Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaan ka naqaannaa xabsiga lagu xiray Abiib, Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiyiini kale?

    Maxaan ka naqaannaa xabsiga lagu xiray Abiib, Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiyiini kale?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comOctober 1, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa laga sii daayay xabsiga Mandheera kadib muddo dhowr toddobaad ah oo uu halkaas ku xirnaa.

    Xildhibaan Abiib ayaa muddo 28 maalmood ah ku xirnaa xabsiga Mandheera ee ku yaalla Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

    Xildhibaanka ayaa la xiray labadii bisha September ee sanadkaan, xilli uu ka soo dagay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, laguna xiray xabsiga magaalada Mandheera.

    Xeer ilaalinta Somaliland ayaa xilligaas u soo jeedisay eedeymo ay ka mid ahaayeen “Qaran dumisnimo iyo in uu sumcad dil u geystay ciidamada Somaliland”.

    Haddaba maxaan ka naqaannaa xabsiga Mandheera ee lagu xiray Abiib, Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo siyaasiyiini kale?

    Xabsiga Mandheera

    Xigashada Sawirka,Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka,Xabsiga Mandheera

    Waa xabsi fac weyn oo ilaa berigii kacaanka iyo kasii horeba dadka lagu xiri jiray.

    Waxaa la dhisay kun sagaal boqol iyo afartameeyadii, waxaa dhisay gumeysigii Ingiriiska. Sabata loo dhisayna waxay ahayd in lagu xiro maxaabiista siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqyada gobbanimodoonka, gaar ahaan kuwii ka jiray Burco. Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan taariikhda uruuriya.

    “Xabsiga Mandheera waa meel geeri go’an ah, oo aan si sahal ah looga fakan karin xilligaas, mana lahan jihooyin qardajeex ah, oo laga aado magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Sheekh. Qofku wuxuu ku qasbanaa inuu jidka weyn qaado, taas oo sahli jirtay in qofkii halkaas ka fakada in laga soo qabto jidka weyn.”

    Wuxuu u dhisan yahay qaab xero militari, oo ah sidii loo dhisi jiray xabsiyada dagaalkii labaad.

    Wuxuu xabsiyada kale uga duwanaa inuu ahaa mid go’doonsan. Wuxuu ahaa xabsiga keliya ee gumeysigu ka dhisay dalka ee aan magaalo ku dhex oollin.

    Yaa ka mid ahaa dadkii caanka ahaa ee xabsigan soo maray?

    Maxaabiis ay siyaasiyiin caan ah ay ka mid yihiin ayaa lagu xabsigan.

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Qoraalka sawirka,Maxaabiis ay siyaasiyiin caan ah ay ka mid yihiin ayaa lagu xabsigan.

    Inta la xusuusto xilligii gumeysiga dadkii lagu xiray waxaa ugu caansanaa Maxamuud Uurdoox, halgamaagii xorriyadda waqooyi.

    Xilligii dowladdii militariga ahaydna waxaa ugu caansanaa dadkii lagu xiray Maxamed Faarax Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo abwaankii weynaa ee Cali Banfas.

    “Xilligaan dambe ee xabsiga ay maamusho Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxa-bannaanida ee Somaliland dadka lagu xiray waxaa ugu caansanaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi,.

    Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ee imika ayaa isagana lagu xidhay 2001-dii, Wakhtigaas oo uu Madaxweyne ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ahaa Mucaarad si weyn uga soo horjeeday Xukuumaddii Cigaal ayaa lagu eedeeyey, isaga oo wakhtigaas Hargeysa ka soo degay in shirar ka dhan ah Qaranimada Somaliland uu ku soo galay dalal dibedda ah.

    ⁠Wax muhiimad ah oo weyn uma lahayn dowladdii rayidka ee beddeshay tii gumeysiga, waayo ma jirin maxaabiis siyaasadeed. Muhiimad weyn ayuu u yeeshay taliskii militariga, waayo wuxuu noqday meel ay isaga fogeeyaan maxaabiista siyaasadeed.

    Waxaa lagu xiray maxaabiis ka tirsaneyd jabhadda SNM. Sidaas awgeed, SNM ayaa weerartay oo jebisay laba jeer: markii koowaad, bishii January ee sannadkii 1983 ayay ahayd, halkaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis gaareysa 744 maxbuus.

    Markii labaad ee ay jebiyeen xabsiga waxay ahayd bishii May 1988, halkaas oo ay ku dileen taliyihii xabsiga, kuna sii daayeen 664 maxbuus.

    Dadkan dambe ee la sii daayey waxaa ku jiray Duqii hore ee Magaalada Hargeysa Barre Laangadhe iyo maxaabiis ku xirnaa jabhadda WSLF.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.