Keddib markii uu magaalada Hamburg dhawr bilood joogay, buu la kulmay haweenay Yahuudiyad Jarmal ahoo 73 jir ah, laguna magacaabo Jessica.
Jessica waxay ahayd haweenay maalqabeen ah oo hantideeda lagu qiyaasay $350 million.
Dhawr bilood oo sheekaysi ah keddib, Maxamed waxa uu jeclaaday Jessica, waxana uu go’aansaday in uu guursado.
Weriyeyaasha mid ka mid aad ah baa Maxamed weydiiyay: “Sidee baad diyaar ugu noqotay in aad guursatid haweenay da’daas jirta?”
Maxamed waxa uu ku jawaabay: “Jacaylku xuduud ma yaqaan, aniguna waxa aan Jessica ku jeclaaday qalbigeeda wanaagsan”.
Keddib markii ay lix sano wada noolaayeen, Jessica waa ay geeriyootay, Maxamedna waxa uu u dhigay tacsi dad aad u fara badani ay ka soo qaybgaleen.
Usbuuc keddib, Maxamed waxa uu warqad ka helay golaha deegaanka magaalada Hamburg, warqaddaas oo ahayd dardaarankii xaaskiisii Jessica. Markii uu warqaddii furay, waxay u qornayd sidatan:
“Maxamed waan ku salaamay. Waxan aad ugu faraxsanahay in aan kula qaatay saacadihii noloshayda ugu dambeeyay, weligayna taas ma illoobi doono. Waxa kale oon rabay in aan kuu sheego in aan hantidayda oo dhan ugu deeqay ururrada samafalka iyo danyarta guri la’aanta ah”.🙂
Sabriye Musse
[email protected]