Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Maxaan ka ognahay marin-badeedka ay ciidamada Maraykanku kormeerayaan ee laga dhisayo Qasa?

    Maxaan ka ognahay marin-badeedka ay ciidamada Maraykanku kormeerayaan ee laga dhisayo Qasa?

    By radiohalgan.comMarch 9, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xilli afar meelood meel dadka ku nool Marinka Qasa ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul ka dilaacda halkaas ayaa Maraykanka iyo Midowga Yurub isku diyaarinayaan xaaladkasta oo looga hortagi karo masiibo kale oo bini’aadanimo oo ka dilaacda Qasa.

    Qasa, waxaa ka socda wali colaad in ka badan afar bilood halkaas oo ay haya’adaha Qaramada Midoobay ka dayrinayaan xaaladda malaayiin rayid ah oo reer Falastiiniyiin ah.

    UK, ayaa hore gargaar ay diyaarado hawada sare kaga tuurayan ugu dirtay Qasa, sidaas oo kale Maraykanka ayaa isna fuliyey gargaar dhanka hawada looga daadiyey waqooyiga Qasa oo ka mida meelaha ugu adag in la gaarsiiyo gargaarka Marinka Qasa.

    Si xal deg deg ah loogu helo gargaarka, Maraykanka ayaa isku diyaarinaya inuu dhiso deked ku meel gaar ah oo gargaar bini’aadannimo lagu gaarsiiyo Qasa. Dekadda oo ah mid ciidamada ay maamulayaan ayaa la qorsheynayaa in si weyn loogu kordhiyo gargaarka gobolka.

    Tallaabadan la yaabka leh ayaa imaanaysa xili maamulka Biden uu si isa soo taraysa u wajahayo dhaleecayn wayn kadib markii ay sii xumaatay dhibaatada bini’aadantinimo iyo xoojinta go’doominta Israa’iil ee Qasa.

    Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen guddiga Midowga Yurub, Qubrus, US, UK iyo UAE ayaa lagu sheegay in ka shaqeynta marin badeed ay noqon doonto mid adag, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan inay ku cadaadiyaan Israa’iil inay balaariso fududeynta waddooyinka gargaarka.

    Maxay tahay dekaddan?

    Dekadan ayaa ah mid si macmal ah oo ay dhisayaan ciidamada Maraykankanka taas oo la doonayo inay ku xirtaan doomaha sida gargaarka ee ka soo qaadayaa maraaakiibta taagan badda si dadka loogu helo gargaar.

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay dhisi doonaan dekad si ay sahayda uga soo qaadaan maraakiibta badda ku sugan ilaa xeebta, laakiin saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay qaadaneyso tiro toddobaadyo in la sameeyo.

    Laakiin Maraykankuna ma bixin tafaasiil badan oo ku saabsan cidda kormeeri doonta iyo sida loo geyn doono marka ay gaadho Qasa,

    Warbixinnada warbaahintu waxay sheegeen in Aqalka Cad uu hindisahan ku tilmaamay “hawlgal degdeg ah” kaas oo u oggolaanaya boqollaal baabuur oo sida gargaar in la geeyo Qasa iyada oo la sii marayo deked sabaynaysa oo ku xiran buundada ku meel gaadhka ah.

    Saraakiisha Maraykanku waxay sheegay in ugu yaraan lixdan ilaa soddon maalmood ay qaadan karto dhamaystirka howshan iyadoo ay ka qayb qaadanayaan ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha.

    Wargeyska New York Times ayaa sheegay in afhayeenka hay’adda “Go Gat” ee Israa’iil oo mas’uul ka ah abaabulka gargaarka Falastiiniyiinta ee Qasa, ay diiday inay ka hadasho arrintan.

    Waxaase la rajaynayaa in gargaar ay soo direen Imaaraadku uu gaari doono Qubrus ka dibna halkaasi lagu baarayo Markabka isagoo dabadeed loo sii gudbin doono Qasa.

    Ilaa hadda ma cadda halka maamulka Biden uu doonayo inuu ka dhiso dekedda cusub ee sabaynaysa Qasa, balse ciidamada Maraykanka ee Injineerrada ah oo khibrad dheer u leh dhismahan ayaa sida ay sheegeen saraakiisha Aqalka Cad waxaa laga dhisi doonaa xeebta meel u dhow marinka Qasa.

    Saraakiishan ayaa sheegay in maraakiibtaasi oo isugu jira kuwa oo balaaran ay u baahan yihiin ilaalo hubeysan,maadaama ay si gaabis ah u socdaan,gaar ahaan marka ay gaaraan xeebaha Qasa, sidaas darteedna wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ay ku howlan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd difaacooda.

    Shaqaalaha gargaarka ayaa ka digay in marin badeedku aanu noqon doonin beddelka waddooyinka dhulka ee gargaarka.

    Marinka baddu ma beddelayaa kii dhulka?

    Qasa

    XIGASHADA SAWIRKA,REUETERS

    Hindisahan cusub wuxuu bixin doonaa hab kale oo lagu gaynayo gargaaka balse dekada cusubi ma xalin doonto dhibaatada baaxada leh ee ka taagan Qasa gaar ahaan waqooyiga, sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah iyo hay’adaha gargaarka caalamiga ah, Israa’iil waxay ka hortagtaa baabuurta xamuulka ah.

    Caddaadiska Israa’iil ayaa sidoo kale hoos u dhigay in dalalka Mareykanka, Jordan, Masar, iyo Faransiiska ay joojiyaan gargaarka xagga hawada ah

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in in ka badan nus malyuun qof oo reer Qasa ah ay soo food saartay masiibo ay ugu wacan tahay gaajo iyo gabaabsi cuno iyo biyo la,aan gaar ahaan waqooyiga Marinka Qasa.

    Waa kuwee dalalka Maraykanka kala qayb qadanaya qorshahan?

    QASA

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qorshahan waxaa Maraykanka ku taageeray oo gacan ka siinaya dalalka Jamhuuriyada Qubrus, Isutagga Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Talyaaniga, Jarmalka, Nederland, Giriiga iyo Midowga Yurub, kuwaas oo warbixin wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay inay la dhaqaajiyo marin baddeedkan si gargaraka xooga loo saaro

    Qubrus waxa ay in ka badan 200 mayl dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan tahay Gaza, halkaas oo Ingriisku ku leeyahay joogitaan ciidan waxaa suura gal ah in hindisuhu dhaqan gali doono maadam UK ay ka mid tahay dalalka taageeray qorshahan

    Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu yiri, “Xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza waa mid murugo leh, maadaama ay jiraan qoysas iyo caruur falastiiniyiin ah oo aan waxba galabsan oo aad ugu baahan baahiyaha aasaasiga ah.”

    Reer Qasa waxay bishan Ramadan u bilanaysaa iyadoo halkaas ay ka jirto mid ka mida xaaladihii ugu adkaa ee bini’adanimo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

    April 11, 2024

    Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

    April 11, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.