Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Dagaal Toos ah oo ka Socda Doolow – Ciidanka Itoobiyaanka oo Madaafiic ku Garaacaya

    July 27, 2025

    13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

    July 27, 2025

    DEG DEG: Kooxda AS ayaa si rasmi ah ula wareegtay kadib

    July 27, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal Toos ah oo ka Socda Doolow – Ciidanka Itoobiyaanka oo Madaafiic ku Garaacaya

      July 27, 2025

      13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

      July 27, 2025

      DEG DEG: Kooxda AS ayaa si rasmi ah ula wareegtay kadib

      July 27, 2025

      Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

      July 27, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      DEG DEG: Dagaal Toos ah oo ka Socda Doolow – Ciidanka Itoobiyaanka oo Madaafiic ku Garaacaya

      July 27, 2025

      13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

      July 27, 2025

      DEG DEG: Kooxda AS ayaa si rasmi ah ula wareegtay kadib

      July 27, 2025

      Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

      July 27, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaan ka ognahay iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya

    Maxaan ka ognahay iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Shiinaha iyo Soomaaliya waxay sare u qaadeen xiriirka diblumaasiyadeed ee iskaashiga istiraatiijiyadeed.

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay yeesheen kadib ku dhawaaqay kor u qaadista xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya oo loo sameeyay iskaashi istiraatiiji ah.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tegey magaalada Beijing shir madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

    Xi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ah ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha, saaxiibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliyana ay tahay mid soo martay marxalado kala duwan.

    Waxa uu sheegay in Shiinaha uu doonayo in uu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa ujeedadii asalka ahayd ee xiriirkooda diblumaasiyadeed, isla markaana ay natiijo cusub ka gaari lahaayeen xiriirkooda laba geesoodka ah, taasoo faa’iido weyn u leh shacabka labada dal.

    Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay arrimo dhowr ah oo labada mas’uul ay isla soo qaadeen.

    “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada”.

    “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Xi Jinping waxa uu isna xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi waxa uu ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Soomaaliya.

    Shirka labada dowladood

    Xigashada Sawirka,Villa Somalia

    Madaxweynaha Shiinaha ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya ay iska garab taagan yihiin hadafka taariikhiga ah ee ah in la gaaro midnimo qaran oo dhammaystiran. Shiinuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka taageerto ilaalinta madax banaanida qarankeeda iyo dhulkeeda, iyo sidoo kale geeddi-socodkeeda nabadda iyo horumarka, wuxuuna sheegay in labada dhinacba looga baahan yahay in ay si adag isaga taageeraan arrimaha khuseeya danahooda asaasiga ah iyo danahooda ugu waaweyn.

    Xi ayaa intaa ku daray in Shiinuhu uu doonayo in uu sii wado taageerada dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya, sahminta suurtagalnimada iskaashiga iyo ballaarinta fursadaha horumarineed. Isagoo shirka FOCAC uga faa’ideysanaya, “Shiinaha wuxuu xoojin doonaa iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyada ganacsiga, kalluumeysiga iyo tababarrada shaqaalaha”, ayuu yiri madaxweynaha.

    Shiinaha wuxuu sidoo kale sii wadi doonaa dhaqaalaha uu ku bixiyo howlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ee Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ka taageerayaa sidii ay u horumarin lahayd gudaha dalkeeda. ku tiirsanaanta horumarka, la dagaalanka argagixisada iyo xasiloonida.

    Wuxuu ugu hambalyeeyay Soomaaliya doorashadii xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ka mid noqoshada rasmiga ah ee bulshada Bariga Afrika, wuxuuna muujiyay sida uu Shiinuhu u doonayo inuu xoojiso iskaashiga dhinacyada badan leh ee Soomaaliya si loo ilaaliyo cadaaladda caalamiga ah.

    Shirka madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Afrika

    Xigashada Sawirka,Villa Somalia

    Shirka madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Afrika ayaa maalmo ka hor Beijing ka furmay.

    Waxaa lagu gorfeeyay arrimo badan oo la xiriira siyaasadda Shiinaha iyo dalalka Afrika iyada oo halkaa ay joogeen inta badan madaxda dalalka Afrika.

    Madaxweyne Xi Jinping ayaa si weyn u doonaya in uu hormariyo xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Afrika, isagoo kor u qaadaya iibsashada alaabaha Shiinaha iyo soo saarista wax soo saarka korontada iyo tiknoolojiyadda. Tani waxay u noqon kartaa fursad ay Shiinaha ku muujinayaan awoodooda tiknoolojiyadeed iyo ganacsi ee gobolka, ayagoo qaaradda u ballan qaaday adduun gaaraya 50 Bilyan oo doollar oo deyn ahaan ay u siinayaan.

    Dhinaca kale, madaxda Afrika ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya shirkan, iyagoo soo bandhigaya qorshayaashooda maalgashi.

    Waxa ay ku doonayaan in Shiinaha ay ka taageeraan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, tareenada, iyo dekedaha, si loo kobciyo suuqyada gudaha iyo xoojinta xiriirka ganacsi.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Dagaal Toos ah oo ka Socda Doolow – Ciidanka Itoobiyaanka oo Madaafiic ku Garaacaya

    July 27, 2025

    13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

    July 27, 2025

    DEG DEG: Kooxda AS ayaa si rasmi ah ula wareegtay kadib

    July 27, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Dagaal Toos ah oo ka Socda Doolow – Ciidanka Itoobiyaanka oo Madaafiic ku Garaacaya

    July 27, 2025

    13 Sano kadib AS oo qabsaday Degmada Maxaas.

    July 27, 2025

    DEG DEG: Kooxda AS ayaa si rasmi ah ula wareegtay kadib

    July 27, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.