Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

    June 30, 2025

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Ruushka oo 10 qodob ku soo koobay waxa Maraykanku ka faa’iiday weerarradii xalay Iraan

      June 22, 2025

      DEG DEG mareeykanka oo Duqeeyay Xaruumihii Nuyukleeyrka Iiraan

      June 22, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaan loo dhisin maktabadda Burco ee ay dadweynuhu baadigoobayaan?

    Maxaan loo dhisin maktabadda Burco ee ay dadweynuhu baadigoobayaan?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 19, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Toban kii sanno ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaannada Soomaalida waxaa ka hanaqaaday kacdoon wax akhris qoraal oo ka jira magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo ay calanka u sidaan dhallinyaro da’ayar oo baraha bulshada isku waydaarsanaya buugaag iyo sheekooyin farshaxanleh kuwaas midiba midka kale ku dhiirrigeliyo in uu sii wado dhigaalkiisa.

    Si gaar ah Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland waxaa ka socday abaabul xoogan oo magaalooyinka waaweyn ay ku yeelanayaan maktabaddo bulshadu leedahay cid walbana u furan si loo xoojiyo wax akhriska bulshada.

    Waxaa maktabado laga dhisay magaalooyinka, Hargeysa, Boorama, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabiley, balse magaalada Burco maktabadeedii wali lama dhisin.

    Arrintaan ayaa kacdoon ka dhalisay baraha bulshada kaas laysku weyddiinaayo waxa illaa hadda aan loo dhisin maktabadda oo marar badan oo kala duwan la dhagax dhigay balse ilaa iyo hadda aan wax natiijo ah la gaarin.

     

    Goobta

    XIGASHADA SAWIRKA,AXMED SOMALI

    Kacdoonkaan waxaa hormuud ah Barwaaqo Xirsi Muuse (Barwaaqo Haldhaa) oo barta Facebook muddo ku daabacaysay qoraalo ku saabsan waxa ku dhacay dhismaha maktabada.

    Waxaa ka qayb qaatay kacdoonkaan dhallinyaro badan oo reer Burco ah kuwaas oo iyaguna fariimo ku daabacay baraha bulshada.

    “Maanta Ceeb baan u arkay iyo dib-u-dhac in ay Burco yeelan waydo maktabad [dadweyne], iska dabawareeg badan ayaana kacdoonkaan dhaliyay” ayay tidhi Barwaaqo oo la hadashay BBC da.

    Ol’olaha baraha bulshada ee lagu doonaayo dhismaha maktabadda waxaa eedda ugu weyn dusha loo saaray xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdillaahi oo ku magac dheer Fanax kaas oo sida la sheegay shirkad uu leeyahay la siiyay dhismaha qandaraaska maktabadda.

    “Xildhibaanka si shakhsiyan oo aan u dhalliilayno ma jirto … waxa qudha ee aan u cadaadinayno dhaliishiisana u badinayno waa in isaga deegaan doorashiidusu tahay Burco …Tan labaadna waxaa weeye in uu leeyahay shirkadii ku guuleysatay Qandaraaska [dhismaha] maktabadda,” ayay tiri Barwaaqo.

    “Shirkadaada ku guuleysatay qandaraaska … hays baraxdo. Haddii wax ka dhiman yahiinna ha sheegto oo yaan idinka iyo shacabkiina afka laysku gelin” ayay hadalkeeda sii raacisay Barwaaqo.

    Dhagax dhig

    XIGASHADA SAWIRKA,AXMED SOMALI

    BBC da ayaa la xiriirtay xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdillaahi oo lagu eedeynayo shirkadiisa oo la siiyay qandaraaska dhismaha maktabadda in aysan wax shaqo ah qaban ilaa iyo haatan, balse waxa uu BBC da u sheegay in shaqada dhismaha ee maktabaddu wali socota, oo ilaa iyo lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan hwosheedu joogsan.

    Warbaahinta gudaha oo uu la hadlay xildhibaanku ayuu u sheegay in magaaladu leedahay masaajido ay yaalaan kitaabo diini ah, halkaas ay wax ku aqrisan karaan.

    Sidaas oo kale ayuu u sheegay BBC da isaga oo yiri: “Inta maktabada dhismaheedu soconayo, bil ramadaan ayaan ku jirnaaye, xadiiskii iyo kitaabkii iyo wixii oo dhan masaajidey yaalaane há aqristaan”, ayuu yiri xildhibaan Fanax.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in dadku ay tagi karaan maktabadaha kale ee ku yaalla magaalada.

    “Burco waxay leeahay boqol masaajid ka badan, masaajid walba kutub ayaa taala… akhris intaas ayaa inoogu filan,” ayuu BBC da u sheegay xildhibaanku.

    Sababta aan shirkadiisu u dhisan maktabadda ay qandaraaska dhismiheeda ku guuleystay ayuu ku macneeyay in qaar ka mid ah shacabka magaaladu dalbadeen in loo dhiso maktabad ka wayn midda loo dhisay magaalooyinka kale ee Somaliland, ayna doonayaan in lacag dheeraad ah ay ku daraan intii horay loogu helay dhismaha maktabadda.

    Laakiin waxa uusan ka jawaabin xildhibaanku ayaa ah in dad eedeynaya ay sheegayaan in meeshiiba aan shaqo ka socon wax laga dhisana aysan jirin ilaa iyo hadda.

    “Maktabadahii kale oo dhismay markaad aragto iyo taadii oo inta dayr lagu xidhay jiingado lagu xidhay hogag laga qoday ay waxba ka socon waayeen – naftu waxay kugu qasbaysaa in aad ogaato oo aad ka dhiidido siday wax u socdaan.” ayay tidhi Barwaaqo oo ka cadhaysan in illaa hadda maktabadda dadweynaha oo baahi weyn loo qabo aan la dhisin.

    Halka laga dhagax dhigay maktabadda magaalada Burco waxay ahayd kheyriyadii magaalada oo ahayd barxad taariikhi ah oo bulshada lagu kulmin jiray xilligii gumeystaha isu soo baxyadana la iman jiray waxaana la sheegay in ay kamid ahayd meelaha ol’olaha gobonimo doon ee loogasoo horjeeday Ingiiriska laga bilaabay.

    Dhismayaal ku yaalay halkaas ayaa la dumiyay sanadkii 2021kii kadib markii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu ka dhagax dhigay maktabadda magaalada iyadoo halkaas lagusoo bandhigay naqshadda ay yeelan doonto maktabaddu.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

    June 30, 2025

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

    June 30, 2025

    DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

    June 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.