Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxay budhcad-badeeddan ka damacsanaayeen doon laga leeyahay Iiraan oo ay ka afduubteen Puntland?

    Maxay budhcad-badeeddan ka damacsanaayeen doon laga leeyahay Iiraan oo ay ka afduubteen Puntland?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 14, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wararka ka imanaya degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in koox budhcad badeed ah ay halkaasi ku afduubteen doon Kalluumeysi.

    Sida laga soo xigtay hay’adda Maritime Executive, doontan kalluumeysi ayaa laga afduubtay meel qiyaastii 69 mayl bari ka xigta xeebta Soomaaliya ama qiyaastii 120 mayl-badeed Koonfur-bari degmada Eyl.

    Afduubka ayaa sida ay wararka sheegayaan waxaa geystay lix illaa toddoba budhcad badeed ah oo ku hubeysnaa qoryaha Kalashnikov.

    Doontan ayaa laga lahaa Iiraan sida ay ila wareedyo amni oo Puntland ah ay u xaqiijiyeen BBC.

    Waxaana la rumaysan yahay in qorshaha doontan budhcadda kaxaysatay ka lahayd uu yahay in ay ku ‘ugaadhsi tegayaan’. Taas oo lagu wado in ay ku soo qabsan karaan ‘doomo ama maraakiib kale’.

    burcad-badeed

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay weerarrada ay geystaan budhcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

    Halka dhanka kalena, warbaahintu tebinaysay xog ku saabsan in markab dagaal oo ay leeyihiin Midowga Yurub ay lix nin oo looga shakisan yahay in ay yihiin budhcadbadeed ku wareejiyeen Jaziirada Siishalis, si halkaas dacwad loogaga oogo.

    Kooxdan ayaa ku eedaysan weerar budhac badeed.

    Seychelles waxa ay ka mid tahay jasiiradaha qaybta ka ah hawlgalka ATALANTA ee Soomaaliya kuwaas oo ay la leeyihiin heshiis sharci ah oo ogolaanaya in la maxkamadeeyo dadka looga shakisan yahay budhcad-badeedda ee ay qabtaan maraakiibteeda dagaalka.

     

    Dabayaaqadii sanadkii tagay ayey dib u billowdeen weerarrada kooxaha burcad baddeeda Soomaalida ka dib markii ay rag hubaysan gacanta ku dhigeen doon ganacsi oo u rarnayd ganacsto Soomaalia.

    Wixii intaas ka danbeyey waxaa sii xoogaystay weerarrada kooxda ay ku qaadayaan maraakiib ganacsi oo gooshaysa biyaha caalamiga ah.

    burcad-badeed

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Ciidamada badda ee Hindiya ayaa laba jeer oo is xigta howlgal ciidan ku qaaday markab iyo doon ganacsi oo ay gacanta ku hayeen koox burcad baddeed Soomaali ah

    Bishii March, ciidamada badda ee Hindiya ayaa soo furtay markabka MV Ruen, oo muddo saddex bilood ka badan gacanta ugu jiray koox burcad baddeed Soomali ah.

    Howlgalkaasi oo ka dhacay meel 1400 NM u jirta xeebta badweynta Hindiya ayaa ciidamada Badda ee Hindiya ay gacanta ku dhigeen ilaa soddon iyo shan nin oo ku dul sugnaa markabka iyagoo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo markabka saarnaa.

    Hindiya ayaa horey gacan uga gaysatay ilaalinta aagga biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-dii.

    Qaar badan oo ka mid ah ciidamada caalamiga ah ee qeybta ka ah howgallka ilaalinta biyaha Soomaaliya ayaa hadda u guuray dhanka Badda Cas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta ee Yamen ay weerarro ku qaadaan maraakiibta gancsiga ee maray.

    Khubarrada ayaa hadda ka cabsi qaba in arrintaas ay ka faa’iideysteen burcad badeedda Soomaaliyeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.