Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Maxaan loo dhisin maktabadda Burco ee ay dadweynuhu baadigoobayaan?

    Maxaan loo dhisin maktabadda Burco ee ay dadweynuhu baadigoobayaan?

    By radiohalgan.comMarch 19, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Toban kii sanno ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaannada Soomaalida waxaa ka hanaqaaday kacdoon wax akhris qoraal oo ka jira magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo ay calanka u sidaan dhallinyaro da’ayar oo baraha bulshada isku waydaarsanaya buugaag iyo sheekooyin farshaxanleh kuwaas midiba midka kale ku dhiirrigeliyo in uu sii wado dhigaalkiisa.

    Si gaar ah Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa ka socday abaabul xoogan oo magaalooyinka waaweyn ay ku yeelanayaan maktabaddo bulshadu leedahay cid walbana u furan si loo xoojiyo wax akhriska bulshada.

    Waxaa maktabado laga dhisay magaalooyinka, Hargeysa, Boorama, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabiley, balse magaalada Burco maktabadeedii wali lama dhisin.

    Arrintaan ayaa kacdoon ka dhalisay baraha bulshada kaas laysku weyddiinaayo waxa illaa hadda aan loo dhisin maktabadda oo marar badan oo kala duwan la dhagax dhigay balse ilaa iyo hadda aan wax natiijo ah la gaarin.

     

    Goobta

    XIGASHADA SAWIRKA,AXMED SOMALI

    Kacdoonkaan waxaa hormuud ah Barwaaqo Xirsi Muuse (Barwaaqo Haldhaa) oo barta Facebook muddo ku daabacaysay qoraalo ku saabsan waxa ku dhacay dhismaha maktabada.

    Waxaa ka qayb qaatay kacdoonkaan dhallinyaro badan oo reer Burco ah kuwaas oo iyaguna fariimo ku daabacay baraha bulshada.

    β€œMaanta Ceeb baan u arkay iyo dib-u-dhac in ay Burco yeelan waydo maktabad [dadweyne], iska dabawareeg badan ayaana kacdoonkaan dhaliyay” ayay tidhi Barwaaqo oo la hadashay BBC da.

    Ol’olaha baraha bulshada ee lagu doonaayo dhismaha maktabadda waxaa eedda ugu weyn dusha loo saaray xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdillaahi oo ku magac dheer Fanax kaas oo sida la sheegay shirkad uu leeyahay la siiyay dhismaha qandaraaska maktabadda.

    β€œXildhibaanka si shakhsiyan oo aan u dhalliilayno ma jirto … waxa qudha ee aan u cadaadinayno dhaliishiisana u badinayno waa in isaga deegaan doorashiidusu tahay Burco …Tan labaadna waxaa weeye in uu leeyahay shirkadii ku guuleysatay Qandaraaska [dhismaha] maktabadda,” ayay tiri Barwaaqo.

    “Shirkadaada ku guuleysatay qandaraaska … hays baraxdo. Haddii wax ka dhiman yahiinna ha sheegto oo yaan idinka iyo shacabkiina afka laysku gelin” ayay hadalkeeda sii raacisay Barwaaqo.

    Dhagax dhig

    XIGASHADA SAWIRKA,AXMED SOMALI

    BBC da ayaa la xiriirtay xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdillaahi oo lagu eedeynayo shirkadiisa oo la siiyay qandaraaska dhismaha maktabadda in aysan wax shaqo ah qaban ilaa iyo haatan, balse waxa uu BBC da u sheegay in shaqada dhismaha ee maktabaddu wali socota, oo ilaa iyo lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan hwosheedu joogsan.

    Warbaahinta gudaha oo uu la hadlay xildhibaanku ayuu u sheegay in magaaladu leedahay masaajido ay yaalaan kitaabo diini ah, halkaas ay wax ku aqrisan karaan.

    Sidaas oo kale ayuu u sheegay BBC da isaga oo yiri: β€œInta maktabada dhismaheedu soconayo, bil ramadaan ayaan ku jirnaaye, xadiiskii iyo kitaabkii iyo wixii oo dhan masaajidey yaalaane hΓ‘ aqristaan”, ayuu yiri xildhibaan Fanax.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in dadku ay tagi karaan maktabadaha kale ee ku yaalla magaalada.

    β€œBurco waxay leeahay boqol masaajid ka badan, masaajid walba kutub ayaa taala… akhris intaas ayaa inoogu filan,” ayuu BBC da u sheegay xildhibaanku.

    Sababta aan shirkadiisu u dhisan maktabadda ay qandaraaska dhismiheeda ku guuleystay ayuu ku macneeyay in qaar ka mid ah shacabka magaaladu dalbadeen in loo dhiso maktabad ka wayn midda loo dhisay magaalooyinka kale ee Somaliland, ayna doonayaan in lacag dheeraad ah ay ku daraan intii horay loogu helay dhismaha maktabadda.

    Laakiin waxa uusan ka jawaabin xildhibaanku ayaa ah in dad eedeynaya ay sheegayaan in meeshiiba aan shaqo ka socon wax laga dhisana aysan jirin ilaa iyo hadda.

    β€œMaktabadahii kale oo dhismay markaad aragto iyo taadii oo inta dayr lagu xidhay jiingado lagu xidhay hogag laga qoday ay waxba ka socon waayeen – naftu waxay kugu qasbaysaa in aad ogaato oo aad ka dhiidido siday wax u socdaan.” ayay tidhi Barwaaqo oo ka cadhaysan in illaa hadda maktabadda dadweynaha oo baahi weyn loo qabo aan la dhisin.

    Halka laga dhagax dhigay maktabadda magaalada Burco waxay ahayd kheyriyadii magaalada oo ahayd barxad taariikhi ah oo bulshada lagu kulmin jiray xilligii gumeystaha isu soo baxyadana la iman jiray waxaana la sheegay in ay kamid ahayd meelaha ol’olaha gobonimo doon ee loogasoo horjeeday Ingiiriska laga bilaabay.

    Dhismayaal ku yaalay halkaas ayaa la dumiyay sanadkii 2021kii kadib markii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu ka dhagax dhigay maktabadda magaalada iyadoo halkaas lagusoo bandhigay naqshadda ay yeelan doonto maktabaddu.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.