Haddaba maxaan ka naqaanaa Lughaya oo ay Itoobiya sheegtay in bad kiro ah laga siiyay?
Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Awdal. Maamul ahaan waxay ka tirsan tahay Somaliland.
Lughaya waxa ay 50 km koonfurta kaga beegantahay dekedda Jabuuti, 200 oo km-na waxay dhanka waqooyiga ka xigtaa degmada Berbera. Sidoo kale waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu weyn gobolka Awdal. Shacbka deggan waa dad xoolo dhaqato ah, sidoo kalana kalluumeysato ah, waxa ay caan ku tahay kalluunka iyo caanaha geela. Degmadan waxaa deggan dad lagu qiyaaso 75,000 oo qof.
Deegaannada hoosyimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le’eg tahay ilaa 10,421 km kaasi oo ay ku dhaqan yihiin dad gaaraya ilaa 182,706.
Sida caadiga degmadani waxaa xarun u ah magaalada xeebta ah ee Lughaya. Magaalooyin kale ee ku hareereysan ama xidhiidhka laleh waxaa ka mid ah Saylac, Caasha Cado, Xariirad, Jidhi iyo Lawyacaddo kuwaasi oo isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin.
Gobolka Awdal oo ay ka tirsan tahay degmada Lughaya ayaa ah gobol taariikh dheer leh isla markaana lagu xusuusto xadaarad suldaannimo, boqortooyo iyo ismaamul dheer oo muddo soo jiray. Boqortooyada Adal waxay ka mid tahay awooodihii ugu caansanaa ee ka soo talin jirey gobolka Awdal.
Awdal waxaa magaalo madax u ah caasimada Boorama, oo ah magaalada ugu weyn gobolka. Gobolkan waxa uu ka mid yahay gobollada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan woqooyi galbeed, xag dhaqaale, waxbarsho, diin ahaan iyo mid isgaadhsiineedba.
Siciid Idiris Askar, oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in deegaanku uu yahay deegaan Soomaaliyeed isla markaana ay ku tarmeen dhammaan qosykiisa lagasoo bilaabo ilaa awooweyaashiis, haatanna uu isagu ka mid yahay odayaasha deegaanka.
“Qiyaastii ilaa 1810-kii waxaa deegaanka ku dhashay aabahay awowgiis, ilaa jufadeenna halkan ayaan caan ku nahay”.
“Halka immika la sheegayo in Itoobiya haatan ay qaadaneyso, qiyaas ahaan waxa ay Itoobiya u jirtaa ilaa 50-KM laakiin weli ma garaneyno halka ay sida rasmiga ah u tahay dhinaca la siiyay,” ayuu yiri Siciid Idiris.
“Halka Itoobiya la leeyahay waa la siiyay waxa aan ku maqleynaa in ay tahay Xeebta ‘Sabacas’ laakiin lama hubo waana xeeb ku toosan ceel batrool”, ayuu sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in Lughaya ay ku aasanyihiin ceelal shidaal oo kale, isla markaana shidaalku uu kamid yahay waxyaabaha uu deegaanku qaniga ku yahay.
Dowladda Itoobiya ayaa mar kale difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland ee sida xooggan ay uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.
Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 kiilomitir ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”
Ridwan Xuseen, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa wareysi gaar ah oo siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) waxa uu ku sheegay in falcelinta [caalamiga ah] ee ka dhalatay is-afagaradka “ay aheyd wax aysan fileyn.”
Waxa uu sheegay in goobta ay Somaliland heshiiska ku gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.
Ridwan ayaa difaacay go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.
Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi buuxa, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo horumarin dekado.”
dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horreysay saxiixay sharci noociisa uusan aad u badnayn in la arko oo lagu buriyey kii ay todobaad ka hor wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya ee ay isku dhaafsadeen dhul badeed iyo aqoonsi.
Guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida, kuwii hore iyo kuwa hadda xilalka hayaba waxa ay si isku mid ah u dhaleeceeyeen heshiiska ay Itoobiya ku dooneyso dhul badeed ku yaalla Somaliland.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa sidoo kale dhaliilay heshiiskan oo lagu sheegay mid sharciga baal marsan isla markaana xad gudub ah.