Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

    May 9, 2025

    DEG DEG Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

    May 9, 2025

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

      May 9, 2025

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      Da’idda roobka gu’ga ee sannadkaan oo ka duwan saadaashii horay loo qabay.

      May 8, 2025

      DEG DEG Ciidamada Amaanka Baladweyne ayaa Goordhow toogtay Nin As Aha

      May 7, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      Turkiga oo hawadiisa u diiday dayuurad siday Madaxweynaha Israel

      May 5, 2025

      Heyadda WHO oo qarka u saaran in albaabada loo laabo

      May 3, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      DEG DEG Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

      May 9, 2025

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Maxaan ka naqaannaa Aargute, askarigii iyo fannaankii ku waxyeelloobay haatanna u geeriyooday qaraxii SYL?

    Maxaan ka naqaannaa Aargute, askarigii iyo fannaankii ku waxyeelloobay haatanna u geeriyooday qaraxii SYL?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 19, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Turkiga ku geeriyooday fannaan Cabdulkhaadir Maxamed Aadan (Aargute), oo kamid ahaa fannaaninta da’da yar ee sanadihii dambe ka howl galayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Fannaan Aargute waxa uu dhaawac daran kasoo gaaray qaraxii lagu weeraray hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Maarso, iyadoo ay weerarka geysteen ururka Al-shabaab.

    Aargute ayaa dhaawiciisa loo qaaday dalka Turkiga si loogusoo dabiibo halkaas oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.

    Bahda fanka, saxaafadda mas’uuliyiinta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiiyeyay geerida Cabduqaadir Maxamed Aargute.

    Maxaan ka ognahay taariikh nololeedkii fannaan Aargute?

    Allaha u naxariistee Cabdiqaadir Aargute waxa uu fankiisa kasoo bilaabay gudaha Muqdisho, halkaas oo uu kasoo shaac baxay, isagoo waayihii dambe ku ballaariyay dalka kenya gaar ahaan caasimaddiisa Nairobi oo uu muddo ku noolaa.

    Aargute ayaa fanka si weyn usii dhex dabaashay markii uu yimid Nairobi, isaga oo ka qayb qaatay barnaamij faneedyo ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku lug lahaayeen arrimo siyaasadeed oo la xiriira dowladda Soomaaliya iyo shirar halkan ka dhacay.

    Dhinca kale Aargute waxa uu kamid ahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo inta badan fankiisa ama heesaha uu qaado ku muujin jiray wadaninimo iyo jacaylka dadkiisa.

    Aargute

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Waxaa jirtay hees uu soo saaray bilo yar kahor inta uusan dhaawaca la kulmin taas oo uu ku guubaabinayay ciidamada isla markaana halku dhiggeedu uu yahay, ‘Waxaan dirayaa farriin’.

    Erayada heesta waxaa kamid ah:

    Waxaan duurka u galoon

    Dulukha u wareegayaa

    Amaan qoray diiradliyo

    Boobaha dusha ugu sitaa

    Inaan cidi damac ka gelin

    Dahabo ciiddeydiyeey

    Damiir laawaha darbiga

    Ka celshaan ahay

    Amaan daba dhilifyadiyo

    Nacabka dibadiyo gudaha

    Dareenka la socdaan ahay.

    Caasha-Kiin Cilmi Xaashi oo kamid ah fanaaniinta Muqdisho ayaa isla markaa ah gabadh uu Aargute u yahay adeer ayaa BBC-da uga warrantay waayihiisii faneed.

    “Adeerkey fanaan Aargute, waxa aan ku xusuustaa in uu ahaa fanaan wadani ah, waxa uu mar walab diiradda saari jiray wacyi gelinta ciidamada iyo shacabkaba maadama uu ahaa askari dowladeed fankana kujira“, ayey tiri Caasha-kiin.

    Aargute waxa uu dunida kaga tagay carruur iyo xal xaas sida ay noo sheegay Caasho-kiin.

    “Aargute hadda ma jirin koox faneed oo uu si gaar ah uga tirsanaa, balse waxa uu si isku mid ah ula shaqeynayay dhammaan kooxaha fanka ee ka dhisan Muqdisho, waxaase isagu uu aad u jeclaa heesaha waddaniga ah, sidoo kalana waxa uu ahaa nin ka qayb qaata qaybaha kale ee fanka sida laxan sameynta“, ayey sii raacisay fanaanad Caasho-Kiin.

    Aargute

    XIGASHADA SAWIRKA,CABDI GAAB ARTS

    Qoraalka sawirka,Cabdi Gaab Arts

    Dhinaca kale Cabdi Gaab Arts oo kamid ah bahda fanka ee Nairobi isla markaana kamid ah aartiistayaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu sawirrada qurxoon, ayaa isna ka warramay muddadii ay wada shaqeynayeen Aargute ee uu Nairobi ku noolaa.

    “Aargute waxa uu Nairobi noogu yimid qiyaastii sanadihii 2009-kii ama 2010-kii, waxa uu ahaa fannaan da’yar ee u fir-fircoon howlaha fanka, sidoo kale waxa uu lahaa qalabka muusigga si uu dadka u baahan uga haqab iro, laakiin isgu ma garaaci jirin“.

    Waxa uus sheegay in shirar calami ah oo ay Soomaalidu lahaayeen isla markaana uu kamid yahay kii Embakasi uu si weyn uga dhex muuqday.

    “Waxaa jiray howlo faneedyo badan oo aan si wadajir ah uga shaqeynayay, waxa aan ku xusuusan karaa deggenaan, fir-fircooni, iyo hadal gaabni“, ayuu yiri Cabdi Gaab.

    Allaha u naxariistee geerida Al-fannaan Cabdiqaadir Maxamed Aadan Xuseen weli lama shaacin halka ay qoyskiisu u qorsheeyeen in lagu aaso.

    Mowduucyada la xiriira

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    September 23, 2024

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

    May 9, 2025

    DEG DEG Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

    May 9, 2025

    DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

    May 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.