Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay da’yartu haatan ugu laabanayaan telefoonnadii hore?

    Maxay da’yartu haatan ugu laabanayaan telefoonnadii hore?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 10, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Telefoonnada casriga ah ayaa kuu sheegi kara qiyaasta waqtiga aad ku bixiso isticmaalka telefoonkaaga maalin walba.

    Waxay sababi kartaa inaad xaqiiqsan weyso, aaladdii loogu talogalay inay kuu noqoto qeyb teknolojiyadda ka tirsan oo waxtar leh inay noqoto wax aad la qabsato ood ka maarmi weydo.

    “Baraha bulshada waxaa lagu dhisay FOMO (cabsida inaad ka maqnaato), marka waxaan dareemay inaan ka bixi karin,” ayuu Luke Martin, oo 16 jir ah kana soo jeeda Canada, u sheegay BBC.

    “Degdeg ayaan u helay Instagram xaalkuna wuu ka sii darayay.”

    Luke keligii maaha.

    Sida lagu xusay daraasad ay sameysay Harvard University, isticmaalka baraha bulshada ayaa shidda isla qeybta maskaxda ee sidoo kale shaqeysa marka la isticmaalayo daroogo la qabsi leh. Tan ayaa dhalisay walaacyo ku saabsan dhaqamada isticmaalka telefoonnada ee dhalinyarada.

    Gudaha UK, baaritaan ay sameysay Ofcom ayaa ku qiyaaseysa in ilaa rubuc ka mid ah carruurta da’doodu tahay shan ilaa toddoba ay haatan leeyihiin telefoon casri ah oo u gaar ah.

    Daraasadaha qaar ayaa isla xiriirinaya isticmaalka baraha bulshada iyo saameyn taban ah oo caafimaadka maskaxda ah – gaar ahaanna carruurta.

     

    Dadka qaar ee u ololeeya yareynta isticmaalka telefoonnada casriga ah ayaa doonaya in la xaddido da’da. Qaar kale, sida Luke, ayaa dooranaya inay telefoonnadooda uga guuraan kuwo fudud.

    Telefoonkiisa cusub wuxuu keliya leeyahay qeybaha farriimaha, wicitaanka, khariidadda, iyo aalado kale oo yar oo xaddidan.

    “Isticmaalka telefoonka ee saaxiibbadey waxaan u maleynayaa waa sida afar ilaa shan saacadood, taasina waa inta aan aniguba sameyn jiray kahor inta aan helin kan,” ayuu yiri.

    “Haatan isticmaalkeygu waa 20 daqiiqo maalinrii taasoo runtii fiican sababtoo ah waxaan keliya isticmaalaa marka aan u baahdo.”

    Waaliddiinta ayaa sidoo kale u weecanaya telefoonnadan qaddiimiga ah, keliya maaha carruurtoda dartood, balse si ay uga caawiyaan waqti la qaadashada qoysaskooda.

    Telefoon

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Lizzy Broughton, oo heysata wiil shan jir ah, ayaa dhowaan iibsatay telefoon nooca Nokia ah.

    “Waxay iga caawisay inaan isbeddel ku sameeyo caadooyinkeyga gaarka ah, waqti aad uga fiicna kii hore ayaan u hayaa wiilkeyga,” ayay tiri.

    Waxay sheegtay in marka la gaaro inuu telefoon yeesho, ay isla keeda oo kale u doori doonto.

    “Uma muuqayo sida fekradda ugu fiican inaad ku billowdo telefoon casri ah,” ayay tiri. “Waa sida inaan soo wareejineyno adduunka, sida inaan isku dayeyno fahamka sida loo sameeyo taas.”

    Iibka telefoonnadii hore ayaa kordhay Waqooyiga Ameerika. Dumbwireless oo ku yaalla Los Angeles, milkiilayaasha dukaamadaaas Daisy Krigbaum iyo Will Stults ayaa u adeega macaamiisha doonaya qalab teknolojiyaddiisu hooseyso.

    “Waxaa noo yimaada waaliddiin badan oo doonaya inay telefoonkii ugu horreeyay u iibiyaan ilmahooda, mana doonayaan inay internet-ka ku mashquulaan,” ayuu yiri

    Balse in la iska daayo telefoonka casriga ah waa ka adag tahay sida loo maleynayo. Mr Stults ayaa sheegay in iskuullada qaar ayaa ardayda ka doonayaan inay heystaan app-yada qaar. Waana adag tahay in la sameeyo marka ay carruurtu arkaan saaxiibbadood oo la siiyay telefoonno casri ah oo qaali ah, ayay tiri Ms Broughton.

    “Waxay dhabtii u baahnaan doontaa koox waaliddiin ah oo dhihi kara, sidan si ka duwan ma u sameyn karnaa?” ayay tiri.

    Telefoon

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Wiilkan yar ee u dhashay Canada ee Luke ayaa sheegaya inuu sii heysan doono telefoonkiisa cusub, taasoo aad la yaab ku noqotay saaxiibbadiis.

    “Waxay moodaan in wax lala yaabo ay tahay balse anigu saacaddan waxaan taaganahay waxba maaha sababtoo ah aad ayuu ii caawiyay telefoonkan,” ayuu yiri.

    “Dhabtii waxay haatan gebi ahaanba i geysay meel wanaagsan.” Ayuu yiri isagoo kala jeeday isticmaalka telefoonka qaddiimiga ah ee haatan uu wato.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.