon oo ka tirsan isbitaalka carruurta Mminnesota iyadoo intaas ku dartay in caanaha naaska oo la siiyo carruurta halkii laga siin lahaa caanaha kale waxay ka hortagi kartaa caabuqyo khatar ah. Waxay kaloo tiri in waalidiinta Muslimiinta aysan war kaheyn khatartaas.
Caanaha naaska waxay daboolaan baahida cunugga. Waxaa ku jira nafaqooyin badan taasi oo qeyb ka qaadaneysa koriimada ilmaha.
Faa’idooyinka kale ee caanaha naaska waxaa ka mid ah in ay kor u qaadaan habka difaaca iyo waxyaabo kale oo dhallaanka ka caawinaya inuu iska difaaca caabuqyda.
Diinta Islaamka maxay ka qabtaa in ilmaha la siiyo caanaha naaska ee lagu deeqo?
Shir ka dhacay Minnesota oo ay isugu yimaadaan culumo, dhakhaatii caafimaad iyo dadweyne oo looga hadlay faa’idada caafimaad ayey culumada ka soo saareen Fatwa lagu ogolaanayo caanaha hooyada ee la keydiyo in la siiyo carruurta u baahan.
Fatwada waxay timaadaa marka aysan kala cadeyn arin sharci ah, culumada ayaa isu timaada oo ka doodda arintaas.
“Kaddib kulankii aan la yeelanay dhakhaatiirta iyo qubarada ku takhasusuay nuujinta ubadka oo aan isku imaanay si aan u helno cadeynta qur’aanka iyo axaadiisita ee arintan la xiriirta, waxaan soo saarnay go’aankii u dambeeyay”. Ayuu yiri Sheekh Maxamed Mahad oo ah imaamka masjidka Nurul-Iman ee Minneapolis.
Sheekha wuxuu kaloo sheegay, “Markii aan fiirinay waxyaabo badan waxaan go’aanminay in faa’idada caanaha naaska ee hooyinka ku deeqaan ay aad muhiim ugu yihihiin dhammaan carruurtaa gaar ahaan kuwa dhiciska iyo kuwa miisaankoodu hooseeyo, waana in la siiyaa caanahaas marka ay carruurta hooyadooda laheyn caanaha”.
Sheekh Maxamed Mahdi oo fatwada aqriyay ayaa ugu horeyn wuxuu ka hadlay xiriirka ka dhalanaya marka carruurta la siiyo caanaha haweeney aan hooyadeed aheyn taas oo keeneysa in xiriir guur uusan dhexmari karin carruurta la siiyay caanaha haweeneydaas.
Sidoo kale gabadha caanaheeda la siiyay iyo carruurtana wax guur ah ma dhexmari karo. Arrintan ayaa keentay in Muslimiin badan oo ku nool dalalka reer galbeedka aysan isticmaalin caanaha hooyooyinku ku deeqeen oo la dhigo bangiyada caanaha naaska ee isbitaalada.
Sheekh Maxamed waxa uu yiri, “Waxaan dooneynaa Fatwa arrintan kala cadeysa si qoysaska u qaataan go’aanka saxda”.
Fatwada ay soo saareen culumada ayaa wadada u fureyso in waalidiin badan oo doonayay in carruurtooda helaan caanaha hooyada ay siin karaan.
BBC SOMALI XIGASHO