Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

      March 24, 2026

      Diyaarad ku burburtay xadka Peru.

      March 24, 2026

      Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxay dawladda Soomaaliya ka tiri “khalkhalka la galiyey” dayaaradda El Al ee dul maraysay hawada Soomaaliya

    Maxay dawladda Soomaaliya ka tiri “khalkhalka la galiyey” dayaaradda El Al ee dul maraysay hawada Soomaaliya

    By radiohalgan.comFebruary 20, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Markii labaad todobaad gudihiis ah ayaa sida ay BBC ka soo xigatay mas’uul ka tirsan qaybta duullimaadyada rayidka ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, waxay rumaysan yihiin in Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya.

    Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”.

    Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda duulista hawada oo si aan la garan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

    Mar uu BBC kala hadlayey talaabooyinka ay suurtogalka tahay in ay dawladdu qaaddo ayuu ku sheegay inay isugu jiraan dhowr, laakin “talaabada ugu horraysa waxaa laga qaadi doonaa injineerro ajnabi ah oo gacan ka gaystay in Khalkhal la galiyo dayaaraddii Israa’iil ay lahayd ee sida khaldan loola hadlay ayadoo dul maraysay hawada Soomaaliya”.

    Wuxuu farta ku fiiqay in injineerradaas ay ka socdaan dalal anabi ah oo uusan magacaabin, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ka dambeeyaan “dhibaatada lagu hayo hawada Soomaaliya”.

    Taawarka laga hago dayaaradaha

    Shirkadda dayaaradaha ee Israa’iil ee El Al ayaa dayaarad ay leedahay oo dul maraysay hawada Soomaaliya waxaa la sheegay in xiriir lala sameeyey.

    Dayaaradaas oo xilliga lala xiriiriyayey ku sii jeedday ka timid Israa’iil, kuna sii jeedday magaalada Phuket ee dalka Thailand sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil, ayaa sida lagu xusay war saxaafadeed ay shirkaddu ku baahisay barta Ynet waxay ku sheegtay in “aysan saamayn ku yeelan hawlaha dayaaradda, ayadoo duullimaadkuna sii socday.”

    Sarkaalka ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya wuxuu sheegay in markii dayaaradda lagala xiriiray Hargaysa iyo Muqdisho ay “duuliyeyaashu ku jaha wareereen, ka dibna ay qaateen go’aan u gooni ah, ayagoo ay ka weecday khadkii ay ku duulayeen oo u dhawaa Baabul Mandab dusheeda, halkaasoo ah meel ay ka dhow yihiin Xuutiyiinta Yemen”.

    Hawada Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyey ahayd meel soo jiidatay cinwaannada warbaahinta markii laga celiyey dayaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ku sii jeedday magaalada Hargaysa, waxaaana wakhtigaas ka dib billowday eedeymo sheegayey in si khaldan loola hadlo dayaaradaha dul maraya hawada Soomaaliya.

    Garoonka Cigaal international Airport

    Muranka ayaa sidoo kale lugta la galay cidda xaqa u leh inay koontaroosho hawada Soomaaliya. Haddaba sidee loola xiriiraa dayaaradaha dhulka lagala hadlo.

    Injineer Maxamuud Maxamed Cali waa khabiir dhinaca duullimaadyada rayidka ku takhasusay, horena ula soo shaqeeyey waaxda duullimaad yada rayidka ee dawladda Soomaaliya.

    “Dayaaradaha dhulka lagala hadlo waxaa lagula xiriiraa isgaarsiinta raadiyaha oo leh mowjado u gaar ah (Frequencies) kuwaasoo u kala baxa HF iyo VHF. HF waxaa isticmaala dad aan xataa duullimaadyada shaqo ku lahayn, laakin VHF waxaa isticmaala dayaaradaha iyo garoomada” ayu yiri injineer Maxamuud.

    Wuxuu intaa ku daray inay jiraan isafgarasho gaar ah oo lagu wada hadlo, taasina ay u baahan tahay aqoon. “Waxaa jira wax la yiraahdo ‘Code sign’, waana ataamo lagu dhawaaqo sida Alpha Bravo, Charlie IWM”, waxaana yaqaanna dadka ka shaqeeya duullimaadyada iyo badaha.”

    Wuxuu kaloo sheegay in aysan cid kasta isticmaali karin Frequencies-ka (lambarrada Mowjadaha) lagala xiriiro dayaaradaha, marka laga reebo dad u tabbaran oo yaqaanna mooyee.

    Ilaa hadda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duullimaadyada rayidka (ICAO) kama aysan hadlin cabashooyin hore uga yimid dayaarado xaaladdan oo kale la kulmay, iyo Soomaaliya iyo Somaliland oo siyaabo kala duwan ula xiriiray ayagoo kala cabanaya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.